Dayib Ahmed Nur

Dayib Ahmed Nur

Share

SRS Security Bureau Head.

11/02/2025

Xarigu xal maaha/ mise waa xal :-

1. Xariggu waa xal, waxa uu xal u yahay cidda mudan in la xidho, waxaan leenahay ciidan police, ah iyo maleesiya sugta amniga, deegaanka, oo qabta danbiilaha, geeya goobaha loogu talagalay in lagu hayo eedaysanaha, waxay soo xidhaan kuwa ku jira faldanbiyeedyo, kala duwan, waxaan leenahay ciidan asluub ah oo ilaaliya maxaabiista, sidaas darteed xadhigu waxa uu xal u yahay ilaalinta amniga nafeed iyo maal ee bulshada.

Waxa u baahan in aad iswaydiiso uun maxaa lagu xidhay, hebel oo lagu soo eedeeyay.

Haddii aan laxidhin danbiile ama saaka hay,adaha amniga ay oodda ka soo qaadaan maxaabiista ay ka hayaan bulshada waxaan hubaa inaan nabad lagu ganacsanaynin, nabadna lagu cibaadaysanaynin.

Dawladda deegaanka ka jirta maaha mid xaraaro u qabta in layska xidho muwaaddin aan danbi ku eedaysnayn, waliba in badan dulqaad ayay u muujisaa bulashadeenna iyadoo waxyaabo badan oo mudan in lagu xidho shaqsi sharcigana lagu hirgeeyo lagu dhaafo dulqaad.

20/01/2025
06/10/2024

Cidna Sharciga K**a Wayna:

faldanbiyeed cidda ka qayb qaadatana halkuu dooni hajoogee, falka uu gaystay hay,adaha sharcigu way ku eedaynayaan, kuna xukumi ciqaab u dhiganta falka uu gaystay.

Ceeb waxaa ugu filin shaqsi isku wada in uu il baxyahay lana nool yahay dad jinsi ahaan iyo caqiida ahaan ba ay kala duwan yihiin, kulana nool si nabad ah oo aan ka dhaxgaysan karin fal danbiyeed, in uu qayb ka ahaado isku dhac dad reer miyi ah, oo habeen iyo maalin uu khadka telephone ka ugu jiro, isagoo leh dila iska celiya, kharashka annagaa idaan hayna iwm.

Gacan ku dhiigle unbay dawladdu raadin jirtay, iminkase, jeeb ku dhiigle iyo afkudhiiglaba sharcigaa lala tiigsan halkuu dooni ha joogee.

Waxaa jiray xilliyo qofka ku maqan qurbaha haddii uu nidaamka dawliga ah ee markaa jiray waxka sheego loo ciqaabi jiray eheladiisa joogta gudaha dalka.
Maanta taasi ma dhacayso, xitaa waxaan dhacaynin in qof mucaaraday ama eedaayay dawladda iska daa eheladiisee inaan isaga wax layeelayaa jirin oo uu xor u yahay cabbiraadda ra,yigiisa.

Waxaase aan la cafiyaynin sharcigana lala tiigsan ciddii faldanbiyeed waliba in qof ladilo ka qaybqaadata meesha uu doono ha joogee.

Waxaa khad cas ah oo tallaabo adag laga qaadi cidda ka qayb qaadata faldanbiyeed dil, ama isku dhufasho qabiil ah.

Waxaa caddaymahooda iyana ladhamaystirayaa maalmahan xubno kale oo kaqayb qaatay isku dhac qabiil, kuwo gudaha jooga iyo kuwo dibadda joogaba.

22/09/2024

Degaanka soomaalida Ma qabaa,illo ayaa dagaala
ma mise shaqsi dambiila, ah ayaa dil gaysta?

Dagaal qabiil horay Ayaan u soo aragnay, waxaan u soo joognay iyada oo ay qabaa,illo hubaysan ku dagaalamaan degaanka soomaalida gudihiisa, kuwaas oo ay ku dhintaan dad badan, dawladda xilligaas jirtayna aysan o urag dhibaato.

