Maamulka Abiye Axmad waxay jabiyeen qalbiyada Dimuqradiyada waxaana adkaan doonta si loo kabo”Jowhar Maxamad Hogaamiyaha Qiiro oo ka hadlay Jiliiinkii uu Abiye Sameeyay.
Radio Xoriyo
A political Party in Ethiopia advocating for the rights of Somalis to self-determination and for all other marginalised nation in Ethiopia.
ONLF is a pro- Ethnic Federalism and stands for the right of each nation to self-rule, good governance, democratic rights, the right of women, minorities and tolerance. The current constitution framework regarding the right of self-dtermination of nations is the minimum ONL accepts. ONLF is a nationally registered Political Party which will play a key role in achieving genuine democratic transform
Afhayeenka ONLF Cadaani hirmooge oo waraysi siiyay ONA ayaa ka hadlay doorasha beenaadka PP boobka xuduudadaha Isbahaysiyada JWXO ee ururada iyo wadada Cusub ee ONLF u jahaystay.
Q1
02/06/2026
Jigjiga Waxay muujisay sawiro ka fog hanaan walba oo dawladnimo iyo dimuqradiyad nidaamka talada haya ayaana ku sifoobay koox ku tigri falka hantida ee ay ku caan baxeen iyo xatooyooyinkii lagu yaqaanay ku daray duminta filasho walba oo jiilkani ku hamiyayeen dimuqradiyad iyo daganaansho siyaasadeed.
Golaha dhexe ee JWXO oo boogaadiyay isbahaysiyada ONLF la gashay xoogaga Soomalida iyo qowmiyadaha Itobiya.
PP yaa la tartamaya oo ay Kaararka ay ayadu daabacatay ka boo-baysaa?
31/05/2026
JABHADDA WADDANIGA XOREYNTA OGAADEENIYA (JWXO).
WARMURTIYEEDKA KALFADHIGA GOLAHA DHEXE EE JWXO_May 31, 2026 Jigjiga, Somali State.
Golaha Dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya (JWXO) ayaa yeeshay kalfadhigiisii caadiga ahaa, kaas oo lagu falanqeeyay warbixinta guddoomiyaha, xaaladda ururka, xaaladda shacabka Soomaaliyeed ee Ogaadeenya, xaaladda siyaasadeed ee Itoobiya iyo Geeska Afrika, iyo jihada istiraatiijiyadeed ee marxaladda soo socota.
Kadib dood, qiimeyn iyo wada-tashi qoto dheer, Golaha Dhexe wuxuu soo saaray qodobadan:
I. ARRIMAHA URURKA
1. Xoojinta Ururka.
Golaha Dhexe wuxuu ansixiyay qorshe lagu sii xoojinayo awoodda ururka dhammaan heerarkiisa.
Waxaa mudnaan gaar ah la siin doonaa:
• dib-u-habaynta iyo xoojinta dhammaan hay’adaha ururka;
• kor u qaadista tayada hawl-wadeennada iyo hoggaanka;
• xoojinta isla xisaabtanka;
• kobcinta awoodda abaabulka;
• iyo casriyeynta hababka shaqo ee ururka.
Goluhu wuxuu adkeeyay in kartida, waxqabadka iyo hufnaantu noqdaan halbeegyada lagu qiimeeyo xilalka iyo masuuliyadaha ururka.
2. Guddiyada iyo Waxqabadka Ururka
Golaha Dhexe wuxuu si gaar ah u bogaadinayaa shaqada iyo dadaalka ay qabteen guddiyada ururka, gaar ahaan:
• Guddiga Abaabulka Dibedda;
• Guddiga Diblomaasiyadda;
• Guddiga Dhaqaalaha;
• Guddiga Horumarinta Ururka;
iyo dhammaan hawl-wadeennada, masuuliyiinta, iyo xubnaha ururka gudaha iyo dibadda ee muujiyay adkaysi, mabda’-adayg iyo dadaal joogto ah intii lagu jiray marxaladdan adag.
3. Isbahaysiyada iyo Xidhiidhada Siyaasadeed
Golaha Dhexe wuxuu bogaadiyay horumarka laga gaadhay:
• isbahaysiyada Soomaaliyeed;
• xidhiidhada qowmiyadaha kale ee Itoobiya;
• iyo wada shaqaynta xoogagga dimuqraadiga ah ee danaynaya isbeddel siyaasadeed oo dhab ah.
Golaha Dhexe wuxuu ansixiyay lana dardargelinayaa siyaasadda JWXO ee dhismaha isbahaysiyada Soomaaliyeed, iskaashiga qowmiyadaha kale ee Itoobiya, iyo wada shaqaynta xoogagga dimuqraadiga ah ee rumaysan caddaaladda, sinnaanta iyo xaqa shucuubta ee Aayo-ka-tashi.
