Maxkamadda Guud ee DDS - Srs supreme court

Maxkamadda Guud ee DDS - Srs supreme court

Share

It is the Supreme Court of Somali Regional state of Ethiopia. It is the highest court of the Somali regional courts. (1). Arrimaha Ciqaabta
b. t. T. (5).

Aasaaska Guud
ð Maxkamadaha deegaanka oo ah hay’ad garsoor oo madax banaan ayaa lagu aasaasay bayaankan si waafaqsan qodobka 65 (1) ee dastuurka deegaanka.
ð Awoodda garsoor waxaa is ka leh maxkamadaha oo kaliya
ð Maxkamado gaara ama kuwo kumeel gaadh ah oo aanan ku shaqeynin habraacyada iyo shuruucda shaqo ee dalka lagama aasaasi karo deegaanka
ð Arinta lagu xeeriyay

02/06/2026
Photos from Maxkamadda Guud ee DDS - Srs supreme court's post 28/05/2026

𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN!

Hoggaaminta Maxkamadda Guud ee DDS, oo ku hadlaya magacooda iyo kan hay'adda garsoorka DDS, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelka, qaraabada, qoyska iyo asxaabta uu ka baxay Marxuum Maxamed Kaalmooy Cismaan (Tuutu) oo ahaa Wasiir kuxigeenkii h**e ee Xafiiska Cadaaladda oo saaka ku geeriyooday Magaalada Wardheer.

Waxayna masuuliyintu Alle SWT uga baryayaan marxuumka in naxariistii jano uu ka waraabiyo. Qoyskiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaanba bahda Caddaaladdana Alle uu ka siiyo samir iyo iimaan saadiqa.

Aamiin Aamiin.

26/05/2026

Farriinta munaasibadda ciidul-adxa .

Hambalyo dhammaan ummadda muslimiinta ee daafaha dunida ku nool meel kastoo ay joogan, gaar ahaan shacabka DDS waxaan ugu hambalyaynaynaa munnaasibadda ciidul-adxa oo kamid ah maal-maha qiimaha badan ee bishan Carafo 1447Hijra.

Maalmaha ciiddu waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna suubban, waa maalmo dhammaan muslimiintu ay u dabbaal degaan farxadda ciidda, kaddib Maalmihi qimaha badna ee bisha Carafo oo ku suntan cibaado & gudashada acmaasha Xajka. Waxaana Allaha Awoodda leh ka baryaynaa in uu Inagga aqbalo acmaashii suubbaneyd ee aan gudannay maalmaha barakeysan ee Dulxija, innagana yeelo kuwii ciiddan ciiddeeda ku gaadha Caafimaad qab, badhaadhe iyo Dalkeena oo nabad iyo barwaaqo ah.



𝗞𝘂𝘀𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗠𝗮𝘅𝗸𝗮𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗱 𝗲𝗲 𝗗𝗮𝘄𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗲𝗲𝗴𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝗱𝗮

𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲 𝗖/𝗸𝗮𝗿𝗶𝗶𝗻 𝗔𝘅𝗺𝗮𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻;

Photos from Maxkamadda Guud ee DDS - Srs supreme court's post 23/05/2026

ℚ𝕆ℝℝ𝔸𝕏𝔸𝕐; 15 𝕄𝕚𝕚𝕔𝕒𝕒𝕕/𝔾𝕚𝕟𝕓𝕠𝕥 2018𝕋.𝕀

*****************************************
Waxaa maxkamadda sare ee Gobolka Qorraxay ka qabsoomay shirkii joogtada ahaa ee Bahda Caddaladda iyo Garsoorka gobolka Qorraxay.

Shir ay ujeeddadiisu ahayd xoojinta iskaashiga iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee laamaha Caddaaladda & Garsoorka gobolka Qorraxay ayaa lagaga wada hadlay arrimo ahmiyad weyn u leh geeddisocodka shaqo ee bahda caddaladda iyo garsoorka gobolka.

Shirka oo uu shir-guddoominaayay guddoomiyaha maxkamadda sare ee gobolka Qorraxay mudane; Fatxi Jibriil oo ka warbixiyay ujeeddada kulanka ayaa tibaaxay in ahmiyadda kulankoodu ahaa dardargelinta iyo adkaynta geeddisocodyada shaqo ee bahda caddaaladda iyo garsoorka gobolka, gaar ahaana xoogga lagu saaray sare u qaadista adeegyada caddaaladeed, iyada oo la xoojinayo iskaashiga wadashaqayneed ee hay'adaha caddaladda & garsoorka gobolka.

Ugu dambayntii, waxa uu guddoomiyuhu sheegay in kulanka lagu lafaguray hawlo muhiima, sidoo kalena la isla qaatay sidii laaman caddalada iyo garsoorka gobolku ay wada jir uga wada shaqayn lahayeen; kor u qaadista hufnaanta adeegyada cadddaaladeed ee shacabka loo fidiyo, xalinta & ka hortaga caqabadaha, ku shaqaynta sharciga iyo xaqiijinta sugidda sarraynta sharciga.


