Degahbur Polytechnic College

Call

Degahbur Polytechnic College Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Degahbur Polytechnic College, Government Organization, Kebele 03, Degeh Bur.

Degahbour Polytechnic College seeks to create competent and self-reliant citizens to contribute to the economic and social development of the region, thus improving the livelihoods of the society and sustainably reducing poverty

OL'OLAHA NADAAFADA EE KULLIYADDA DHAGAXBUR. Waxaa maanta Kulliyadda Xirfadaha Kala Duwan ee Dhagaxbuur laga fuliyey olol...
23/09/2026

OL'OLAHA NADAAFADA EE KULLIYADDA DHAGAXBUR.

Waxaa maanta Kulliyadda Xirfadaha Kala Duwan ee Dhagaxbuur laga fuliyey olole nadaafadeed oo lagu xoojinayo bilicda, nadaafadda iyo fayadhowrka deegaanka Kulliyadda.

Ololahan ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka Kulliyadda ee lagu xaqiijinayo in goobaha waxbarashadu noqdaan kuwo nadiif ah, bilicsan, ammaan ah, kuna habboon adeeg-bixinta iyo barisbarashada.

Maamulka Kulliyaddu wuxuu ku boorrinayaa kuna dhiiragalinayaa shaqaalaha in ay si joogto ah uga qayb qaataan ilaalinta nadaafadda iyo bilicda Kulliyadda, maadaama nadaafaddu tahay mas’uuliyad wadajir ah.

Jumce, September 18, 2026 G.C.Waxaa Kulliyadda Xirfadaha Kaladuwan ee Dhagaxbuur ka qabsoomay kulan ay yeesheen Guddiga ...
18/09/2026

Jumce, September 18, 2026 G.C.

Waxaa Kulliyadda Xirfadaha Kaladuwan ee Dhagaxbuur ka qabsoomay kulan ay yeesheen Guddiga Maaraynta Kulliyadda, kaas oo ay Ujeedadiisu ahayd kala-saxeexashada Qorshaha Sanadka cusub ee 2019 T.I.

Kulanka waxaa shir-guddoominayay Maareeyaha Kulliyadda, Mudane , waxaana kulanka lagu lafa-guray qorshayaasha iyo hawlaha muhiimka ah ee Kulliyadda horyaala sannadkan 2019 T.I., si loo xoojiyo hirgelinta qorshayaasha iyo horumarinta adeegyada ay Kulliyadu bixiso.

DEGAHBUR POLYTECHNIC COLLEGE,

KORMEER iyo Ukuur galid Waxaa maanta kormeer shaqo kusoo gaadhay Kulliyadda Xirafadaha kaladuwan ee Dhagaxbuur Wasiir Ku...
16/09/2026

KORMEER iyo Ukuur galid

Waxaa maanta kormeer shaqo kusoo gaadhay Kulliyadda Xirafadaha kaladuwan ee Dhagaxbuur Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Dhallinyarada iyo Ciyaaraha DDS, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan, iyo Ku-xigeenka Duqa Magaalada Dhagaxbuur, Mudane Najiib Cali Ismaaciil.

Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta qorshayaasha sanadka cusub, qiimaynta adeeg bixinta kulliyada iyo xoojinta shaqooyinka socda.

Mas’uuliyiintu waxay maamulka Kulliyadda ka dhagaysteen warbixinno ku saabsan diyaar garoowga kulliyada ee sanadka cusub, soo xaraynta iyo qaabilada ardayda, caqabadaha iyo fursadaha horyaala kulliyada.

Ugu dambayn, masuuliyiinta ayaa ku dardaarmay in lasii xoojiyo dadaalada, shaqooyinka wanaagsan ee socda iyo dardargelinta qorshayaasha 2019T.I.

KHIBRAD WADAAGWaxaa maanta Kulliyadda Xirfadaha Kala Duwan ee Dhagaxbuur soo gaadhay koox ka socotay Kulliyadda Farsamad...
14/09/2026

KHIBRAD WADAAG

Waxaa maanta Kulliyadda Xirfadaha Kala Duwan ee Dhagaxbuur soo gaadhay koox ka socotay Kulliyadda Farsamada ee Awbare, kooxda oo ay hor kacayeen Maareeyaha Kulliyadda Marwo: iyo maareeye ku-xigeenka kulliyada Mudane Cabdicasis Mawlid Maxamuud, iyada oo ujeedada socdaalkoodu ahaa khibrad-wadaag iyo aqoon is waydaarsi.

Intii uu socday kulanka, labada kulliyadood waxay is-weydaarsadeen waayo-aragnimo, aqoon iyo hab-dhaqanno wanaagsan oo la xidhiidha maamulka, tababarrada xirfadaha, tayeynta adeegyada iyo horumarinta xirfadaha ay kulliyaduhu bixiyaan.

Khibrad-wadaaggan ayaa muhiim u ah xoojinta xidhiidhka iyo wada-shaqaynta labada kulliyadood, iyadoo aan rajaynayno in uu horseedo iskaashi midho-dhal ah iyo horumarinta tayada adeegyada xirfadeed ee bulshada.

Kulliyadda Xirfadaha Kala Duwan ee Dhagaxbuur waxay mar walba soo dhawaynaysaa iskaashiga, khibrad-wadaagga iyo is-dhaafsiga aqoonta, si loo horumariyo is dhexgalka iyo iskaashiga Kulliyaddaha.

Degahbur Polytechnic college.

