04/02/2026
Shirki qiimeynta Hoginta iskaashiga, qoysaska iyo xubnaha xisbiga barwaaqo ee wakalada iibka ayaa kaqabsaoomay hoolka wakalada.
Shirkan oo uu furay mudane ayaa waxa lagu ansixiyay waxqabadki 6 bilood ee lasodhaafay laguna qiimeyay xubnaha xisbiga ee wakaalada.
Mareeyaha ayaa waxa uu kula dardaarmay hogaaminta iyo xubnaha iney sii labalaban dadaal kooda silooga miro dhaliyo qurshaha xisbiga barwaaqo iyo kan xukuumada.
.
23/01/2026
WAKAALADA IIBKA IYO MAAMULKA HANTIDA DAWLADA DDS
Mudane Maareyaha wakalada ayaa shacabwaynaha Deegaanka Soomaalida ugu hambalyeeyay xuska Sanad-guuradii 33-aad ee Maalinta Midnimada DDS
23-ka January
WAKAALADA IIBKA DDS
11/01/2026
Waxaa lasoo gabogabeeyey tababarka shuruucda iibka oo mudo 3 maalmood ah socday oo loo qabtay shaqaalaha iibka ee degmooyinka Gobolada Faafaan,Jarar iyo maamul magaalooyinka Jigiga, Dh/buur, Q/bayax iyo Tog-wajaale iyo qaar kamida degmooyinka Gobolka Sitti. Waxaana soo xidhay tababarka maareye kuxigeenka wakaalada mudane Ali Ugaas Cabdi isaga oo kula dardaarmay kaqaybgaleyaasha in ay shuruucda iyo aqoonta ay halkan kala tagaan gaadhsiiyaan goobihii ay ka yimaadeen.
07/12/2025
Waxaa hoolka shirarka ee lagusoo gabagabeyay wareegi sadaxaad(3aad)ee Tababarka xisbiga barwaaqo.
Tababarkan oo socday 27/3/2018 ilaa 28/3/2018 T.I ayaa waxa sooxiray mudane isagoo kula dardaarmay xubnaha iney lajaan qadaan isbadalada hormarineed ee dalka iyo degaanka.
14/11/2025
"Dhiirigalinta shaqaaluhu waxay sii xoojinaysaa adeegbixinta.
Maareeyaha Wakaalada Iibka iyo Maamulka Hantida Dowlada,
Masuuliyiinta ayaa shaqaalaha ka hawlgala xafiiska uqabtay munaasabada lagu abaalmarinayo shaqooyinka wanaagsan ee ay ka soo hooyeen qorshayaasha uyaala wakaalada iyo adeegyada bulshada la gaadhsiinayo.
Abaalmarintan oo ay soo diyaarisay waaxda (HRM) aya timid kaddib markii shaqaaluhu natiijo fiican ka keeneen shaqaaluhu shaqooyinkii loo igmaday ee sanadkii 2017-ka tirsiga dalka.
19/07/2025
Waxaa tababarka iibka Elektarooniga (e-GP) lasiiyey agaasinada iibka, khabiirada iibka, khabiirada ICT-ga iyo shaqaalaha waaxaha kala duwan ee 10 ka xafiis ee loo xushay in sanad miisaaniyadeedka 2018 T.I laga hirgalinayo nidaamka iibka Elektarooniga si kor loogu qaado aqoontooda ku aadan aalada casriga ah. Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Wakaalada Iibka iyo Hantida ee Heer Fadaral islamarkaana ka koobnaa labo wareeg, wareegii koowaad oo bilaabmay Hamle 8-10,2017 waxaa tababarka lasiiyey 60 xubnood halka wareegii labaad oo socday mudo labo maalmood ah Hamle 11-12 lasiiyey 85 xubnood tababarkaas oo guud ahaan socday muddo 5 maalmood laguna qabtay Jaamacada Jigjiga ayaa maanta lasoo gabogabeeyey.
06/05/2025
Kulan loo qabtay shaqaalaha iyo xubnaha bxisbiga ee iskashiga wakaalada iibka iyo maamulka hantida dowlada ayaa saaka ka qabsoomay gudaha xafiiska wakaalada.
waxaana lagaga dooday si guud iskabadalka dalka iyo deeganka ka hana qaaday iyo isbadal diidka aan ku qanacsanayn isbadalka baaxada leh ee ka hanaqaaday dalka iyo deegaanka.
Oogu dambayn waxa la isla qaatay in lagaarsiiyo bulshada adeeg hufan, dhagna aan loodhigin kuwa diidan isbadalka iyo hormarka kahanaqaaday dalka iyo deegaanka.
