Xafiiska Dakhliga Deegaanka Somaalida Ayaa Qirtay inay war bixin khaldan ka gudbiyeen degmada shabeellay, warbixinta rubuca 2aad ee sm 2018 TI. xili ay madaxtooyadu DDS degmada shabeellay kusoo dartay degmoyinka dakhligoodu ka hooseeyey 50%percent, halka degmada shabeellay Dakhligeedu ahaa109% percent.
Xafiiska Dakhliga DDS ayaa raali galinka bixiyey 17/january 2026 mar ay gudiga joogta ah baarlamaanku waxka waydiinayeen warbixinta waxqabadka xafiisyada heer deegaan.
Xafiiska Dakhliga Degmada shabeelay
Warbaahin dowladeed
13/01/2026
Waxaa degmada shabeelay ee gobolka Faafan maanta ka qabsoomay kulan lagu qiimeynayey shaqaalaha xafiiska dakhliga.
Kulanka waxaa shir-gudoominayey gudoomiye ku xigeenka degmada shabeelay, Xildhibaan Mohamed Mohamud hirsi iyo Madaxa Xafiiska Dakhliga Degmada, Mudane Khadar Axmed sulub waxaana goob-joog ka ahaa xubno ka mid ah maamulka gobolka Faafan
Intii uu socday qiimaynta ayaa la falanqeeyay heerka waxqabadka shaqaalaha, caqabadaha jira iyo fursadaha lagu xoojin karo nidaamka dakhliga.
Qiimaynta ayaa noqon doonta, mid si gaar ah shaqsi kasta oo shaqaalaha Xafiiska dakhliga ah, loo dul istaagi doona doorkiisa shaqo iyo heerka uu uga qeybqaatay fulinta qorshaha dakhliga.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka ee lagu xoojinayo hufnaanta, isla xisaabtanka iyo sare u qaadista ilaha dakhliga degmada, si loo xaqiijiyo yoolasha horumarineed ee la dejiyey.
15/12/2025
18/10/2025
05/09/2025
Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS, Xuseen Xaashi Qaasim (Ph.D), ayaa soo xidhay tababarkii hoggaaminta Xisbiga Barwaaqo ee degmooyinka gobolka Faafan iyo maamul magaalooyinka Jigjiga, Tog-Wajaale iyo Qabribayax, kaas oo maalmahan ka socday hoolka Kulliyadda Maaraynta iyo Adeega Shacabka DDS.
Hoggaaminta ka qayb-galay tababarka ayaa lagula dardaarmay in uu waxqabadka sanadka soo socda uu dhigmo midka shan sano isla markaana mudnaanta siiyaan amniga, adeegyada aasaasiga ah sida biyaha, waxbarashada, caafimaadka, iyo horumarinta guud ee deegaanka.
02/09/2025
08/08/2025
Bayaanka Golaha Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo
Annaga, xubnaha golaha xisbiga Barwaaqo, waxaannu shir caadi ah ku yeelanay intii u dhexaysay Luulyo 30 ilaa Agoosto 2, 2017 T.I., annagoo ka doodnay arrimo heer caalami, heer qaran, heer deegaan iyo heer gudaha ah. Golaha waxa uu si qoto dheer u falanqeeyay sida loo ilaalin karo danaha qaranka Itoobiya iyadoo la eegayo xaaladda juqraafi-siyaasadeed ee hadda jira, Waxa kale oo uu qiimeeyay dadaalka socda ee lagu gaarayo barwaaqo iyada oo loo marayo isdhexgal iyo isu keenid.
Golaha ayaa qiray in isbeddellada juqraafi-siyaasadeed ee caalamka ay wataan fursado iyo caqabado labadaba, wuxuuna dejiyay jihada iyo xeeladaha lagu tijaabinayo caqabadahaas iyadoo laga faa’iidaysanayo fursadahaas si danaha qaranku uga faa’iido.
Sida la wada ogsoon yahay, dhowr sano ka hor, Itoobiya waxay ku guuleysatay inay ka baxdo dagaalkii ka dhacay waqooyiga dalka. Guushaas kaliya ma ahayn in dagaalka lagu joojiyay, balse waxaa la xaqiijiyay heshiiskii nabadda ee Pretoria oo lagu dhammeeyay murankii. Hase yeeshee, cadawgeenna, oo doonayay dagaal dheer, ayaa heshiiska ka dib bilaabay xeelado kale oo ay ku wiiqayaan awoodda dawladda iyo midnimada shacabka, iyaga oo adeegsanaya kooxo hubaysan oo ka howlgala gobollo kala duwan.
Labadii sano ee la soo dhaafay, cadawgu waxa uu isticmaalay laba hab oo waaweyn si uu u kala qaybiyo shacabka iyo dowladda: (1) inuu huriyo khilaafaad deegaanada ah iyo inuu adeegsado warbaahinta dhijitaalka ah si uu sumcad uga dilo dowladnimada. Si kastaba, labadaba waxay ku fashilmeen sidii ay filayeen. Fursadda ay u haysteen inay burburiyaan Itoobiya way sii yaraanaysaa, waxaana ka sii badanaya welwelkooda in dalka aanu jabin karin.
Jiilkan maanta jira waxa uu ka faa’iidaystay casharradii laga bartay jabkii taariikhiga ahaa iyo xaqiiqooyinka caalamka. Halkii laga kala jabin lahaa, waxa hadda socda hawlo lagu xoojinayo midnimada qaran iyo awoodda hay’adaha, taas oo si weyn hoos ugu dhigtay nuglaanshihii h**e. Dad
08/08/2025
Golaha Xisbiga Barwaaqo ayaa dejiyay toddoba qodob oo si buuxda loogu wajahayo isku dayada ugu dambeeya ee cadowga. Qodobadaas waxay kala yihiin:
1. In la sameeyo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah kooxaha hubeysan ee doorta inay si nabad ah u halgamaan, si ay fursad ugu helaan xal nabadeed oo lagu dhammeeyo is-mariwaaga jira.
2. In si adag loo hirgeliyo tallaabooyinka lagu xaqiijinayo sareynta sharciga, iyadoo lagula xisaabtamayo kuwa diida nabadda kuna hawlan burburinta shacabka iyo hantida dalka.
3. In si waafaqsan awoodda dalka looga jawaabo cabashooyinka shacabka ee la xiriira maamul-wanaagga, caddaaladda iyo dhaqaalaha, iyadoo la tixgelinayo heerarka kala duwan ee ay kasoo jeedaan.
4. In shacabka si joogto ah loo gaarsiiyo xogta saxda ah, isla markaana si cad loo fashiliyo wararka beenta ah iyo marin-habaabinta.
5. In si toos ah loola dagaallamo hoggaanada iyo adeeg-bixiyeyaasha ku sifoobay anshax-xumo, musuqmaasuq iyo hawl-gudasho la’aan, kuwaas oo ku sugan hay’adaha kala duwan ee dowladda.
6. In la dardargeliyo shaqooyinka horumarineed ee ka socda dhinacyada beeraha, warshadaha wax-soo-saarka, dalxiiska, macdanta iyo tiknoolajiyadda casriga ah (ICT), isla markaana hal-abuurada la bilaabay loo beddelo natiijo muuqata, iyadoo la xaqiijinayo ka-qaybgalka shacabka si isbeddel muuqda looga hirgeliyo magaalada iyo miyiga.
7. In danaha qaran ee dalka Itoobiya laga ilaaliyo lagana difaaco dhanka diblomaasiyadda, iyadoo la adeegsanaayo dhammaan fursadaha jira.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Jijiga
123
