Eng Muhyadin Abdi

Eng Muhyadin Abdi

Share

Bureau Head at Somali Regional State My Mame is Eng. Muhyadin Abdi, I’m Construction and Technology management Engineer. Now I’m working as Head of SRS.

Environmental Protection and Rural Land Administration Bureau

Photos from Eng Muhyadin Abdi's post 25/05/2026

Waxaan maanta magaalada Godey ku soo gabogabaynay ol’olihii doorashada 7aad ee dalka iyo deegaanka, ee inoo qabsoomaysa 24 Ginbot 2018 TI.

Waxaa Ol’olahan si wayn isugu soo baxay taageerayaasha xisbiga Barwaaqo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Godey kuwaas oo muujiyay taageerada qiimaha leh ee ay u hayaan xisbiga Barwaaqo iyo musharraxiintiisa doorashada 7aad.

Haddii aad codkiinna na siisaan 24 Ginbot, ka xisbi ahaan waxaan sii wadi doonnaa horumarinta adeegyada bulshada, adkaynta nabadgalyada, ka jawaabidda baahiyaha shacabka.

Dooro xisbiga Barwaaqo

Photos from Eng Muhyadin Abdi's post 13/05/2026

Waxaan kulamo wadatashi ah la yeelanay shacabka ku dhaqan qabaleeyada Luuqdheere, Dariiqo iyo Buurgaabo ee degmada Qalaafo. Waxaana bulshada kula wadaagnay qorshaha doorashada iyo waxqabadka xisbiga.

Sidoo kale, waxaan shacabka ugu baaqnay inay ka qaybqaataan doorashada soo socota, isla markaana codkooda siiyaan Xisbiga Barwaaqo. Waxaana u ballanqaadnay inaan ka shaqayn doono ka jawaabista baahiyaha shacabka, annagoo xoogga saari doona wax ka qabashada arrimaha mudnaanta u leh bulshada.

Dooro Xisbiga Barwaaqo, kuna dooro horumar iyo xasillooni.

Photos from Eng Muhyadin Abdi's post 09/05/2026

Waxaan kulamo la yeelanay shacabka degmooyinka Mustaxiil iyo Qalaafo ee Gobolka Shabeelle, annagoo ka kooban musharaxiinta Xisbiga Barwaaqo uga sharaxan heer deegaan iyo heer federaal goob doorashooyinkaas

Kulamadaas oo aan kula yeelanay tuulooyinka Jiico, Qaboobe, Haargaduudo iyo Allow-igaadhsii ee hoos yimaada ee degmooyinka Mustaxiil iyo Qalaafo

Waxaana halkaas shacabka kula wadaagnay ujeeddooyinka ololaha doorashada iyo qorshayaasha Xisbiga Barwaaqo, annagoo sidoo kale u soo bandhignay waxqabadkii xisbigu qabtay sanadihii la soo dhaafay. Waxaana shacabka ka codsannay inay codkooda na siiyaan, annaguna aan si dhow uga shaqayn doono wax ka qabashada baahiyaha iyo adeegyada ay bulshadu u baahan tahay.

Photos from Eng Muhyadin Abdi's post 07/05/2026

Degmooyinka Mustaxiil iyo Feerfeer, shalay iyo maanta waxaa si weyn noogaga qabsoomay ololaha doorashada 7aad ee heer deegaan iyo heer qaran.

Waxaana shacabka fagaarayaasha degmooyinka ugu soo bandhignay waxqabadka Xisbiga Barwaaqo, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada iyo horumarka, waxaana shacabka kaga codsanay inay codkooda siiyaan Xisbiga Barwaaqo si loo sii ambaqaado horumarka socda.

06/05/2026

Wuxuu ahaa jaahil aan aqoon iyo damiir toona lahayn oo wax uu xeeriyaana haba yaraatee uu san jirin, isaga oo xaafadaha korontada u xidh xidha oo ay usii dheer tahay jaajus nimo ayuu Nidaamkii TPLF ta hashiis kula galay in uu xasuuqo bulshada soomaaliyeed iyada oo uu cabdi iley deegaanka meel kasta dhacdo ka gaystay hasa yeeshee bulshada ree qalaafe way sii xagjirtay, dhacdooyinka uu u gaystayna waxaa kamid ahaa:

- in arday Dugsi quraan dhiganeysa gaadhi ladul mar-Mariyay iyaga iyo Macalin koodiiba, intii ka hadhayna rasaas lagu furay.
- In uu ciidimo ku dalbado bulsho meel iska dagan iyaga oo aysan jirin wax ay bi’iyeen uu yidhaahdo hala laayo.
- In Tuulooyinka iyo qabaleeyada qaar dadkii daganaa inta guryaha korka lagaga xidho lagu gubo.
- In xaafadaha loo dhaco oo haweenka la kufsado ragoodii oo arkaya dilmana loogu daro.
- ina iley wuxuu xasuuqyo badheedh ah oo lama ilaawaana ugaystay shacabka ree Qalaafe.

