Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka DDS

Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka DDS

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka DDS, Government Organization, Kebele 06, Jijiga.

27/05/2026

Ciid Mubaarak

Photos from Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka DDS's post 20/05/2026

Shirka xalwaaro u helida Barakacayaasha.
************************
************************
Waxaa maanta hoolka xafiiska ka qabsoomay kulan ballaadhan oo ku saabsan u diyaargarawga dib udejinta barakac dhan 376 qoys(2280 qof) kuwaas oo laga rari doono xerada Qoloji lana gayn doona goobta dib u dejinta Goroyocawl ee degmada Awbare.

Waxa sidoo kale kulanka lagu soo bandhigay qorshaha isku dhafka ee geedisocodka dib u dejinta Goroyocawl, qorshahan oo bahwadaagta dawliga iyo kuwa aan dawliga ahayn balan qaadeen in ay kasoo baxayaan doorkooga kaga aadan dhamaystirka adeegydaa aas aasiga iyo dib u dhiska nolosha iyo hab-nololeedka qoys loo samaynayo dib udejinta.

Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta xafiisyada bah-wadaagta dowladda iyo hay’adaha aan dowliga ahayn, isla markaana uu shir-guddoominayey Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka Mudane Cabdifatax Maxamed Cabdi, ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey qorshaha dib udejinta Goroyocawl.

Ugu dambayn, waxaa la isla qaatay in qorashaha lagu daro talooyinka la soo jeediyay islamarkaana lala wadaago dhamaan bahwadaata kala duwan si loo dardargeliyo buuxinta goldaloolooyinka kajira dhanka adeegyada aas aasiga ah.

Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka DDS

Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo
👇
https://somalidrmb.gov.et/connect/

Photos from Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka DDS's post 16/05/2026

Kulamo Wacyi-gallin iyo Mudnaan-siinta Dadka Nugul ee Goobaha Barakacayaasha.

Waaxda Jinsiga iyo Daryeelka Carruurta ee Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka DDS ayaa kulamo wacyi-gallin ah ka qabatay degmooyinka Gusum, Goljano, Baabili iyo Fiiq, kuwaas oo diiradda lagu saarayay wacyi-gallinta iyo mudnaan-siinta dadka nugul ee ku sugan goobaha barakacayaasha.

Kulamada ayaa waxaa hoggaaminaysay Agaasinka Waaxda Jinsiga iyo Daryeelka Carruurta, Marwo Ikraan Cabdirashiid, iyadoo bulshada lagu baraarujiyay muhiimadda ilaalinta iyo taageerada haweenka, carruurta iyo guud ahaan dadka nugul.

Ugu dambayn, Agaasinka Waaxda Jinsiga iyo Daryeelka Carruurta ayaa bulshada kula dardaarantay sii xoojinta taageerada iyo ilaalinta dadka nugul, si loo xaqiijiyo helitaankooda adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin.

14/05/2026

Somali Regional State Disaster Risk Management Bureau Statement Regarding Recent Addis Standard Report on Drought in Somali Region

Thursday, 14 May 2026

The Somali Regional State has taken note of the report published by Addis Standard claiming that malnutrition, drought, and worsening water shortages are currently escalating across Ethiopia’s Somali Region.

The Regional Government has never denied that climate-related vulnerabilities remain an ongoing challenge in some localized areas in Somali Region, particularly in the dry Jilaal season (December to March). The quoted Report may be referring to the challenges of water shortage and other drought-related emergencies that existed before the onset of the Gu (main) rains in late March and early April. Indeed, a joint Assessment by the Regional Health Bureau and Doctors Without Borders was conducted some months back, and appropriate response activities activated at the time.

The Somali Region is currently experiencing the Gu rainy season, and many parts of the region are receiving normal to above normal seasonal rainfall, contributing to improved water availability and supporting pastoral and agro-pastoral livelihoods.

