Team Dan Qaran

Team Dan Qaran

Share

Kooxda Xamze Cabdi Bare

Photos from Villa Somalia's post 23/01/2024
Photos from OPM Somalia's post 23/01/2024
23/01/2024
20/12/2023

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed, qoyskeeda iyo asxaabteedii uga tacsiyeynayaa geerida Allaha u naxariistee walaasheen wasiirad Khadiijo Maxamed Diiriye oo maanta ku geeriyootay Djibouti.

Marxuumaddu waxay ay ahayd wasiirad iyo xildhibaanad ku tilmaaman karti iyo howl qabad, waxayna kaalin muuqata oo mug leh ka soo qaadatay dowlad-dhiska Soomaaliyada casriga ah.

Waxaan Alle uga baryayaa in uu naxariistii janno ku gallado, ehelkii, asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxdayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

20/12/2023

Waxaan hambalyo u dirayaa Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Alifleyda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta u dabaal dagaya sanadguuradii 80-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidammada Booliska Soomaaliyeed oo la dhisay sanadkii 1943.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa hooyada dhammaan ciidammada kala duwan ee Qaranka, waa ilaaliyaha nabadda iyo sharciga, waana astaan u taagan midnimada iyo wadajirka umaddeena, si ay dadkeennu nabad iyo xasillooni ugu noolaadaan, sidaas awgeed waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay ku garab istaagan gudashada waajibaadkooda Qaran.

20/12/2023

Waxaan tacsi u dirayaa shacabka Soomaaliyeed, qoyska iyo ehellada ay ka geeriyootay marxuum Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye waxa ay ka mid ahayd halgameyaashii waqtiga badan geliyay dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya. Waxa ay muddo dheer u soo adeegaysay dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed, iyada oo door muhiim ah ka soo qaadatay geeddi-socodkii dowlad dhiska Soomaaliya.

Waxaan Alle u weydiinayaa in uu naxariista Janno ka waraabiyo marxuumadda, ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

20/12/2023

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD AYAA KA TACSIYEEYEY GEERIDA WASIIR KHADIIJO MAXAMED DIIRIYE

"Innaa Lillaahi waa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Geerida ku timid Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye waa mid qalbigeenna taabatay oo aad u xanuun badan, si weynna ay u darremayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Alle ha u naxariisto Marxuum Khadiijo waxay door weyn ka soo qaadatay dib u dhiska Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya, iyadoo ka mid noqotay Baarlamaankii ugu horreyey burburka kaddib, tan iyo wakhtigaasna ka soo tirsanayd Golaha Shacabka.

Sidoo kale, Xildhibaan Khadiijo waxay ahayd howlkar wasiir ka noqotay wasaaradu kala duwan, wakhti adagna u soo shaqeysay dalkeenna, kuna tilmaamnayd garab istaagga iyo u damqashada dadkeenna nugul, haweenka iyo dhallinyarada.
Alle ha u naxariisto Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, hoygeedana haka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna haka siiyo qaranka Soomaaliyeed, qoyska iyo ehelada ay ka geeriyootay.

Aamiin,, Aamiin"

20/12/2023

Djibouti, 20 December 2023: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, qoyska iyo eheladii ay ka geeriyootay marxuumad Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Marxuumadda oo ka mid ahayd wafdigii Ra’iisul Wasaaraha ee ka qeybgalayey Madasha Aragti Wadaagga ee Heritage ayaa ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Djibouti oo loo dhigay xannuun degdeg ah oo asiibay.

‘’Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye waxay ka mid ahayd halgameyaashii waqtiga badan geliyay dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya. Waxay ka mid ahayd ka qeygalayaashii shirkii taariikhiga ahaa ee Carta ee Soomaaliya ay dowladnimadeeda ku soo ceshatey’’ ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marxuumadda Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxdeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

DHAMMAAD

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
[email protected]
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:

Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia

20/12/2023
20/12/2023

🚨 Allaha u naxariisto wasiirkii haweenka Federaalka , Khadijo Diiriye ayaa ku geeriyooday Jabuuti.

20/12/2023
Want your business to be the top-listed Government Service in Sharjah?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Sharjah
Sharjah
10000