17/04/2025
Waxaa madasha shirarka ee wakaallada iibka iyo maamulka hantida dawlada kaqabsoomay conferenciga unuga iskaashiga xisbiga barwaaqo ee wakaalada.
Waxaa kulanka shir gudoominayay maareeyaha wakaalada muadane mustafe Carab xuseen iyo Kuxigeenka Wakaallada mudane Cali Ugaas Cabdi
Conferenciga unuga iskaashiga,unuga qoyska iyo dhamaan xubnaha xisbiga barwaaqo ee wakaalada ayaa ajandayaashiisu ahaayeen qofobadan hoos kuxusan.
1. Soojeedinta warbixinta waxqabadka ee sectorka biyaha S.M. 2017 T I
2. Soo jeedinta qorshaha rubaxa dhiman ee unuga iskaashiga xibiga barwaaqo ee sectorka biyaha
3. Dibu-habaynta iyo balaadhinta qaab dhismeedka unuga qoyska ee sectorka biyaha
4. Xulshada iyo ansixinta xubnaha gudiga anshaxa iyo baadhista ee unuga iskaashiga
5. Xulshada xubnaha hormuudka ah iyo hogaaminta mustaqbalka
6. Illaalinta saacadaha shaqada
Kulankan oo ahaa kulan balaadhan wakhtina qaatay maadaama ay ahaayeen qodobadani qodoba muhiim ah ayaa ugu danbayn laysla qaatay in lasiixoojiyo dardargalinta iyo xoojinta arrimaha xisbiga iyada oo qodobkasta la dul istaagay islamarkaana meel laysla dhigay.
10/04/2025
_________Tacsi________
Masuuliinta iyo dhamaan shaqaalaha wakaalladu waxay murugta iyo xanuunka laqeybsanayaan ehelada iyo qaraabada uu kabaxay marxuum oo ahaa ee .
ilaahay waxan ooga baryeynaa in uu janadi firdowso kawaraabiyo, samir iyo iimaana nagawada siiyo.
31/03/2025
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 22/7/2017. Lala wadaagay shaqaalaha wakaalada iibka iyo maamulka dawlada iyo xubnaha xisbiga warbixinta isbarbardhiga Waxqabadka xukuumada DDS.
isbadalkii ka hor (1983 ilaa 2010 T.I) iyo isbadalkii kadib (2011 ilaa 2017 T.I).
waxaa xusid mudan in isbadalka ka hor aanu jirin nidaam iib oo ku salaysan cadcadaan, eexla'aan, cadaalad iyo tashiil misaanniyada dawlada ee iibka.
Taabadadalkeeda waxaa jiray nidaam iib ku salaysan eex iyo ninjeclaysi iyadoo nidaamka loo bixin jiray qandaraasyadu uu haa mid sitoos loo siinjiray cida larabo.
Isbadalkii ka dhacay deegaanka ayaa iyada oo laga duulayo baahida loo qabo in waxlaga qabto nidaamka iibka deegaanka waxaa sanadkii 2012 TI. La aasaasay iyo maamulka hantida dawlada si wax looga qabto dhibaatooyinka ka jiray nidaamka bixinta qandaraasyada deegaanka iyo maamulka heshiisyada. Iyada oo wakaaladu shaqooyin badan ka qabatay tan iyo intii la aasaasay.
Waxyaabaha oogu waaweyna waxaa kamid ah:-
1. In kor loo qaado nidaamka tartanka furan(open tenders) lana gaadhsiiey 85%.
2. Hantidhawrka nidaamka iibka heer deegaan, degmo iyo m/magaalo.
3. Tababarada iibka iyo maamulka hantida ee heer deegaan,,degmo iyo maamul magaalo.
4. Dhagaysiga iyo go'aan ka gaadhista cabashooyinka iibka dawlada.
5. Diyaarinta iyo dib uhabaynta shuruucda iibka iyo hantida.
6. Hirgalinta websitka wakaalada si nidaamka iibka degaanku unoqdo mid ah oo cadcadaann iyo isla xisaabtan loogu maamulo.
-Ahmed molin✍️
29/03/2025
Masuuliyiinta wakaalada iibka iyo maamulka hantida dawlada ee Dds waxay bulshada muslimiinta dalka iyo deegaanka ugu hambalyeynayaan farxada ciida fidriga.
HAMBALYO . Allah inagu simo ciidan ciideeda faraxd iyo barwaaqo . Aamiin