Thus, claims suggesting region-wide collapse of livelihoods and severe water shortages during the ongoing rainy season are not accurate. The quoted report also does not acknowledge ongoing recovery trends, local resilience, and the efforts undertaken by the Regional Government, communities, and humanitarian partners during the dry spell, and even now as floods replace drought as the main cause of humanitarian emergency in flood-prone riverine areas.

We respectfully call upon media institutions and all stakeholders to uphold balanced, evidence-based, and time-sensitive reporting that reflects current realities and avoid the dissemination of misleading or outdated reports.

Photos from Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka DDS's post 03/05/2026

Munaasabadda Abaal-marinta Shaqaalaha Hormuudka ah ee Sanadka 2018

Waxaa maanta si rasmi ah u qabsoontay munaasabadda abaal-marinta shaqaalaha hormuudka ah ee Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka DDS. Munaasabaddan ayaa ka dhacday Hotelka Lotus, iyadoo ay kasoo qayb-galeen masuuliyiin iyo shaqaalaha xafiiska.

Intii uu socday kulanku, waxaa la soo bandhigay waxqabadkii iyo shaqooyinkii muhiimka ahaa ee xafiisku qabtay muddadii la soo dhaafay, sidoo kale waxaa la soo bandhigay website-ka cusub ee loo sameeyay xafiiska.

Wasiir ku-xigeenka xafiiska, Mudane Cabdifatax Maxamed Cabdi, ayaa hadal ka jeediyay munaasabadda, isagoo dhiirrigeliyay shaqaalaha hormuudka ah ee la abaal-mariyay, isla markaana xusay dadaallada waxtarka leh ee xafiisku sameeyay.

Ugu dambayn, Wasiirka Xafiiska, Mudane Axmedyaasiin Sheekh Ibraahim, ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay munaasabaddan, isagoo tilmaamay in xafiisku qabtay shaqooyin wax ku ool ah oo bulshada deegaanka faa’iido u leh. Waxa uu sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyay masuuliyiinta ugu sarreeya ee deegaanka taageerada ay siiyeen hirgelinta qorshayaasha xafiiska.

Gunaanadkii, Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka ayaa gudoonsiiyay abaal-marinnada shaqaalaha iyo waaxyaha hormuudka ah ee sanadkan la xushay.

Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka DDS

Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo
👇
https://somalidrmb.gov.et/connect/

Photos from Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka DDS's post 30/04/2026

Warbixin Saadaasha Roobabka Guga ee 10-ka Maalmood ee Soo Socda.

Macadka Sadaasha Hawada Ethiopa (Ethiopian Meteorology Institute) ayaa soo saartay saadaal muujinaysa in muddada 10-ka maalmood ee soo socota la filayo in roobabka Guga ay sii xoogeysan karaan guud ahaan dalka, gaar ahaan Deegaanka Soomaalida.
Saadaashu waxay tilmaamaysaa in deegaanku heli doono roobab u dhexeeya heer fudud ilaa dhexdhexaad (1–29 mm), iyadoo mararka qaarkoodna la filayo roobab culus oo ka badan 30 mm gudaha 24 saacadood.

Roobabkan waxaa sababa qulqulka hawada qoyan ee ka soo gudubta dhulbaraha, taas oo si weyn u kordhinaysa fursadaha roobka. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta suurtagalnimo ah in meelaha qaarkood ay ka dhacaan roobab xooggan oo keeni kara fatahaado, sidaas darteed waxaa lagula talinayaa bulshada ku nool dhulka joogiisu hooseeyo sida, Wabiyada, Dooxooyinka iyo Togaga waawayn inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Ugu dambeyn, saadaasha hawadu waa qiyaas cilmiyeed ku saleysan xog la heli karo, waxaana dhici karta inay is beddesho markasta. Roobkuna wuxuu ku jiraa gacanta Alle SWT, sidaa darteed waxaa habboon in la isku daro taxaddar iyo tawakkul.

Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka DDS.

Photos from Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka DDS's post 24/04/2026

Koox ka socota Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka DDS ayaa Gobolka Nogob ka bilaabay daraasadda nafaqada.

