26/05/2026
Waziirka Xafiiska shaqada iyo arimaha bulshada DDS Mudane Qabdiid Cabdi cumar ayaa hambalyada munaasibadda Ciidul-Adxa 1447-da Hijriyada la wadaagay shacabka deegaanka Soomaalida, guud ahaan shacabka Itoobiya, iyo dhammaan Muslimiinta caalamka.
waxaa uu bulshada ugu hambalyeeyay munaasibaddan barakaysan ee Ciidul-Adxa, isaga oo Alle uga baryay in uu ciidan ciideeda ku gaadhsiiyo bash-bash, barwaaqo, nabad iyo caafimaad. Sidoo kale, waxa uu shacabka ku boorriyay inay sii xoojiyaan isku duubnida, wadajirka bulshada, is-garab istaagga iyo Kaalmaynta dadka nugul.
01/05/2026
Magaalada Jigjiga ayaa maanta lagu xusay Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo ku beegan 1-da bisha May.
Maalintan oo sannad kasta la xuso 1-da May ayaa heer dal ahaan laga xusay markii 51aad, halka heer caalami ay tahay markii 137aad ee loo dabaaldego. Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay Wasiir kuxigeenka Xafiiska Arrimaha Bulshada DDS Mudane Maxamed Axmed, Madaxa Xafiiska Arrimaha Bulshada Maamulka Magaalada Jigjiga Mudane Maxamed Cabdiraxmaan iyo shaqaale ka kala socday shirkadaha, warshadaha gaarka loo leeyahay iyo sidoo shaqaalaha dawladda.
Xuskan oo sanadkani hal ku dhegiisu ahaa “Ilaalinta xuquuqda shaqaalaha waa horumarinta warshadaha iyo waxsoosaarka" ayaa masuuliyiintii kasoo qaybgashay ku tilmaameen in dhowrista xuquuqda shaqaaluhu ay lafdhabar u tahay koboca waxsoosaarka iyo horumarka.
Sidoo kale, shaqaalaha ayay ku dhiirrigeliyeen inay ku biiraan ururrada shaqaalaha ee diiwaangashan, si ay u helaan matalaad iyo u doodis xuquuqeed oo dhamaystiran.
20/04/2026
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa ka qayb-galay bandhigga buugga “Naafonimo waa Maanka.”
Bandhigga buuggan oo lagu qabtay Duule Hotel ayaa waxaa ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, aqoonyahanno, dhallinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Buuggan waxaa qoray Axmed Cabdi Cabdullaahi.
Qoraagu wuxuu bulshada ku baraarujinayaa in naafonimadu aysan ahayn caqabad qofka ka hor istaagta guusha, isaga oo meesha ka saaraya aragtida qaldan ee laga aaminsan yahay naafonimada, isla markaana muujinaya in awoodda dhabta ahi ku jirto maskaxda iyo kartida qofka.
Madaxweynaha ayaa ammaanay hal-adaygga uu muujiyay Axmed, isaga oo ina tusay in dhibaato kasta oo ina gaadha ay weli jirto fursad kale. Waxa uu tilmaamay in xukuumaddu ka go’an tahay dhiirrigelinta hal-abuurka, aqoonta iyo taageeridda dadka leh baahiyaha gaarka ah.
Axmed waa dhallinyaro lixaadkiisa waayay isaga oo yar, xilligaas oo uu ku jiray fasalka 5-aad. Si kastaba ha ahaatee, xaaladdaas naafonimo k**a hor istaagin waxbarashadiisa, wuxuuna gaadhay heer jaamacadeed oo uu dhammeeyay. Maanta wuxuu masuul ka yahay nolosha qoyskiisa oo isugu jira carruur iyo waayeel, taas oo caddeyn u ah in naafonimadu ay tahay mid maanka ku xidhan.
17/04/2026
Godey: Waxaa lagu daahfuray barnaamij ay si wadajir ah uga shaqayn doonaan Xafiiska shaqada & Arimaha Bulshada DDS iyo Hay'ada UNICEF deeqdiisuna ay bixisay FCDO kana shaqayn doona xaalada bini'aadantinimo ee qaar ka mid ah degmooyinka Deegaanka.
