29/03/2026
Hambalyo Hanblyo Hanlyo Guur & Aroos isla socda
Waxaan Halkan Uga Hambalyeeynayaa Wllkay Daahir Baarax Gade iyo Marwadiisa Ridwan Sheekh Cali oo Guurkoodu kadhacay magalada jigjiga Guur khayar qaba insha allahu
Waxaanan Ugu Ducaynayaa Ducadii Rasuulka SCW, ﺑﺎﺭﻙ ﺍﻟﻠﻪ ﻟﻜﻤﺎ ﻭﺑﺎﺭﻙ ﻋﻠﻴﻜﻤﺎ ﻭﺟﻤﻊ ﺑﻴﻨﻜﻤﺎ ﺑﺎﻟﺨﻴر
Rabbi Reerkiina Haka Dhigo Kii Lagu Bulaalee Lagu Barwaaqoobo Insha Allah Hodana kunoqda dad & duunyo khayarle Daahir Farah Gaade madaxafiseedkii h**e ee xafiska maliyada degmada xararey ❤️
18/10/2025
Shaacinta misaaniyada degmada xararey SM2018
........................................
waxaa maata si rasmi aha loo shaaciyay misaniyada degmada xararey sm2018
oo ay wadarteeda guud tahay 169,238,541birr.
ilaha misaaniyadu kakala imaanhayso
1 dakhliga :- 49,677,164birr
2 qasnadadhexe :- 119,561,377bir
waaxaha ay u qaybsamayso misaniyada
1 mushar:- 95,767,704bir
2 mashiriic:- 60,288,566bir
3 Hawlfulin:- 13,182,271bir
miisaniyadan ayay degmadu waxay lasoobaxaysaa 50% dakhliga gudaha degmada ayaa laga soosaarayaa
Halka ay dawladu kasoo shubayso 50%
waxaana kumaamulidoonaa nidaamka cadcadaanta & islaxisaabtanka maaliyaydeed FTA
han & hiigsi sare
03/07/2025
Qabyo-qoraalka miisaaniyadda 2018 ayaa lagu ansixiyay 1.93 Trillion Birr.
Golaha shacabka ayaa ansixiyay miisaaniyadda dowladda federaalka ee 2018-ka. Golaha ayaa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ee 42-aad, kulankaas ayaa guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Qorsheynta Miisaaniyadda iyo Maaliyadda ee Golaha Wakiilada Mudane Desalegn Wedaje waxa uu ku soo bandhigay hindise-sharciyeedka iyo warbixinta qabyada ah ee dawladda federaalka ah ee 2018-ka.
Golaha shacabka ayaa soo jeedinta eegay, waxayna ansixiyeen miisaaniyada dowladda federaalka ah ee 2018-ka. Warbixintu waxa ay tilmaantay in miisaaniyadda dawladda federaalka ee sannadka soo socda ay tahay 1.93 trillion oo birr.
Miisaaniyadda 2018-ka oo qabyo ah ayaa waxa ay ka kooban tahay 1.2 tiriliyan oo birr oo kharash joogto ah, 415 bilyan oo birr kharashka caasimadda 315 bilyan oo birr oo lagu taageerayo dawlad deegaanada iyo 14 bilyan oo birr oo lagu taageerayo deegaanada si loo hirgeliyo Yoolalka Horumarineed ee Waara.
Miisaaniyadda qabyada ah 1 trillion birr ama 73 boqolkiiba ayaa la qorsheeyay in laga soo uruuriyo dakhliga canshuuraha, 236 bilyan oo birr laga helo hay’adaha horumarinta inta soo hadhayna laga soo uruuriyo taageerada mashaariicda iyo dakhliyada kala duwan.
Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in miisaaniyadda 2018-ka oo qabyo ah loo diyaariyey hab lagu tixgalinayo dib-u-habayn ballaadhan oo dhinaca dhaqaalaha ah iyo qorshaha horumarinta guud ee 10-ka sano.
29/04/2025
Waxaa jira dada wata fikiro iyo dana khaasa, oo raba in ay dib inoogu ciliyaan taariikhdii madoobayd ee deegaan keenu soomaray hadana raba in ay dib inoogu celiyaan.
Waxaan dhalinyarada, deegaanka soomaalida oogu baaqayaa, in aan ilaashano nabada aan haysano.
Ee ilaahay inasiiyay xibiga iyo kuxuumaduna dadaal ugaleen isdii shabacab keenu u heli lahaayeen, xasilooni nabadeed iyo mid siyaasaded
28/04/2025
W/Q:-Madaxwayne Mustafa Muxumed Cumar
“Waa waajib in la qaato talooyinka tolmoon ee waxgaradka iyo hormoodka bulshada. Xukuumaddu waxay aaminsan tahay inay kor u qaaday la kulanka bulshadda Isbadalka kadib oo safaro badan golayaasha kala duwan ee dawladdu ku aadaan Goboladda iyo Degmooyinka. Waxaa dhawaan uun ka soo laabtay hawlo shaqo masuuliyiinta Golaha Fulinta oo joogteeyn doona kulamada sidan oo kale ah.
Haddi ay jiraan qaybo bulshadda kamid ah oo aan la gaadhin ama dareensan inay muhiim tahay in lala kulmana albaabku waa u furan yahay. Waa la qaabili Qudhac, Qansax, iyo Bilcil ba. Xataa Baahuuri!
17/03/2025
Inaa lilaahi Wa Inaa ilayhi Raajucuun Noola Walba Geeribu kuxukuman yahay
Waxaana tacsidan diraya dhamaan shaqaalaha xafiska maaliyada degmada xararey Waxay geeridii Xaqa ahayd kutimid hooyo,Cindi Badal ilaahay waxaan kaaga barinay in janatul fardaws kugu marti qaado kitaabkaagina midigta Allah kaa siiyo
Waxaan utacsiyen hayaa dhamaan ehelkii iyo qaraabadi ay kabaxday oo ugu h**eeyo Wllkay Daahir barax gaade madax xafiska maaliyada degmada xararey iyo dhaman ilma Aderaday ilma Baarax Gaade ilaahay Samir iyo imaan Saadiqa Ha Inaga wada siiyo hooyo Qabriga Allah ha unuuriyo Aamiin
15/02/2025
Dhaadhicinta shirwaynahii 2aad ee xisbiga barwaaqo .
Agendayaashii larabay in ladhaadhiciyo ayaa degmada xararey
Ay udhaadhicisay sikuhaboon
Waxayna bulshada kudhaqan degmada xararey fahantay jahada hormarineed ee xisbiga barwaaqo
Waxayna bulshadu sidhaba ooga shaqayndoontaa 2.5 kahadhay shirwaynaha kale in ay kashaqayn doonto dhanka hormarka maamulka suuban nabadgaliyada iyo dhamaanba barnaamujyada hormarineed &siyaasadeed ee xisbiga barwaaqo
Han & hiigsi sare