Dhuux socialist

Dhuux socialist

Share

magaceygu waa mohamed Abdi farah waxan ahey Qoraa waxan idiin soo gudbinaYa buugaag taariikhi ah

02/03/2022

رمضان كريم مسلمين

02/03/2022

رمصان كريم مسلمين

17/10/2020

MASHRUUCII_LA_DAGAALANKA_NUURKA.
●Qaybta 1'aad.

Waxaan safar gaaban ku imid magaalada London, anigoo u socdo ka qayb galka xaflad aroos oo ehelkayga ah. Saddex cisho markaan joogay ayuu ila soo hadlay nin ka tirsan urrur ka mid ah kuwa sida qarsoon u shaqeeya. Wuxuu igu balamiyay maqaaxi ku taal South Kensington oo la yidhaa Gails Bakery.

Waan imid anigoo werwer yar igu jira oo isweydiinaya wuxuu iga rabo. Markaan cabaar fadhiyay ee aan bun iyo macmacaan meeshii ku cunay ee aan kolba saacadda hoosta ka eegayo, Waxa si kedis ah ii soo dul istaagay nin cad, wuxuu ii sheegay in la ii soo diray oo uu ii qaadayo hudheel. Waan soo raacay gaadhigii uu watay oo wuxuu i keenay hudheelka Riverbank Park Plaza oo ku yaala badhtamaha London.

Qof baa ii sii taagnaa albaabka oo si diiran iigu soo dhaweeyay hudheelka. Wuxuu ii kaxeeyay qol albaabkiisa ay ku qornay tirada 322. Qolka markii aan galay ayaan sariirta ku dul arkay suudh madow, shaadh madow iyo kabo madow. Waan maydhay, sidii la ii tilmaamay ayaan dharkii madoobaa ugu labistay. Cabaar ayaan daawaday London Eye oo toos ugu beegan daaqada qolka aan ku jiro. Waa meel ka mid ah meelaha ugu bilicsan magaalada London, dalxiisayaal badana waa joogaan.

Gabalku wuu sii dhacayaa anna weli waxaan taaganahay daaqada. Garaac xooggan ayaa albaabkii la igu soo tumay, haddana waa la iska furay annoo yaaban ayuu igu yidhi, "mudane, waxaa bilaabmaysa soo dhawayntaadii". Waan soo raacay, waxaanu i fadhiisiyay miis maro madow lagu sharaxay, shaqaalahu dhammaan dhar madow ayay ku labisan yihiin.

Miiska waxaa saaran khamri cas, waraaq sida saddex-xagalka u taal oo ay ku qoran tahay “welcome to the brotherhood” iyo sidoo kale waxaa taala hees magaceedu yahay ‘welcome home’. Markii ba gabadh dhar madow xidhan ayaa masraxa soo fuushay waxaabay qaadaysaa heesta midhaheedu ay miiskayga saaran yihiin. Waxaa ka mid ahaa erayadeeda:

Welcome to where
time stands still,
No one leaves and no
one will

Moon is fullnever seems to change
Just labeled
mentally deranged

Dream the same thing
every night,
I see our freedom
in my sight

No locked doors
No windows barred,
No things to make
my brain seem scared

Keep him tied,
it makes him well.
He’s getting better,
Can’t you tell?

Leave me be!

Just leave me alone...

Heestaas oo i laabqaaday misana cabsi igu abuurtay ayuu mid madow ii yimid isagoo madaxa hoos u foorarinaya ayuu igu yidhi, ‘mudane, waa kuu diyaar gaadhigii ku qaadi lahaa

17/10/2020

asc azxapta sharafta leh waxan idin lawadaga buugi lamagac baxay LADAGAALANKA NUURKA
hadaba si aad ula socoto ha ilaawin LIKE SHARE AND COMMENT

02/06/2020

G G Doolo m Abdinazir M abdille Guul Guul Guul waxad tahay maskaxada kaliYa doolo ubahantahy waxa tahay shaqsiga kaliYa ee kaso baxay kana so bixi kara shaafi loo idmadeY