Goluhu wuxuu farayaa hoggaanka ururka inay sii xoojiyaan xidhiidhadaas si loo abuuro iskaashi ballaadhan oo ku salaysan caddaalad, sinnaan, wada noolaansho iyo ixtiraamka xuquuqda shucuubta, gaar ahaan xaqa Aayo-ka-tashiga.
4. Diblomaasiyadda iyo Xidhiidhada Caalamiga ah
Golaha Dhexe wuxuu ansixiyay qorshaha cusub ee diblomaasiyadda ururka.
JWXO waxay sii xoojin doontaa xidhiidhada ay la leedahay:
• beesha caalamka;
• hay’adaha caalamiga ah;
• ururrada xuquuqul-insaanka;
• Midowga Afrika;
• Midowga Yurub (EU);
• Jaamacadda Carabta;
• Ururka Iskaashiga Islaamka iyo hay’adaha kale ee gobolka;
• iyo dowladaha Geeska Afrika iyo kuwa kale ee sida tooska ah danaha uga leh Itoobiya iyo xasilloonida gobolka.
Goluhu wuxuu adkeeyay in xaaladda shacabka Soomaaliyeed ee Ogaadeenya, jebinta Heshiiskii 2018, iyo xadgudubyada ka socda degaanka Soomaalida si joogto ah loogu gudbiyo fagaarayaasha caalamiga ah.
5. Shirweynaha JWXO
Golaha Dhexe wuxuu dib u eegay go’aankii h**e ee qabashada Shirweynaha JWXO.
Kadib qiimeyn lagu sameeyay xaaladaha amni, dhaqaale, abaabul iyo ka-qaybgal, Golaha Dhexe wuxuu go’aamiyay in Shirweynaha dib loogu dhigo muddo hal sano ah, isla markaana la magacaabo guddi qabanqaabo oo soo diyaariya waqtiga iyo goobta ku habboon.
Shirweynaha waa inuu ku qabsoomaa xaalad suurto gelinaysa:
• amni buuxa;
• ka-qaybgal dhammaystiran;
• iyo diyaar-garow urureed oo buuxa.
Goluhu wuxuu farayaa hoggaanka ururka inay sii wadaan dadaallada lagu raadinayo goob iyo xaalad ku habboon qabsoomidda Shirweynaha.
II. XAALADDA SIYAASADEED IYO MOWQIFYADA GOLAHA DHEXE
6. Xaaladda Itoobiya iyo Geeska Afrika
Golaha Dhexe wuxuu xaqiijiyay in Itoobiya ay ku jirto xaalad sii muujinaysa jahawareer siyaasadeed, daciifnimo dhismeed, iyo khilaafyo sii fidaya oo halis ku ah xasilloonida Itoobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Goluhu wuxuu caddeynayaa in dowladda Itoobiya ay si cad uga baxday ruuxdii iyo qodobadii saldhigga u ahaa Heshiiskii Nabadda ee 2018, isla markaana ay sii waddo cadaadis siyaasadeed, kala qaybinta ururrada siyaasadeed, iyo xaddidaadda xuquuqaha aasaasiga ah ee shacabka Soomaaliyeed.
Golaha Dhexe wuxuu walaac weyn ka muujinayaa siyaasadaha xisbiga Prosperity Party (PP), kuwaas oo sii kordhinaya xasillooni darrada Itoobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika. Halkii ay xoogga saari lahayd xalinta khilaafaadka gudaha iyo dhismaha nidaam loo dhan yahay, dowladda Itoobiya waxay sii waddaa siyaasado ku dhisan awood urursi, hurinta khilaafaadka qowmiyadaha, iyo faragelinno gobolka ah oo khatar gelinaya amniga iyo wada noolaanshaha shucuubta Geeska Afrika.
Golaha Dhexe wuxuu aaminsan yahay in nabad waarta iyo xasillooni gobolka laga hirgelin karo oo keliya iyadoo la ixtiraamo xaqa Aayo-ka-tashiga shucuubta, madax-bannaanida dowladaha, iyo in khilaafaadka lagu xaliyo wada hadal siyaasadeed oo dhab ah.
7. Xaaladda Shacabka Soomaaliyeed ee Ogaadeenya
Golaha Dhexe wuxuu bogaadinayaa baraarugga sii kordhaya ee shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay u sii xoogeysanayso fahamka qaddiyadda qaran.
Goluhu wuxuu xusay in shacabka Soomaaliyeed ay sii luminayaan kalsoonidii ay ku qabeen nidaamka hadda jira iyo siyaasadaha lagu marin-habaabiyay bulshada sannadihii la soo dhaafay.