Tusaale kooban haddaan soo qaato 2003 G.C. illaa 2014 G.C dhacdooyin kooban:

1. Garbo waxaa kadhacay dagaal dhaxmaray reer walaala, ah > 130 qof ayaa ku dhimatay.
2. Magaalada raaso gudeheeda qabiil ku dagaalamay >120 qof ayaa ku dhimatay.
3. Marsin (nusdariiq ), >70 ayaa ku dhimatay.
Yoocaale,xarshi illaa miyiga awaare dad tiro badan ayaa kukala dhintay.
4. Cadaadle, godeey, qooxle iyana > 50 ayaa ku dhintay.
5. Wardheer/ doolo waxaa ka jiray dagaallo qabiil oo is kood ay u kala daalaan shacabku iyadoo aan dawladi dhaxgalin dad badanna ku dhintaan.
6. Degmada mubaarak >200. Oo qof ayaa ku dhimatay dagaalo qabiil oo muddo socday.
7. Degmada shikaabo iyo aageeda, waxa ahayd dhul ay ku dhinteen dad aad u badan dagaal dhaxmaray qabaa,il.

Masoo koobi karro xilliyadaas dagaalada qabiil ee soo dhacay Isla markaana qabiilladu is kood u kala daaleen.

Maanta waxa jira danbiile dil gaysta is kuna daya inuu ku gabado magac qabiil.

Majiraan wali laba qabiil oo inta ay isu soo qalab qaateen dagaal saacado socday uu dhaxmaray.

waxaana sabab ah in uu dhici waayo dagaal qabiil oo fool ka fool ah,maanta, dadaalka dawladda, iyo wada shaqaynta ay lala leedahay bulshada wax garadka ah.

Haya, daha amniguna waxa ay qabtaan gacan ku dhiiglaha iyo cidda kale ee isu dayda in ay qayb ka,ahaato hurinta colaadda.

Waxa jira dad bixinaya sawir ah in aysan hadda ka hor dhici jirin dagaal qabiil, halka ay ka dhigayaan shaqsi danbiila ah dil uu gaystay inuu yahay dagaal qabiil, iyadoo ay og yihiin hadda ka hor wixii soo dhici jiray.

Awoodda hay,adaha amniga, iyo bulshada samaanta rabta oo badan marnaba suuro gal ma noqonayso in ay qabaa,illo dagaalamaan oo ay kala dhargaan sidii awal dhici jirtay.

Xubnaha moodaya inuu dhici karo dagaal qabiil, gaar ahaan kuwa aan deegaanka gudihiisa joogin,

waxaan leehay lacagta aad u soo dirtaan afmiinshaarka iska dhigaya inuu reer u dagaalamayo inta soo gaadha waa uu isaga sharaabaa, ciddii qori u iibisana hay,adaha amniga gacantooda un buu gali qirigaa, marka xoolihiina haysaga bixinina waxaan jirin, ee kubixiya dhismaha horumarka bulshada ama siiya kuwa tabaalaysan.

Kuwa doonaya in ay gacan ku dhiigle ku qariyaan magac qabiil Uma suuro gasho isna hay,ada amnigu way soo qaban, gacan ku dhiiglaha cimri daa,im baa la xukumi, kuwii xamaasadda qabiilka ugu riday danbigana dib Uma soo eegayaan.

18/09/2024

Anigoo ku hadlaya codka dawladda Waxaan u tacsiyay nayaa, dadka lagu laayay gobolka Doollo, degmada wardheer, dadka ay ka baxeen, kuwa dhintayna gacan ka xaqdaran ayaa dishay naxarristoi janno allaha ugu deeqo.

Ma jirin ujeeddo loo laayo dadkaas, maadaama shalay waxgaradka labada dhinac heshiis ay ku gaadheen magaalada wardheer.

Dawladdu waxa ay xakamaysay in ay qabiilku dagaalamaan, waxaa marag u ah dadka dhintay horay iyo haddaba guud ahaantood ma,ahayn kuwo ku dhintay dagaal fool ka fool ah oo ay isaga horyimaadeen laba qabiil.

Kolba qof socota ah ama gurigaas jiifa ayaa ladilayay.

Ficilladaas dadkii samaynayay, kuwii h**e hay,adaha amnigu waxay ku guulaysteen inay soo qabtaan intoodii badnayd, iyaga oo kaashanaya bulshada.

Kuwan gaystay falkanna waa lasoo qaban ciidamada dawladuna way ku jiraan hawlgalka.

