Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cunada, Dawooyinka & Adeega Caafimadka DDS

Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cunada, Dawooyinka & Adeega Caafimadka DDS

Share

Wakaaladu waxay diyaar u tahay tayaynta iyo sare u Qaadista Adeega Caafimaadka iyo Adeeg yada la xidhiidha

02/10/2024

Maareeyaha wakaalada maamulka dabagalka cuntada iyo daawooyinka deegaanka oo waraysi siyay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay dawada dalka laga joojiyay ee loo isticmaali malaariyada isagoo sidoo kalena sheegay inay ku jiraan baadhitaanka dawadaas si aysan dhibaato ugu keenin bulshada

Photos from Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cunada, Dawooyinka & Adeega Caafimadka DDS's post 15/09/2024

Wakaaladu iyada oo dardar galinaysa wacyigalinta bulshada ayaa
Team kasocday waaxda wacyigalinta iyo sharciyada wakaalada ayaa waxay ubaxeen wacyigalin magaaloyinka kala ah

1 : G.fafan degmada Awbaree iyo sheed - dheer

2: G.jarar dhagax buur iyo ararso

3: G. Erar fiiq

Waxayna bulshada kawacyigalinayaan

1. Isticmalka qaldan ee dawada .

2. Dawooyinka manka doriya ee dhalinta lumiya iyo laqabsiga dawoyinka manka doriya

3. Dawoyinka aan laguu qorin iyo isticmal koda oo sababa ( Resistance ) iyo inay dawadu waxba kaqaban waydo xanuunada

25/08/2024

Digniin Xaaladeed (alert case):

Waxaa digniin xaaladeed oo looga shakinkaro furuqa mpox lagasoo tabiyey tuulada Gilo ee Deg. Qabribayax. Marka waa lagu raad joogaa bukaankan iyo cabirka saxda ah ee xaalad qeexidiisa (case definition) ka iyo guud ahaanba xaqiijinta xogtan hordhaca ah e sidaas haloola socdo. Wixii soo kordhana waan soo tabin doonaa insha Allah.

F.G. ruuxii finan/furuq lagu arkaba waa lasoo tabinhayaa waana arin fiican sahan/surveillance ahaan lkn xanuuno badan oo furuqu calaamadahooda kamid yahay ayaa jira waana in lakala saaro oo xaalad qeexida marka u horeysa lagu kala shaandheeyo. Arintan oo kale waxay todobaad kahor nagasoo gaadhay tuulo katirsan Lehey, xarunta gobolka Daawa; hubin kadibna wuxuu noqday bukaan jadeeco kudhacday.

Mahadsanidin!

Photos from Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cunada, Dawooyinka & Adeega Caafimadka DDS's post 24/08/2024

Waxaa galabta magaalaada godey gacanta lagu dhigay qayb kamid ah qalabkii iyo dawadii Tianes taas oo mudo ku shaqaynaysay qaab dhuumaalaysi ah iyagoo og in ay sharci darro tahay
Qalabka laga qabtay waxaa kamid ah flash kaas oo isaga la,aantiis uusan shaqaynayn computer ka ay dadka gacanta u saarayaan

Arintaas waxay muujinaysaa markale in waxa uu soo qorayo marka gacanta lasaaro uuyahay wax aan sal iyo raad lahayn lkn dadkeena lagu baadhanayo iyagoo waliba loo adeegsanayo isla qaar kamid ah dhalinyarada deegaanka

Waxaan markale u mahad celinayaa xafiiska nabad galiyada iyo xafiiska caafimaadka ee maamulka magaalada Godey oo gacan wayn ka gaysatay hawshan sidoo kale waxaan u mahad celinayaa wakiilada GOBOLKA SHABELLE ujooga Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cunada, Dawooyinka & Adeega Caafimadka DDS

DIGNIIN

Waxaan uga digaynaa bulshada deegaanka inay ku kadsoomaan hawlaha noocan oo kale ah

Photos from Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cunada, Dawooyinka & Adeega Caafimadka DDS's post 24/08/2024

Hawl-wadeennada Wakaalada Dabagalka Cuntada iyo Dawooyinka ee gobolka Doollo oo ay weheliyaan shaqaalaha Xafiiska Caafimaadka degmada Wardheer ayaa ol’ole lagu dabagalayo maciishada wakhtigoodu dhacay ka sameeyay magaalada Wardheer.

Ol’olahan oo ujeedkiisu ahaa dabagalka iyo wacyigelinta ku saabsan adeegyada wakhtigoodu dhammaaday si bulshadu uga feejignaato isticmaalkaooda, ayay hawl-wadeennadan kusoo mareen dukaamada lagu iibiyo cabitaanada, waxyaabaha laysku qurxiyo, dawooyinka, iyo noocyada kala duwan ee raashinka. Hawl-wadeennadan ayaa sidoo kale soo uruuriyay maciisho yar oo wakhtigoodu dhammaaday, halka ganacsatada laga digay in ay sii iibiyaan maciishada wakhtigoodu dhowyahay.

21/08/2024

Waraysi gaar ah:"caqabadahay wakaaladu la kulmayso waxaa ka mid ah in qofkii oo aan soo marin shuruudihii looga baahnaa, inuu shatiga ku rabo waddooyin khaldan".Maareeyaha Wakaalada Dabagalka Cuntada daawooyinka iyo Adeega Caafimaadka dds, Cabdilaahi Maxamuud oo lahadlaya warbaahinta srtv ayaa ka hadlay isbadalka iyo dardargalinta hawlaha shaqo ee wakaaladu u hayso bulshada

20/08/2024
08/08/2024
Photos from Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cunada, Dawooyinka & Adeega Caafimadka DDS's post 07/08/2024

Munaasabada xuska todobaadka naasnuujinta aduunka oo hal-ku-dhig looga dhigay "xal-u-helida caqabadaha hortaagan naasnuujinta ayaa lagu qabtay magaalada Jigjiga.

Xuska munaasabadan oo ay soo agaasimeen Xafiiska Caafimaadka DDS ayna kasoo qaybgaleen hay'adaha bahwadaagta kala duwan xafiiska arimaha haweenka deegaanka, golaha sare ee arimaha islaamka iyo martishar kale.

Munaasabadan oo markii 16aad laga xusayo Deegaanka Soomaalida ayaa intii ay socotay waxaa lasoo jeediyay muhiimada caafimaad ee ay naasnuujintu uleedahay caruurta iyo koboca maskaxeed gaar ahaan 6-da bilood ee uhorraysa.


Wasiir kuxigeenka Xafiiska Caafimaadka DDS Mudane Maxamuud Maxamed iyo Wasiir kuxigeenka Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta Marwo Ubax Cabdiraxmaan iyo maareeyaha wakaalada dabagalka cuntada daawada iyo adeega caafimaadka DDS mudane cabdulahi maxamud mataan oo furay munaasabada ayaa sheegay in hooyo kasta oo kunool DDS looga baahan yahay in ay ilmaheeda naaska nuujiso 2 sano oo xidhiidha si loo helo jiil caafimaad qaba jidh iyo maskax ahaanba.

Photos from Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cunada, Dawooyinka & Adeega Caafimadka DDS's post 29/07/2024

Shirkii dooda xubnaha xisbiga ee wakaalada dabagalka cuntada,daawooyinka iyo adeega caafimaadka DDS ayaa ka qabsoomay xafiiska iyadoo xubnuhu ay si wayn uga doodeen isla markaana ka dhiibteen talo bixino badan oo muhiim ah
Intaas kadibna waxaa la isla qaatay in la xoojiyo adeeg bixinta bulshada

04/07/2024
Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

06
Jijiga