Barnaamijkan oo si gaar ah uga howlgali doona degmooyinka Cadaadle, Elele, Hargeelle, Ceelkari, Tulli-guuleed iyo Danood ayaa waxuu ka shaqayn doonaa caawinta bulshada ay saamaysay xaalada jiilaalka iyo dadka nugul, gaar ahaan kuwa baahiyaha gaarka ah qaba iyadoo qorshuhu yahay in ay ka faa'iidaystaan oo lacag lagu siiyo bulsho kor udhaafaysa 10,150 qoys.
Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Arimaha Bulshada DDS Mudane Maxamed Axmed iyo gudoomiye kuxigeenka gobolka Shabeelle Mudane Ciise C/laahi oo daahfurka kulankan ka hadlay ayaa wuxuu wasiir kuxigeenku sheegay in in la dhaqangaliyo meelmarinta mashruucan iyo sidii si wadajir ah looga shaqayn lahaa, sidoo kale wasiir kuxigeenka ayaa soo bandhigay nidaamka looga shaqayn doono barnaamijkan iyo dhaqaalaha loo hayo bulshada.
Waxaada xidhiidhka dad waynaha Ee xafiiska shaqada iyo arimaha bulshada DDS
14/04/2026
Xafiiska Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee DDS ayaa qabtay kulan wadatashi ah oo ay la yeesheen dadka baahiyaha gaarka ah qaba, si loo dhageysto baahiyahooda loona xoojiyo ka qaybgalka ay ku leeyihiin arrimaha bulshada iyo horumarinta adeegyada loo fidiyo.
Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta xafiiska shaqada iyo arimaha bulshada DDS ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa adeegyada taageerada, shaqo-abuurka, iyo ilaalinta xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Mudane Qabdiid Cabdi, Wasiirka Xafiiska Shaqada iyo Arimaha Bulshada DDS oo madasha furay ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in la xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo dadkaas, isla markaana la hubiyo in ay helaan fursadaha waxbarashada, shaqada iyo adeegyada bulshada.
Waaxda xidhiidhka dad waynaha ee
Xafiiska shaqada iyo arimaha bulshada DDS
13/04/2026
Waxaa Jaamacada Jigjiga xaflad qalinjabin ah loogu qabtay 25 arday oo mudo 45 cisho ah qaadanayay cashiro la xidhiidha kor u qaadista aqoonta, xirfada iyo fahamka ay u leeyihiin adeegyada bulshada.
Munaasabadii qalinjabinta ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska shaqada iyo arimaha bulshada DDS, masuuliyiinta Jaamacadda Jigjiga, masuuliyiinta hay'ada UNICEF, ardaydii qalinjabinaysay iyo marti sharaf kale.
Ardaydan oo laga soo kala xulay degmooyinka Doollo-baay, Doollo-addo, Jarati iyo Guradhaamoole ayaa intii ay ku xaraysnaayeen jaamacada la siinaayay cashiro muhiim ah sida wacyigelinta bulshada, xalinta khilaafaadka, taageerada dadka nugul iyo horumarinta wada noolaanshaha bulshada iyo ka shaqaynta arimaha tabarucaadka.
Mudane Qabdiid Cabdi, Wasiirka Xafiiska Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DDS oo madasha furay ayaa sheegay in ardaydan ay muujiyeen dadaal isla markaana ay hadda diyaar u yihiin inay kaalin firfircoon ka qaataan ka shaqaynta arimaha bulshada.
Gabo'gabadii munaasabada waxaa abaalmarino kala duwan la siiyay ardaydii kaalmaha h**e galay ee dadaalka dheeriga ah muujiyay.