Bulshada qaybaheeda kala duwan waxa aan ka codsanaynaa in ay ka kaalmeeyaan hay,adaha amniga qabashada gacan ku dhiiglayaasha.

Dhacdooyinka noocan ah ama dilka noocan ah cidda fulinaysa waa koox abaabulan, ama ururro xag jir ah ujeed kooduna uu yahay abuurista dagaal qabiil oo ballaadhan.

Awooddo dawladeed ee aan maanta haysano awgeed Uma saamaxayso inay qabaa,il fool ka fool isu dagaalamaan.

Waan qabanaynaa gacan ku dhiiglaha iyo kuwa lugta ku yeeshaba, shacabka labada dhinacba ha ku kaalmeeyaan ciidanka qabashada dadkaas.

07/09/2024

Deegaanka soomaalida waxa uu soomaray dhibaatooyin badan oo amni darro, kuwaas oo intooda badan sabab u ahaayeen dhawr arimood.

1. Dawladihii xilliyadii h**e soo talinayay oo ahaa kuwo aan ku dhisnayn rabitaan bulsho bale, cadaadis, duugidda xuquuqaha shacabka, iyo kala sarraysiinta qawmiyadaha, diimaha iyo dhaqamada ku casn baxay iyadoo dadka dhulka leh ay u aqoonsanaayeen dadleh dhaqan, iyo diin mid ah, taas oo sababtay kacdoonno hubaysan oo ka horymid.

2. Waxaa dheeri ku ahaa degaanka soomaalida in Dawladahaasi aamin sanaa yeen in dadka degan degaanka soomaalida aysan ahayn muwaadiniin xaq uleh kunoolaanshaha dhulka ay dagan yihiin loona arkayay in ay yihiin dad kuyimid dalkan dool.

2. Waxaa iyana jirtay aragti taas ka soo horjeedday oo iyana ay qabeen dadka soomaalida ah oo ahayd in dhulku yahay dhul ay leedahay soomaaliya, xuduud ahaanna uu noqdo dhul katirsan soomaaliya
4. Waxaa jirtay in dadka dagan deegaanka ay abuureen dhaqdhaqaayo xornima Doon oo iyana doonistoodu ahayd inay noqdaan dal xor ah.

Hawlahaas sare oo is diidan iyo hardanno ujeedooyin koodu kala duwan yihiin ayaa waxay dhalisay in muddo badan ay dadka degaanku la noolaadaan qax, iyo barakac balaadhan dhalisayna in jiilalal badan garan waayaan dal ahaan halka ay dhacaan iyo dalka ay ka tirsan yihiin.

Maanta aragtiyahaas waa ay isbadaleen, waxaana lagalay maraxalado kaduwan :

Dalka itoobiya waxaa kadhacay isbaddalo kadhashay halgamadii ay galeen shucuubta kala duwan ee itoobiya, waxaana dhalatay dawlad ay wada leeyihiin qawmiyadaha iyo shacuubaha dalka, oo ku dhisan qarannimo iyo sidoo kale in qawmiyaduhu yeeshaan nidaam dawli oo qawmi ah kaas oo ay qawmiyad walba xaq u leedahay in ay ismaamusho, luuqadeeda isku maamusho, wax kubarato, horumariso dhaqankeeda iyo diinteeda.

Waxaa jira shacabka deegaanka soomaalida in uu garwaaqsaday dalka uu leeyahay qaybta ugu muhiimsanna ka yahay dhismaha qaranimada itoobiya ay wada leeyihiin qawmiyadaha kuwada nool.

Jinsiyad soomaali Baan nahay kamid ah qawmiyadaha wada leh dalka itoobiya.

Walaalaha soomaaliyeed ee ku dhaqan geeska Africa dal ahaan iyo dad ahaan waxaan nahay kuwo is hurran.

Dawladda itoobiyana ka dib burburkii soomaaliya dadka soomaaliyeed abaal badan bay u gashay, haddii ay difaacid, iyo soodhawaynta lanoo laanshaha walaalahood tahay ba.

nidaamka dawliga ah ee maanta ka jira dalka itoobiyana isna maaha mid khatar ku ah jiritaanka soomaaliya lana doonaya hagar daamo bale waa mid doonaya wada noolaansho, wax isdhaafsi iyo isu fufuranka.

