23/09/2023
xaaladaha ad-adag, Dadka qaarkood in aadan khasaarin, oodan dhicin ayay wax walba u samaynayaan, xattaa haddii ay iyagu naftooda waayayaan, Halka dad kale xaaladahaa ay kugu eegayaan iyaga oo aamusan😓
Rafaadku waa raaxadeena!!
23/09/2023
xaaladaha ad-adag, Dadka qaarkood in aadan khasaarin, oodan dhicin ayay wax walba u samaynayaan, xattaa haddii ay iyagu naftooda waayayaan, Halka dad kale xaaladahaa ay kugu eegayaan iyaga oo aamusan😓
03/06/2023
Marka aad barato ama garato macnaha qaddarka, calafka, nasiibka iyo amarka, uma baahnid in laguu sharaxo sida ay isu beddesho nolosha aadamuhu iyo sababaha wax loo waayo✅
31/05/2023
Nin DOOB ahaa baa lagu yiri war hebelow maxaad u guursan wayday wuxuu ku jawaabay waxaan ogahay in naagtayda aanay cidna guursanayn
07/05/2023
Dad qaarkii waxay ka qeybgalaan aaska markuu qof ehel ah geeriyoodo iyagoo muujinaya qiiro iyo inay daneyn jireen qofkaas , lkn mayna daryeeli jirin kamana warqabi jirin intii uu noolaa✅
13/11/2022
Qanaacada Alle wax ka wanagsan Maleh❤️ilahayow qanaaco nasii🤲
25/10/2022
"Marka Hodanku isdagaalaayo, Saboolka Ayaa Ku Dhex Dhinta😰
19/10/2022
Mararka qaar waxa jira waxyaabo aan dhammaystirnayn, haddana farxad dhammaystiran innoo sameeya.
28/09/2022
Qofka naftiisa u hibeeya Adduunyada, masiinayso Adduunyadu waxaan ka ahayn inta yar ee lagu aasayo.
Qofkii naftiisa Alle u hibeeyana, Alle wuxuu siiyaa janno balaceedu la’eg yahay samooyinka iyo arlada.🌸
Fiidnimo wanaagsan zhpyl 👋
“Markaad ka tagtid adduunyadan, cidda ku tabi doontaa waa: qofkaad ku ilaalin jirtay sadaqo, kaad u kicin jirtay salaadda, kaad ku kabi jirtay ereyada wanaagsan, kaad la talin jirtay iyo kaad ku qaabili jirtay weji furfurnaan.
Adduunka marti baynu ku nahay oo waynu ka tegaynaa goor ay ahaatabe, dadka qalbiyadooda kaga tag raad wanaagsan.”
Allah ha ina xfdyo dhamaanteenba🖤
24/09/2022
Qof kastaa wuu akhriyaa... Qaarkood waxay dareemayaan si la mid ah sida aad dareemeso... Qaarkoodna waxay la dabaalanayaan mala-awaalkooda.” Qaarkoodna waxay isu arkaan eray kasta oo qoralkaas aad qortay kamid ah... Qaarna ma jecla oo waa ay ku maadsadaan....
Qoraalku wuxuu noqon karaa xan, oohin, bogaadin jacayl, taah, ama xanuun...
Laakiin tan ugu quruxda badan ayaa ah in aad dareen wada gaadha quluubta dadka oo dhan aad qori karto😊😇
21/09/2022
Haddii aad rabto guul iyo farxad adduun iyo aakhiraba.
Haddii aad xanuunsantahay ama dhibaataysan tahay.
Haddii aad ku jirto duruuf qalafsan xalna aadan u hayn.
Haddii shaki kugu jiro, rajadana kaa xun tahay.
Haddii Jihada kaa qaldan tahay.
Wax kasta oo aad samayso. Meel kasta oo aad joogto. Xaalad kasta oo aad ku sugan tahay, salaadda u istaag. Xiriir la samee midka gacmihiisa waxwalba ay jiraan; Marnaba salaadda ha ka tegin meel kaste oo aa joogto.
20/09/2022
Waxaad ku daahday inaad ka midho dhaliso riyadaadii, waxaad isku aragtay meel ay naftu ku daashay, jidkii aad doonaysayna ka dhigtay mid adag, qalbigaagu waa hagaagsan yahay, dhib kasta oo ku haysta, Ilaahay baa ka weyn welwelkaaga iyo murugadaada, waad ka gudbi doontaa. Waxaanad arki doontaa maalmo ka qurux badan kuwii aad soo martay haddii Eebbe idmo{insha allah}. 🤍