09/04/2026
Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Bulshada ee Golaha Xildhibaanada DDS ayaa kormeer shaqo ku sameeyay Xafiiska Shaqada & Arrimaha Bulshada DDS, si ay u qiimeeyaan waxqabadka xafiiska
Intii uu kormeerku socday, guddigu waxay dhageysteen warbixita oo faahfaahsan oo ku saabsan rubucii 3aad ee Xafiiska Shaqada & Arimaha bulshada oo uu soo bandhigay Wasiirka Ku xigeenka xafiiska Mudana mahamed ahmed Kadib, guddigu waxay warbixita ka bixiyeen su’aalo, talooyin iyo tilmaamo la xidhiidha horumarinta adeegyada, tayeynta nidaamyada shaqo, iyo xoojinta hanaanka adeegbixinta.
Si gaar ah, guddigu waxay adkeeyeen:
Xoojinta badqabka caafimaadka iyo ilaalinta xuquuqda shaqaale hoosaadka ka shaqeeya xaafadaha iyo goobaha gaarka loo leeyahay. Sameynta shuruuc iyo habraacyo cadcad oo ilaalinaya xuquuqda iyo badqabka shaqaalaha.
Kormeerkan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu hubinayo tayeynta adeegyada bulshada
Waaxda xidhiidhka dadwaynaha ee xafiiska shaqada iyo arimaha bulshada DDS
05/04/2026
Banaanbax lagu taageerayo midhaha guusha 24-ka Megaabit oo ka qabsoontay xarunta Deegaanka ee magaalada jigjiga.
Kumanaan kun oo ka mid ah qaybaha kala duwan ee shacabka magaalada Jigjiga ayaa isugu soobaxay si ay taageero iyo bogaadin ugu muujiyaan xuska maalinta 24-ka Megaabit oo ah maalintii uu dalka ka curtay isbedelka sideed sano jirsaday.
Munaasabada ayaa waxaa sidoo kale shacabka caasimada ee Jigjiga kala soo qaybgalay hogaaminta xukuumada deegaanka oo uu ugu h**eeyo Eng. Maxamed Shaale, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomalida, Wasiirka Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta Marwo Xaliimo Xassan, Wasiirka Xafiiska Warfaafinta Mudane Maxamed Aaden, Duqa Maamulka Magaalada Jigjiga iyo masuuliyiin kale.
Eng. Maxamed Shaale, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo oo fagaaraha munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in isbedelkii dalka iyo deegaankaba ka dhacay uu tusaale cad u yahay nabadgalyada iyo horumarka ka hanaqaaday Deegaanka Soomaalida oo maanta hormuud ka ah dhamaanba deegaanada dalka.
02/04/2026
Team kormeer,dabagal iyo taakulayn ah oo ka socday wasarada arimaha Shaqada iyo Xirfada heer Dal ayaa waxa ay soo gabo gabeyeen howlihii shaqo ee ay ujoogeen deegaanka.
Team ka ayaa bogaadiyay Warshadaha sida gaarka ah loo leeyahay Ee kajira maamul magalada jigjiga
Kormeerkas ayaa ku saab sanaa
Badqaabka u ilaliyaan hantida isla markana ka diwaan galiyaan Mamuulka magalada jigjiga si ay u sugnato Badqabka warshada iyo Shaqaalahu.
01/04/2026
Waxaa saaka kulan koodii caadiga ahaa yeeshay gudiga maareynta Xafiiska Shaqada & Arrimaha Bulshada DDS, oo uu shir gudoomiyay wasiirka Xafiiska mudane Qabdiid Cabdi cumar waxaana kulankan looga hadlaayay geedi socodka hanaanka shaqo ee Xafiiska & sidii loo sii xoojin la'haa adeeg bixinta xafiiska
Dardargalinta Shaqooyinka Xafiiska
saacadahaha shaqada iyo xoojinta adeegbixinta xafiiska,
Kulanka oo si balaadhan loogu gorfeeyay ajendeyaasha kor kuxusan, ayuu gabogabadii wasiirku jihooyin guud kabixiyay Qodobada shirka waxaana laislaqaatay in gashi laga dhigto goldaloolooyinkii kasoobaxay Geedi-socodka Shirka islamarkaana la xoojiyo Shaqooyinka xafiiska
Waaxda xidhiidhka dadwaynaha ee xafiiska shaqada iyo arimaha bulshada Ee DDS📝