====DHAMMAAD====

Waaxda xidhiidhka & Arrimaha Dadweynaha: Faah-faahinada dheeradka ah kala soco;

[Facebook]: https://www.facebook.com/profile.php?id=100068902548708

[Facebook]: Maxkamadda Guud ee DDS -Srs supreme Court.

[Telegram]:https://t.meSomaliRegionSupremeCourt

[Instagram]:https://www.instagram.com/somaliregionsupremecourt

[E-Mail]: [email protected]

https://www.youtube.com/

Photos from Maxkamadda Guud ee DDS - Srs supreme court's post 23/05/2026

Weekly Update/ Warbixinta Toddobaadlaha ah;
𝕁𝕀𝔾-𝕁𝕀𝔾𝔸, 𝕄𝕀𝕀ℂ𝔸𝔸𝔻/𝔾𝕀ℕ𝔹𝕆𝕋 15/2018;
Waxaa Madasha kulamada Maxkamadda Guud ee DDS ka qabsoomay heshiis is-afgarad taariikhiya oo ay kala saxeexden Maxkamadda Guud ee Deegaanka Soomaalida iyo Ethiopian Capital Market Administration tribunal (ECMAT).

Heshiiskan Is-afgaradka oo dabayaaqadi isbuuci h**e ka qabsoomay maxkamadda guud ee DDS, islamarkaana qayb ka ah dadaalada ay maxkamadda guud ee deegaanku ugu jirto kor u qaadista adeegga caddaaladeed ayaa looga gol'leeyahay siday dhinacyadu isuga kaashan lahayen hawlaha kor loogu qaadayo wacyiga iyo xirfadda aqooned ee xirfadleyaasha ka hawlgala hay'adaha caddaaladda iyo garsoorka deegaanka ee ku aaddan shuruucda iyo nidaamka ganacsiga casriga ah.

Hasayeeshe, heshiiskan ayaa ahmiyad gaara u leh xoojinta hawlaha hortabinta u leh hormarmarinta dhaqaalaha & koboca suuqa maalgashiga deegaanka, iyadoo dhirigalinaysa maalgashadeyaasha deegaanka, dalka iyo kuwa caalamkaba.

Waxaa lasoo gabagabeeyay tababar laba wareeg ahaa oo ay soo qabanqaabisay Ethiopian Capital Market Administration Tribunal (ECMAT), kaaso loo qabtay xirfadleyaal lagasoo kala xulay hay'adaha caddaaladda iyo garsoorka labada Dawlad-Deegaan ee Soomaalida iyo Harerida iyo Ismaamulka Diri-Dhaba, kaaso salka ku haya heshiiski is-afgaradka ee ay kala saxeexdeen Maxkamadaha deegaanada iyo Ethiopian Capital Market Administration Tribunal.

Waxaa madasha kulamada maxkamadda guud ka qabsoomay kulan muhiima oo lagu gorfaynaayay qorshaha guud ee Hay'adda Garsoorka. Kulanka oo ay kasoo qayb galeen, Hogaaminta Maxkamadda Guud ee DDS, qaar ka mida guddoomiyeyaashi h**e ee Maxkamadda Guud, Shir-gudoonka Guddiga joogtada ah ee Arrimaha Maamulka iyo Sharciyada ee Golaha Xildhibaanada, Maareeyaha Mac'hadka Tababarada iyo Daraasadka, Gudoomiyaha Ururka Qareenada Gaarka ah iyo xubno-xeeldheerayal aqoonyahan oo ka socda Jaamacadda Jigjiga.

Kulanka oo ujeeddadiisu ahayd qiimaynta iyo liishanka jihada qorshe istaraateejiyadeedka hay'adda grsoorka ee 10ka sanno ayaa intii uu kulanku socday lagu qaadadhigay tabaha iyo xeeladaha lagu dhisi karo garsoor hanta kalsoonida shacabka islamarkaana astaan u tahay Aqoon sare, Anshax suuban, cadcadaan, madaxbanaani, sinaan iyo dhexdhexaadnino.


==DHAMMAAD==
Waaxda xidhiidhka & Arrimaha Dadweynaha: Faah-faahinada dheeradka ah kala soco;
[Facebook]: https://www.facebook.com/profile.php?id=100068902548708
[Facebook]: Maxkamadda Guud ee DDS -Srs supreme Court.
[Telegram]:https://t.meSomaliRegionSupremeCourt
[Instagram]:https://www.instagram.com/somaliregionsupremecourt
[E-Mail]: [email protected]
https://www.youtube.com/

21/05/2026

የሶማሊ ክልል ጠቅላይ ፍርድ ቤት የዳኝነት ተቋማት የ10 እስትራቴጂክ እቅድ ላይ ውይይት አካሄደ።

21/05/2026

Maxkamadda Guud ee DDS ayaa qabatay kulan lagu gorfaynayay qorshe isterateejiyadeedka guud ee 10ka sanno ee hay'adda garsoorka.

Photos from SRTV አማርኛ's post 21/05/2026
Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Jibri
Jijiga
00000