Boqor kasta xilli buu ahaa ilma yar oo oohin badan Dhisme kasta oo weyn xilli buu ahaa naqshad warqad ku qoran keliya Muhiim ma aha halka aad maanta joogto ama taagan tahay Laakiin waxa muhiim ah halka aad BERI gaari doonto.
Nuxur Shiekh
Ka shaqeeysa arimaha bulshada.
10/04/2026
Ereygana u meel dayo
Aqoon raaci weedhaha
Inta aqalka joogtiyo
Ardaayada ha weerarin
Ubadkiyo caruuraha
Eebadaadu yey dilin
Odayaa horuu yidhi
Afkaagoo ku soo xidhay
Alla gooyey weeyaan.
Youtube kadawo wareeysigo dhameystiran .
Intey is xagxagganaayan
Ayaggu iskuu xiiqayaan
Xumaan naga sawirayaan
Bal may is xisaabiyaan
Xil-kooda bal may gartaan
Ayago feer laa isku xaadin
Xaashida hoostooda taala
Xarfaha lagu qoro dhugtaan!!!
05/01/2026
Wuxuu yirii
"Kolba mala awaal beenah iyo muran qabiil dhaafa
Midigta is qabsada oo hader meel u wada jeestaa
Marti dunida yeydan ku noqon maanta dabadeede
Milgihina waa ka markale soo magool baxayee
Maamuusa calankiina iyo dhawraa magaciinaa
Kumitida macbudkana irkada mowqif wadayeesha
Ducadana macaansada xaqaa lagu macaashayee"
12/12/2025
Wadanki waxaa ku argay dhalin tahriib isku dhaarsatay iyo madax dhac iyo b**b isku dhasrsatay.
Hadey dhagahi xidhen
Misana wada dheelmaden
Go'aan dhaba aay dhigteen
Dhalintii aay is dhaarsadeen
Begsanay dhimashada dhehen
Miyaa gabay aan dhig dhigaay
Abdow wax ku dheefayaan?
Marku is yiraah dhaqaaq
Dhulkaan intifaacso abiid
Midku u dhibaa han dilaa
Inuu isku dhiibo cadaw
Bag bu u argaa dhabtii,
Geedihi dhinbilaa ka shidan
Dhulka lagu duugayaa
Dhuxul baa laga dhiganayaa
Abaar baa dhameysay gabi
Intaas geed dheer malahaan
Misana wax is dhaama oo
Dhirtaan hala daayo tirii
Dhamow waa laga la'yahay!!
Dhagaxdii wadankeena iyoo
Luulkii waa la dhoofsadaa
Dhalintee hantidooda tahay
Intaas waa ka dhoohanyihiin
Runtii kuma dheefsadaan
Iney dhexdaa wada xidhaan
Iyaagu aay soo dhurtaan
Dhamoow waa iska diidayan!
11/12/2025
Reer Celguula waa idin sallaama saaka xagaas ba idinka dhex sallaama.
Somalida horta Madhiban iyo Eelay iyo Jareer iyo shaanshi ma ogaa miya ineey tahay Magacyo qabiilo cudud iyo awood leh waliba shiekh iyo cuqaal leh ineey yihiin waliba aay suldaamo iyo salaadiin leeyihin.
Maxay tahy saas iyo saas Ma Elay baa nahay iyo qofkan jareerka muxuu ahaa maxay tahy sababta cayda looga dhigtay? Jahilnimadii waxey go'satay xarkaha ee qabiilada noo daaya cay shaqsiyadihina fal dambiyeed yada ka dhaca idinku filane.
Su'ashii aheed Libaan Ahmed hassan waa musharax madaxwaynaha Galmudug ee muxuu dalka iyo Dadka reer Galmudug u qaban doona horta jawabteeda waa tanaa oo wuxuu Madaxwaynuhu balan qaday. Gobolka Mudug in uu garoon intarnational ah ka dhisi doono, Dakadaha gobolka oo magac u yaalka ahna ka shaqeysin doono, Coladaha Beelaha walaalaha ah oo so noqnoqdana uu qayb wayn ka qadan doono soo afjaridooda. Khawarijta oo horena uu ula dagalamay haddana inu Galmudug oo dhan ka sifeen doono buu balan qaday, waxbarashada Galmudug inu tayadeeda xoojin doono haduu Alle ku guuleyo. Intaas Gobolka Mudug kaliya maahane Gobol walba oo madax wayne ka noqodo Bahiyaheedu wuu dhameystiri doona.
Maanta so dhaweentii Reer Galkacyo waxey muujisay awooda Madaxwaynaha soo socda ee Galmudug Galkacyo waa hadashay maanta ee Madax wayne soo dhawoow.
Naagtii Gabdha yar Galkacyo ku dishay baa waxeey naga dhaadhicin rabta "hada xanaqo isma ogii oo waa suuxaa" mida is waydinta leh baa ah 13-caruur ah oo aay dhashayba iyo ninkii ka dhalayba kuma dhul suuxine ma cunugta yaro guriga ka cawineysay bis baay jiradeedu qabataa? Mida kale qof suuxsan baa Video-yada duubay miyaa? Ugu yaran cunugtan kufsi la qarinayo baa loo geeystay oo la rabin in aay cidii ogaato, naagtuna waa dilaa sidee ugu raaxeysaneysay oo u jarjareeysay oo xariiga intee ku xirtay waliba amarka u dil dhigtaan aragnaaye waa naag dilaa ah oo arxan daran waliba waxas oo cadeemo iyo marqaatiyaal meesha yaala in la dhageysto maba aheen. Haddii maanta aay Sabriin yar heli wayso cadaalad waxaa ogaatan waligeedna cuqubada Sabriin dunidan k**a guuri doonto.
Haddaa Abaar iyo colaad na xalufisay dhiiga fadlan Galkacyo waa qabtaa dhiig in ku filan ee midaan yaa looga seexan. Waxaan u rajaynaya Sabriin in aay cadalaad hesho shacabkana codkooda wada jiraa aay ku guulleystaan, InshaAllh.
08/11/2025
Habiba Addow waa kartidi oo qof ah ma sahlana in qof dumar ah oo 5 caruur korineysa misna midii 6Aad calosha ku sida oo bishii 7Aad ku jirto xaamila ah in aay shaqada guriga iyo korista iyo tii shaqada aay isku xamisho oo waliba kaalin mug iyo miisan leh uga dhex muuqato. MashAllah.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Contact the business
Website
Address
Callowhill Dr
Nairobi
M9R3L5
