Waxa bilaaban doono Bi'idnillah Ol'olaha doorashooyinka 2026, bartaan ayaad kala socon doontan Arimaha khuseeya Xisbiga iyo Ol'olaha Md.Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo.
Iskusoo noqod wanaagsan
Mahadsanidiin .
Xisbiga Nabad&Nolol 2020/2021
Nabad & Nolol
10/27/2025
BAYAAN KU SAABSAN XARIGGA MUWAADINIIN KA DHIIDHIYEY KU TAGRI-FALKA DHULKA DANTA GUUD
Waxaan cambaaraynaynaa xarigga iyo tacaddiga loo geystay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u istaagay matalaadda iyo difaaca xuquuqda dadka lagu barakiciyey suuqa Siinay ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ka midyihiin;
• Cabdi Shidane Hiraabe
• Cabdullaahi Cabdi Maxamuud
• Xabiiba Cabdi Cali
• Samsam Cumar Cali
• Raaxo Xasan Jimcaale
Muwaadiniintan waxa ay si nabad ah ugu halgamayeen xuquuqda dadka nugul ee halkaas ku dhaqnaa, si looga hortago barakicin iyo khasaaro dhaqaale oo ballaaran. Codkooda meeshii la dhageysan lahaa, waxa loo adeegsaday awood ciidan iyo xarig sharci darro ah, taas oo ka turjumaysa in laamaha amniga loo adeegsanayo dano gaar ah oo aan waafaqsanayn danta guud.
Madaxda dowladda iyo laamaha amniga ee ay khusayso waxaan ugu baaqaynaa in si degdeg ah loo sii daayo dhammaan dadkaas, lagana waantoobo tallaabooyinka xadgudubka ku ah xuquuqda muwaadiniinta ee uu dammaanad qaaday Dastuurka Kumeelgaarka ah, gaar ahaan xorriyadda hadalka, isu-soo-baxa iyo muujinta cabashada.
DHAMMAAD
06/03/2020
BARTA RASMIGA AH EE XISBIGA
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Telephone
Website
Address
Downtown Ottawa, ON
POSTALCODE:K1G3N9
