01/03/2026
Waxaa si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyay Tababarkii Usocday hogaaminta Sare ee Maamulka magaalada Jigjiga kaas oo ka socday kulliyada Maraynta iyo Adeega Shacabka DDS. waxaa la siiyay homaaminta casharro laxidhiidha shaqadooda Hogaamineed,sida
adeeg bixinta
Maamulka suuban
Horumarinta Magaalada
ka midho dhalinta qorshaha istartiijiga ee 10 kasano
tababarkan noo caan ah ayaa wuxuu ka mid ahaa heshiiskii 07 oct 2025. ay kala saxiixdeen Kuliyada Maaraynta iyo Adeega Shacabka iyo Maamulka Magaalada Jigjiga.
Tababarka ayaa waxaa soo afmeeray Mayor ka Maamulka Magaalada Jigjiga, Eng. Shaafi Axmed Macalin iyo Mareeye kuxigeenka kulliyada Maraynta iyo adeega shacabka DDS Mudane: Xirsi Cabdi Axmed, isla markaana uga mahad celiyeyeen tababr qaatayaasha sida ka go'naanshaha leh ay u qaateen casharada. sidoo kale waxay kula dardaarmeen in ay tababarkan waxyabaha ay ka barteen u dhaadhiyaan goobahooda shaqo isla markaana laga dhex arko adeeg bixintooda sidoo kale labada masuul waxay hoosta ka xariiqeen in ay sii wadi doonan tabarada lagu xoojinayo garaadka aqooneed ee hogaaminta qaybahooda kala duwan ee Maamulka Magaalada jigjiga.
Gaba-gabadii ayaa waxaa Xubnaha tabar qaatayaasha la gudoon siiyay shahaadada ka qayb galka tababarka.
01/03/2026
Waxaa maalintiii labaad sii socda Taba-barkii ay kuliyada Maaraynta iyo Adeega Shacabka u qabatay hogaaminta Sare ee Maamulka Magaalada jigjiga kaas oo ujeedkiisu yahay kobcinta awooda fulineed ee hogaaminta si looga midho dhaliyo mashaariicda horumarineed ee MMJ’
28/02/2026
Kuliyada Maaraynta iyo Adeega shacabka DDS, gaar ahaan waaxda tababarada ayaa u qabtay tababar lagu kobcinayo garaadkooda aqooneed hogaaminta Sare ee maamulka magaalada Jiggiga. Tababarka ayaa waxaa furay Maareeyaha Kuliyada Dr.Nimcaan Ibraahin Carab iyo maareeye Kuxigeenka Mudane Xirsi Cabdi Axmed
Tababarkan ayaa ah mid lagu kobcinayo garaadkooda aqooneed ee dhanka maamulka kuwaas oo diirada lagu saarayo qaybaha kala ah ee nidaamka adeegbixinta cusub iyo istaratijiyada, mamulka suban isla markaana kor loo qaado awoodooda fulineed ee dhanka mashaariicaha horumarineed IWM
Tababar ka ayaa inta uu socdo hogaaminta Sare ee MMJ lagu siin doonaa cashiro lagu kobcinayo garaadkooda aqooneed ee dhanka maamulka.
Tababarkan ayaa la qorsheeyay in uu socon doono laba maalmood hadduu Allaha awooda leh yidhaahdo.
26/02/2026
Urgent Announcement
Exit Exam updated
Dear management and public service students , find the updated exam schedule here.
Good Lucky to you
26/02/2026
Exitexam time table update
24/02/2026
Greetings, 2018 Mid-Year Exit This is to let you know, examinees, that the exit exam for today has been moved to tomorrow. Furthermore, Day 1 through Day 4 tests have all been moved ahead by one day. The exam time, location, and room, however, have not altered. Every examinee is highly encouraged to bring a printed exam ticket and their national ID identification. This is applicable to reset applicants as well as all examinees. It is important to note that examinees will not be accommodated if they fail to show up for the exam at the designated time, location, and room. Please make use of the links below: 1. To verify your timetable and position: https://placement.info.et The exam ticket can be printed at https://verify.ethernet.edu.et/.
17/02/2026
Anagoo ah Maamulka iyo Shaqaalaha kuliyada Maaraynta iyo Adeega Shacabka Waxaan dhamaan umadda Muslimka ah, gaar ahaan shacab weynaha deegaanka ugu hambalyeynayaa dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan 1447/2026. Ilaahay ha inoo dhigo bishan mid naxariis, cafis iyo barako ku soo kordhisa nolosheena.
Bishan barakeysan waxay kusoo beegantay xilli adag oo abaaro ah, Ilaahay ha inooga dhigo mid ina qaboojisa, walaalaheena Palestina dulmiga ha ka dulqaado barakadeeda, annagana ha inaga dhigo kuwa ka faa’iideysta soonka, salaadda iyo sadaqada.
Ugu dambeyn, Ramadaan waa bishii Quraanka lagu nadiifin jiray qalbiga, lagu mideyn jiray bulshada, iimaankana laguna cusbooneysiisan jiray Ee aan kafaa'iideysano. Insha allah.
Ramadaan Mubaarak !🌙🤲🤲
17/02/2026
Madal lagaga wadatashanayay barnaamij cusub oo la xidhiidha istaraatajiyad ku wajahanb wadashaqaynta kuliyadda maaraynta adeega shacabka DDS iyo bahwadaagteeda kala duwan ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka.
Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen. Masuulinta kuliyada, Wasiir kuxigeenka Xafiiska Maalgashiga iyo Warshada DDS, maamulada bahwadaagta, hay'adaha dowliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn, ururada bulshada iyo marti sharaf kale ayaa ahaa mid u jeedkiisu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada kala duwan ee bulshada, waxaana bahwadaagta loosoo bandhigay taariikhda iyo waxqabadka kulliyada si dhinacyada kala duwan ee bahwadaagtu ay fahan dheer uga qaataan shaqooyinka kulliyada.
Maareeyaha kuliyada maaraynta adeega shacabka DDS , Nimcan ibrahim carab (PhD)oo ka warbixiyay barnaamijkan oo ay ku bahoobeen hay'adahaka kala duwan iyo ururadu bulshada ayaa sheegay in tiirarka la iska kaashanayo ay yihiin kuwo ahmiyad weyn u leh bulshada laguna dabooli doono baahi kasta si kor loogu qaado adeegyada aasaasiga ah.
Waxaana lagu soo bandhigay doodo kala duwan oo lagu gorfaynayo faa'iidada isbahaysigani u yeelan doono shacabka deegaanka.
13/02/2026
waxaa la soo gaba- gabeeyay Tababarkii lagu hormarinayay Xirfadaha baris- barasho, anshaxa, hogaaminimada, iyo kor uqaadista aqooneed ee macalimiinta Kulliyadda Maaraynta iyo Adeegga Shacabka DDS.
Tababarkan ayaa waxaa casharo muhiim ah ka bixinayay khabiiro ku xeel dheer qaababka baris barasho iyo siyaasada waxbarashada ee ku aadan in fahan buuxa laga qaato doorka macalinimo ee horomarinta tacliinta si loo waafajiyo aragtida baris barasho ee heer deegaan iyo dalba, sidoo kale si loo gaaro horumar guud oo ku dhisan aqoon tayo leh.
kuliyada ayaa ku hawlan kor u qaadida tayada waxbarashada, si ay u soo saarto cudud shaqaale oo si hufan ugu adeegta shacabka.
12/02/2026
Kulliyadda Maaraynta iyo Adeegga Shacabka DDS ayaa tababar laba maalmood socon doona u furtay macallimiinteeda, kaas oo lagu horumarinayo xirfadda Baris-barasho, Anshaxa Hoggaaminta, iyo aqoonta macallimiinta.
Tababarkan ayaa waxaa furay Maareeyaha Kuliyada Nimcaan Ibrahin Carab(PhD) isagoo ladardaarmay Tabarqaatayaasha.
Kulankan ayay ujeedadiisu daaranayd kor u qaadidda tayada waxbarashada kulliyadda, casriyaynta nidaamka wax-baridda macallimiinta si loo waafajiyo heerarka aragtida baris-barasho ee heer qaran iyo kobcinta fikirka xirfaddeed iyo Anshaxa Hoggaamiyenimo ee macallimiinta.
Maareeye ku-xigeenka kulliyadda, Mudane xirsi Cabdi Axmed, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay hiigsanayaan in mustaqbalka dhow ay kulliyaddu yeelato 20 bare oo heer PhD ah.
Tababarkan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaadhan ee lagu tayaynayo adeegga waxbarasho ee ay kulliyaddu u hayso bulshada deegaanka.
11/02/2026
“Annaga oo garab ka helayna taageerada shacabkeenna, waxaan hiigsanaynaa inaan ku guulaysanno doorashada guud ee soo socota si aan Itoobiya ugu horseedno inay noqoto dal tusaale u ah dunida,” ayuu yiri mudane Adam Faarax.
Xisbiga Barwaaqo ayaa sheegay in uu si buuxda ugu hawlan yahay sidii uu u heli lahaa oggolaanshaha iyo kalsoonida shacabka, kuna guulaysan lahaa doorashada guud ee 7aad, si Itoobiya loogu beddelo dal tusaale u ah dunida.
Arrintan waxaa shaaca ka qaaday Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo ahna Madaxa Xafiiska Xarunta Dhexe, Mudane Adam Faarax.
Mudane Adam Faarax oo ka hadlayay munaasabad si rasmi ah loogu soo bandhigay manhajka doorashada iyo astaanta tartanka ee xisbiga, ayaa sheegay in halkudhigga “Itoobiya ha noqoto dal tusaale u ah dunida” uu yahay fariinta hoggaamineed ee Xisbiga Barwaaqo u adeegsan doono doorashada guud ee 7aad.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Xisbiga Barwaaqo uu si buuxda uga go’an tahay in doorashada soo socota ay noqoto mid nabad ah, caddaalad ah, oo dimuqraadi ah, isla markaana uu dadaal xooggan ugu jiro dhisidda is-afgarad qaran iyo in wadahadalka qaran uu miro dhalo.
Sidoo kale, Mudane Adam Faarax wuxuu tilmaamay in abuurista aragti qaran oo mideysan, xallinta khilaafaadka si waara, iyo sixidda dulmiyada h**e iyadoo la adeegsanayo nidaamka caddaaladda ku-meelgaarka ah (Transitional Justice) ay ka mid yihiin hawlaha mudnaanta leh ee xisbiga u yaalla mustaqbalka dhow.
Isaga oo ka hadlayay danaha qaran ee ku xeeran Labada Biyo—Webiga Abay iyo Badda Cas, ayuu sheegay in xisbigu si buuxda uga shaqayn doono ilaalinta danahaas qaran. Waxa kale oo uu shaaciyay in “Xidhmada Qamadi (Gunto Qamadi)”, oo astaan u ah isu-keenid, midnimo iyo wadajir, ay noqotay astaanta rasmiga ah ee doorashada Xisbiga Barwaaqo.
Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo, Mudane Tamesgen Tiruneh, iyo sidoo kale masuuliyiin sare oo kale oo ka tirsan xisbiga.