Qalaafe waa magaalo aqoonta ku caan ah aqoon yahanin badana ka soo bexeen, waana magaalo aqoon yahano badan soo bar baarisay oo laga yaqaano gudaha iyo dibaddaba.
Cabdi iley isaga oo jaahil ah oo markuu qamri yara cababa afkiisa wixii ku soo dhaca iskaga hadlaya ayaa hadana wuxuu sheeganayaa in uu yahay wadani in uu yahay qof umada soomaaliyeed wax uqabtay.

Wuxuu san shaki ku jirin cabdi iley in uu ku danbayn doono nolol silic ah xaataa hadii anan sharci iyo xabsi toona lagaynin dhiiga iyo xaqa islamki ma qarsamo, wayna ka muu qataa calaamadaheedii.

Photos from Eng Muhyadin Abdi's post 05/05/2026

Maanta waxaan ka qayb galay munaasabada xuska xasuuqa lama ilaawaanka ah ee ciidamadii Dargigu ka geysteen tuulada Siigoole ee degmada Cadaadle Gobolka Shabeele sannadkii 1988.

Xasuuqaas oo lagu laayay dad rayid ah oo tiro badan, kana mid ah dhacdooyinka xanuunka iyo murugada leh ee raadadka culus ku reebay shacabka. Munaasabaddan ayaa maanta lagu maamuusay xusuusta dadkii la laayay,alle ha uwada naxariistee si jiilasha dambe ay uga dhaxlaan wacyi iyo xusuus taariikheed.

04/05/2026

Waxaa Maanta degmada Qallaafo nooga qabsoomay ol’olaha doorashada 7aad ka ee dalka

doorano

Photos from Eng Muhyadin Abdi's post 04/05/2026

Waxaan Maanta annagoo ka kooban musharraxiinta Xisbiga Barwaaqo ee heer federaal iyo heer deegaan ee gobolka Shabeelle ol’olaha doorashada 7aad ka qabanay degmada Qallaafo.

Dadweynaha degmada, taageerayaasha xisbiga, masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeelle iyo maamulka degmada Qallaafo ayaa si weyn isugu soo baxay fagaaraha degmada, halkaas oo lagu muujiyay taageerada cad ee ay u hayaan xisbiga.

Sidoo kale, waxaan kormeer ku samaynay buundada magaalada oo uu soo gaadhay burbur kooban. Waxaan bulshada u caddeynay in buundada, dayactir degdega lagu samaynayo

doorano

Photos from Eng Muhyadin Abdi's post 03/05/2026

Ol’olaha Doorashada 7aad ayaa maanta nooga bilaabmay magaalada Godey ee xarunta gobolka Shabeelle.

Waxaana halkaas isugu soo baxay boqolaal taageerayaasha Xisbiga Barwaaqo ah iyo qaybaha kala duwan ee shacabka, kuwaas oo si cad u muujiyay taageeradooda xooggan ee ay u hayaan xisbiga Barwaaqo. Waxaa xusid mudan in xisbiga Barwaaqo uu markasta diyaar u yahay ka dhabaynta ballanqaadyadiisa, isagoo kaashanayna shacabka.

Sidoo kale, waxaan taageerayaasheena u ballanqaadaynaa in haddii aan helo codka shacabka, aan sii xoojin doono horumarinta ilaalinta deegaanka, Hor marinta magaalooyinka, kobcinta wax-soo-saarka beeraha, iyo dardargelinta adeegyada bulshada.

Photos from Eng Muhyadin Abdi's post 27/04/2026

Waxaa maanta sirasmi ah loo daah furay ol-olaha doorashada 7aad ee xisbiga barwaaqo, oo lagu soo bandhigay taageerada balaadhan ee xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga Barwaaqo

Xisbiga barwaaqo waa xisbi leh hadaf cad oo itus oo itaabsii ah, wuxuuna ka dhabeeyay ballan-qaadyadii uu qaaday doorashadii 6-aad ee dalka, Sidoo kale, xisbiga waxaa ka go’an sii xoojinta hormarinta arimaha bulshada iyo ka midho-dhalinta jihooyiinka cusub ee uu xisbigu hiigsanayo.

Photos from Eng Muhyadin Abdi's post 25/04/2026

Fur furnaashaha siyaasadeed ee ka hirgalay Deegaankeena wuxuu sababay in uu degaankeenu noqdo hoyga Soomaali odhan, iyo xudun muhiim u ah Geeska Afrika.

Waxaa sharaf wayn inoo ah in qofkasta oo deegaankeena dani ka soo gasho uu si kalaooni leh u yimaado isaga oo anan dareemeynin wax dhibaato ah.

Xisbiga Barwaaqo iyo xukuumad ahaanba waxaa naga go’an xoojinta midnimada bulshada, ka shaqaynta xasiloonidooda, iyo horumarintooda guud.

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address

Jijiga