31/08/2026

Degahbur Polytechnic college

Wasiirka Xafiiska  Xirdaha iyo Shaqo-Abuurka DDS Mudane Xuseen Gaydh Axmed ayaa maanta soo xidhay kullankii qorsha midey...
29/08/2026

Wasiirka Xafiiska Xirdaha iyo Shaqo-Abuurka DDS Mudane Xuseen Gaydh Axmed ayaa maanta soo xidhay kullankii qorsha mideynta ee bahda xirfadaha iyo shaqo abuurka DDS oo maalmahan ka socday magaalada jigjiga.

Wasiirka xafiiska ayaana masuuliyiinta kulliyadaha iyo wakaladaha shaqo abuurka iyo damaanad qaadka cunada maamul magaalooyinka degaanka kula dardaarmay in ay fuliyaan qorshooyinka u yaala sanad misaaniyeedka 2019 T.I

Gabo gabadii ayaa waxaa xafiiska, kulliyadaha iyo wakaladaha shaqo-abuurka iyo damaanad qaadka cunoyinka maamul magaalooyinka ay kala saxiixdeen qorshaha lagu shaqaynayo sanadka 2019 T.I

27/08/2026
Hambalyo Qalinjabin!Waxaa maanta ka qalinjabiyay Kulliyadda Xirfadaha Kala Duwan ee Dhagaxbuur arday tiradoodu dhan taha...
30/07/2026

Hambalyo Qalinjabin!

Waxaa maanta ka qalinjabiyay Kulliyadda Xirfadaha Kala Duwan ee Dhagaxbuur arday tiradoodu dhan tahay 50 oo ay Haayada CAAP, kasoo xaraysay Degmada ee Gobalka Faafan, kuwaas oo si guul leh udhamaystay waxbarashadii iyo tababaradii xirfadeed ee ay soo wadeen mudo 45 cisho ah.

Munaasabadda qalinjabinta waxaa ka hadlay Maareeyaha Kulliyadda mudane Mustafe Xaaji Yusuf, Mudane Naasir maxamad Sahal oo ka socday Haayada CAAP iyo Mudane Cabdimalik Cabdulaahi oo k socday Ururka Horrumarinta Somaalida, iyagoo hambalyo iyo dardaaran u jeediyay ardayda qalinjabisay, kuna boorriyay inay aqoontooda iyo xirfadahooda uga faa'iideeyaan bulshada, kana qayb qaataan horumarka deegaanka iyo dalkaba maadaama haayadu usamaysay shaqo-abuur kusalaysan xirfadihii ay soo barteen.

Waxaan hambalyo u'diraynaa dhammaan ardayda qalinjabisay, waalidiintooda, macallimiinta, iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay guushan.

Waxaan u rajaynaynaa mustaqbal ifaya iyo guulo isdaba joog ah.

Degahbur Polytechnic college

TACSIMaamulka, macallimiinta, shaqaalaha iyo dhammaan bahda Kulliyadda Xirfadaha Kala Duwan ee Dhagaxbuur waxay tacsi ti...
22/07/2026

TACSI
Maamulka, macallimiinta, shaqaalaha iyo dhammaan bahda Kulliyadda Xirfadaha Kala Duwan ee Dhagaxbuur waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan marwo Xamda Jamaal, oo kamid ahayd shaqaalaha kulliyadda iyo dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxdayba.

Waxaan Alle uga baryeynaa inuu marxuumadda ku mannaysto naxariistiisa Janno, ehelka iyo qoyska ay ka baxdayna ka siiyo samir iyo iimaan.
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Xafiiska xirfadaha iyo Shaqo-Abuurka DDS ayaa waxa uu munaasabad casho sharaf ah uu ku gudoonsinayay abaal marino uqabta...
04/07/2026

Xafiiska xirfadaha iyo Shaqo-Abuurka DDS ayaa waxa uu munaasabad casho sharaf ah uu ku gudoonsinayay abaal marino uqabtay sectorka Xirfadaha iyo Shaq-Abuurka oo maamahan qiimeyn uga socotay magaalada jigjiga.

Abaalmarinadan ayaa waxaa lasinayay kulliyada Xirfadaha sare,Kulliyadaha Caafimaadka,Wakaaladaha Shaqo-Abuurka iyo Damaanad Qaadka Maamul Magaalooyinka Degaanka,Kulliyadaha Xirfadaha iyo Farsamada iyo kulliyadaha gaarka loo leeyahay ee shaqooyinkii loo igmaday guulo ka soo hooyay.

Kaalinta kobaada ee kulliyadaha Xirfadaha Sare waxaa galay Kulliyada Jigjiga Polytechnic college.

Kaalinta kobaad ee Kulliyadaha caafimaadka Waxaa gashay Kulliyada Xaaji Garaad Guuliye( Gode Health scien College).

Kaalinta kobaad ee Wakalaadaha Shaqo-Abuurka iyo Damaanad Qaadka Cunada lixda Maamul Magaalo waxaa gashay Dhagax-Buur.

Kaalinta kobaad ee Kulliyadaha Xirfadaha iyo Farsamada waxaa gashay kulliyada Wardheer Tvet kaalinta labaad ee kulliyadaha Xirfadaha iyo Farsamada waxaa gashay Kulliyada FiiqTvet.

Kaalinta kobaad ee Kulliyadaha gaarka looleeyahay waxaa gashay Kulliyada Horn International.

Address

Kebele 03
Degeh Bur

Telephone

+251913776941

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Degahbur Polytechnic College posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share