Photos from Dayib Ahmed Nur's post 28/08/2024

Dhulkeennu waa hodan, khayraadka ku jirana waxaan bulshadeenna uga faa,iidayn karraa marka la helo xasilooni siyaasadeed, amni, iyo hogaamin isu xilqaanta awoodna u leh inay khayraadka ka faa,iidaysto.
6 Sano ayaa lagu guulaystay in aan hello amni iyo xasilooni siyaasadeed, lana helay hogaamin aan iyada isu mashquulsanayn, oo ka shaqaynaysa dhayidda gardaadintii siyaasadeed ee inaga soo xumaatay.

Bulshadu in ay qalbiga ka noolaato hesho xorriyad maskaxeed iyo hogaamin ku dhiirinaysa tubta nolosha habboon waxay keeni in ay abuurmaan fursado badan oo looga faa,iidaysan karo khayraadkeenna.

Hantii layaasha ku mashquulsan soo galinta contraband ga iyo raashimaadka tayo ahaan liita keeni-hayana caafimaad darrada inay hoos u eegaan khayraadkeenna caydhiin oo qayb ay ka noqdaan sidii ay uga faa,iidaysan lahaayeen ayaa looga baahan yahay.

Raashinka ugu badan ee soomaalidu isticmaasho waa bariis kaas oo inooga yimaadda dibadda 100% laakiin haddaan is xilqaanno waxaan ka soo saaran karraa dhulkeenna.

((Gacmo wadajir bay guul ku dhalin karaan)).

Photos from Dayib Ahmed Nur's post 20/08/2024

Kaqayb qaado oo beer geed ama kabadan dhir beerista maalinta jimcaha ee inagu soo aaddan laga samaynayo guud ahaan dalka iyo deegaanka.

Photos from Dayib Ahmed Nur's post 06/08/2024

Safarka shaqo ee hogaaminta deegaanku ugu baxday gobollada si degmooyinka looga soo taageero shaqooyinka horumar iyo kuwa amni ee ay hayaan, iyo diyaarinta qorshaha degmooyinka ee 2017 ka, iyadoo sidoo kale bulshada lala kulmayo, waa nidaam wanaagsan oo dhisaya dawladnimada.

Waxaan tagay gobolka doollo oo kaga duwan gobolada kale in uu yaallo khayraad dabiici ah oo gobolada intooda kale aan laga helin:

Labadan arrimood ee hoose u malayn maayo inay jirto cidleh waa laygu sooray.
Marka laga tago sooryada hilibka iyo Caanaha waxaan dadka kale dheerrahay.

1. Yicib lagu kariyay subag oo aadan ka daalayn cunitaan keeda.
2. Juice ama cabbitaan laga shiiday midhihii hohoobta, oo aad is odhanayso malaha waa cabbitaannadii jannada lagu sheegay.

17/07/2024

Allaha u naxariisto Abti Cabdi-aar Cali Baaruud dhaqane , oo ku geeriyooday magaalada jigjiga.
Awlaad, ehel, iyo qaraabana Samir iyo iimaan allaha innaga siiyo.

Photos from Dayib Ahmed Nur's post 14/07/2024

HEESHI:

Abwaan adeer Daahir Cali Nuur, allaha u raxmee oo ahaa abwaan gabayaa caam ahaa wuxuu dhashay 1907.
buug lagu ururiyay qayb kamid ah, gabayadiisii gaar ahaan kuwii uu kaga hadlay muhiimadda uu geelu u leeyahay nolosha bushada soomaaliyeed, ayaa maanta gacantauda soo galay.

Waxaan u mahadcelinayaa qoraagii Suu ururiyay ee soosaray buugan Maxamed sheikh shaafici (Af-guul).

BAAR-YAR.
Ayadoo bidhaama ah waxaan baaryar daba rooray, bunkaan dubayay, baabkaan akhriyay boqol markay gaadhay.
Basar xumo intii loola tagay bawdka laga tuurye.

Baarqabkeedii waa kaa ka dhacay baladyo uurkoode.
Ninba bilidii baa raaci iyo bari ayaankiiye.
Bal aan baranno, balan-baaliyaye baaryar say noqoto.

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address

Xafiiska Nabadgalyada DDS, SRS Security Bureau, Located At Former Presidential Palace, Kebele 06, Jijiga, Ethiopia
Jijiga
1000