07/10/2019

Q2aad shekadi dhibanaha aan dhalan

Inkastoo Bilan tirsaneysay meel ka dhac misana markuu xaal siiyey haasaawihiisiina u bogtay oo uga dhadhantay inuu aad uga xun yahay falkiisii, garyigilna yahay, raalli bey noqotay. Markaas iyadoo xiiso leysu qabo ayuu Dalalna geeliisii aaday, iyana arigeedii oo ka yare durkay ka daba tagtay. Nasiib darro markay arigii u tagtay waxay la kulantay arigii oo dawacooyin labo neef ka bakhtiisteen.
Aalaaba sida dhacda reer miyigu aad bey u qiimeeyaan xoolahooda nool, qofka beylihiyana sida Bilan ku dhacday, waa la dilaa, ama waa la canaantaa, kolleyba tallaabo ciqaabeed ayaa laga qaadaa.
Sidaas darteed, markey arigii guryo geysay oo warkii la helay in dawaco arigii wax ka cuntay baa hooyadeed Cawo Nuur canaan kulul dusha uga tuurtay, oo waxay ku tiri, “Naayaa, xaalkaaga waa la socdaa, mee arigii lagu raaciyey? Mise beryahan dambe shafkaaga buuxsamay baa kuu been sheegay, oo haasaawe iyo qooq baad meherad ka dhigatay?” Iyadoo sii wadda bey haddana tiri, “Wallaadan reerka caawa iigu soo hoyaneyn, haahey! Waadigii is dhudhuganaayey baryahan lagu fasax.”
Bilan waa ka naxday hadalkii hooyadeed haasaawaheeda wax kaga sheegtay, waxayna danniday dhagar qabe dhulkow dhaqdhaqaaqee, iney si uun laacdankeedii maanta wax ka tuhuntay.
Canaantaas keliya loogagama harine intey hooyadeed labo ulood ku dhifatay ayey weliba kaga dhaaratay ineyan caawa guriga u soo hoyanin. Inkastoo aabbaheed isku dayey inuu dhexdhexaadiyo, hooyadii oo qof kulul u dhalatay, ayaa ku adkaatay ra’yigeedii.
Sidaasey Bilan iyadoo dhowr qaarood qabta guriga duleedkiisa ugu hoyatay habeenkii. Inkastoo dhaxan qaboobi jirtay isla markaasna baahiyi heysay oon waxba la siin, haddana ma dareemin, maxaa yeelay waxay ku dheeraatay feker ah, Maxaaba laguugu dilayaa hadba neef dawaco cuntay, waad hano qaadday, gurina waad yeelan kartaaye, maad tashatid? Fekeraddaas aad bey ugu guuxday, waxayna gashay sidey dhallintey taqaan oo gayaankeeda ah xul uga samayn lahayd,

07/10/2019

Q

21/09/2019

Wali ma akhrisey buuga lamagac baxay DHIBANAHA AAN DHALAN HADABA HALKAN KAGA BOGO

HORDHAC

Dhibanaha aan dhalan waa sheeko xaqiiqda dhabta aha ka muujinaysa darxumada iyo dhibaatada cadowgu gaar ahaan kan amxaaradu ku hayeen umada soomaaliyeed ee degta galbeedka soomaaliya ee uu cadowgu maanta haysto. waa sheeko isugu jirta jaceyl iyo naxdin taas oo lasoo darsaysa wiil iyo gabadh isjeclaaday islamarkaana cadowgu kala dhexgalay jecaylkoodii iyagoo waliba gabadha reerkii ay ka dhalatay dhamaantood, iyada mooyee, xasuuqey.Willka magaciisu waa DALAL gabadhana BILAN. bal aan uga hadho qoraaga hanoosoo bandhigee sheekadan layaabka leh ee cajiibka ah.

20/09/2019

Bandhig buugag calami ayuu idiin soo bandhigaya wllkiin dhuux socialist hadaba akhristow ka faaideyso oo ku xirnow www.dhuuxsocialist

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address

Warder
Jijiga
2244