Koox farsamo oo ka socota Xafiiska ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday degmada Garbo ee Gobolka Nogob daraasad ballaadhan oo ku saabsan xaaladda nafaqada iyo hab-nololeedka bulshada, taas oo lagu fulinayo habka casriga ah ee (Smart Survey + Nutrition). Daraasaddan waxaa soo qabanqaabisay Waaxda Dammaanada Cuntada iyo Sare-u-qaadidda Nolosha ee xafiiska.

Daraasadan oo lagu qiimaynayo doono heerka nafaqada carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano, hooyooyinka nuujisooyinka ah, dumarka uurlayda ah, iyo guud ahaan hab-nololeedka bulshada, Sida qorshaysan Kooxda ayaa daraasada ka fulin doona Gobolka Nogob, gaar ahaan degmooyinka Garbo, Sagag, Dhuxun, iyo Xaraarey, muddo ku siman 10 maalmood ah.

Ujeeddada daraasaddan ayaa ah in la helo xog dhab ah oo ku saabsan xaaladda nafaqo iyo hab nololeed bulshada, si loogu saleeyo qorsheyasha adeegyada lagama maarmaanka ah iyo gurmadka loo baahan karo.

Photos from Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka DDS's post 23/04/2026

Shirka xalwaaro u helida Barakacayaasha Bayaxow.
************************
************************
Waxaa maanta hoolka xafiiska ka qabsoomay kulan ballaadhan oo ku saabsan dib-u-dhiska hab-nololeedka iyo xoojinta adkeysiga bulshada ay saameeyeen masiibooyinka, iyadoo loo marayo hirgelinta xalalka waara oo laga fulinayo deegaanka dib-u-dejinta barakacayaasha Bayaxow ee degmada Godey.

Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta xafiisyada bah-wadaagta dowladda iyo hay’adaha aan dowliga ahayn, isla markaana uu shir-guddoominayey Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka Mudane Cabdifatax Maxamed, ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey heerka uu marayo qorshaha dib-u-dhiska hab-nololeedka bulshada barakacayaasha ee dib-u-dejinta loogu sameeyey Bayaxow, gaar ahaan dhinaca horumarinta beeraha.

Ugu dambayn, waxaa la isla qaatay in la dardargeliyo barnaamijyada falashada beeraha ee Bayaxow, isla markaana si wadajir ah looga shaqeeyo buuxinta goldaloolooyinka weli jira.

Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha Xafiiska ✍️

20/04/2026

Documentary: Jawaab-celintii Wax-ku-oolka ahayd iyo Dadaalladii Gurmadka ee ay Xukuumadda DDS u Fidisay Bulshada ay Saameeyeen Duruufihii Jiilaalkii Adkaa.

Waxaa Diyaariyay Xafiiska Warfaafinta DDS.

https://youtu.be/y2NeWMX-z74?si=bocf0iBh1h5u_RGm

Photos from Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka DDS's post 10/04/2026

Dhageysiga iyo Soo-jeedinta Warbixinta 9-ka Bilood.

Waxaa galabta hoolka shirarka ee xafiiska ka qabsoomay soo-jeedinta warbixinta 9-ka bilood ee Sannadka Miisaaniyadda 2018, iyadoo warbixinta loo gudbiyay Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Horumarinta Xoolo-dhaqatada ee Golaha Xildhibaanada DDS.

Kadib soo-jeedinta warbixinta, guddigu waxay soo jeediyeen su’aalo iyo talooyin la xiriira habsami u socodka shaqada iyo xoojinta waxqabadka xafiiska.

Ugu dambayn, guddigu waxay kula dardaarmeen masuuliyiinta xafiiska in la sii xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo qorshayaasha inta ka harsan sannadka, isla markaana la dardargeliyo fulinta hawlaha shaqo ee socda.

Waaxda Xidhiidhka Dad-waynaha Xafiiska. ✍️

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address

Kebele 06
Jijiga