8. Doorashooyinka iyo Xuquuqda Siyaasadeed
Golaha Dhexe wuxuu ku tilmaamayaa doorashooyinka lagu wado in laga qabto degaanka Soomaalida kuwo ka fog heerarka doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana u badan hawl lagu marin-habaabiyo shacabka iyo beesha caalamka.
Goluhu wuxuu cambaareynayaa wararka la xiriira cadaadisyada lagu hayo shaqaalaha rayidka ah, ardayda, ciidamada iyo shacabka danyarta ah si loogu qasbo taageerada PP.
Goluhu wuxuu si gaar ah uga walaacsan yahay isticmaalka adeegyada dowladda, mushaharka shaqaalaha, deeqaha gargaarka, fursadaha waxbarashada iyo awoodda ciidamada amniga si loogu cabburiyo xorriyadda doorashada shacabka loona abuuro sawir been abuur ah oo taageero siyaasadeed.
9. Khayraadka Dabiiciga ah:
Golaha Dhexe wuxuu si adag u cambaareynayaa boobka khayraadka dabiiciga ah ee degaanka Soomaalida, gaar ahaan shidaalka, gaaska, biyaha iyo kheyraadka kale ee lagu maamulayo iyada oo aan oggolaansho, ka-qaybgal iyo maslaxad dhab ah laga helin shacabka Soomaaliyeed.
JWXO waxay caddeynaysaa in shacabka Soomaaliyeed iyo ururkooduba aysan marnaba aqbali doonin boobka khayraadkooda ama go’aanno lagu gaaro mustaqbalkooda iyaga oo laga maqan yahay.
10. Xuduudaha, Midnimada iyo Xuquuqda Dhulka Soomaaliyeed.
Golaha Dhexe wuxuu si adag u cambaareynayaa weerarrada, boobka dhulka, iyo xadgudubyada lagu hayo deegaannada Soomaaliyeed.
Goluhu wuxuu sidoo kale cambaareynayaa siyaasadaha lagu kala qaybinayo bulshada Soomaaliyeed iyada oo la adeegsanayo degmooyin, gobollo, xuduudo maamul iyo muranno doorasho oo si ula kac ah loogu hurinayo colaado qabiil.
Siyaasadahani waxay dhaawacayaan midnimada shacabka Soomaaliyeed waxayna u adeegayaan sii jiritaanka nidaamka cadaadiska ku dhisan ee PP.
Golaha Dhexe wuxuu caddeynayaa in dhulka, xuduudaha iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed ay yihiin xuquuq taariikhi ah oo aan laga tanaasuli karin.
11. Dhaqaalaha iyo Ganacsiga
Golaha Dhexe wuxuu cambaareynayaa boobka lagu hayo ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan ku takrifalka magaca “contraband” si lagu dhaco hantida ganacsatada, iyo sidoo kale canshuuraha xad-dhaafka ah, baadda iyo culaysyada dhaqaale ee lagu hayo shacabka.
Goluhu wuxuu aaminsan yahay in siyaasadahaasi ay dhaawacayaan dhaqaalaha degaanka, ganacsiga xorta ah, maalgashiga iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.
JIHADA MARXALADDA SOO SOCOTA
12. Mudnaanta Istiraatiijiga ah
Golaha Dhexe wuxuu xaqiijiyay in mudnaanta ururka ee marxaladda soo socota ay yihiin:
• xoojinta awoodda ururka;
• adkaynta midnimada gudaha;
• kor u qaadista abaabulka bulshada;
• kor u qaadista Tayada warbaahinta Ururka
• xoojinta diplomacy-ga iyo advocacy-ga;
• dhisidda isbahaysiyo waxtar leh;
• difaaca khayraadka dabiiciga ah iyo xuquuqda shacabka Soomaaliyeed;
• ilaalinta midnimada iyo dhulka Soomaaliyeed;
• iyo diyaarinta istiraatiijiyad awood u siinaysa shacabka Soomaaliyeed inay door muuqda ku yeeshaan go’aaminta mustaqbalkooda siyaasadeed.
IV. MAHADNAQ IYO BAAQ
13. Mahadnaq iyo Baaq
Golaha Dhexe wuxuu u mahadcelinayaa:
• xubnaha ururka;
• shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan shucuubta taageerta qaddiyadda xaqa ah ee shacabka Soomaaliyeed ee Ogaadeenya;
• saaxiibbada iyo taageerayaasha JWXO;
dadaalka iyo garab istaagga ay u muujiyeen halganka qaran.
Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan:
• midnimada;
• wadajirka;
• isku-tashiga;
• iyo taageerada halganka xaqa ah ee lagu difaacayo xuquuqdooda, karaamadooda iyo mustaqbalkooda.
JWXO waxay mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay difaaca xuquuqda shacabka Soomaaliyeed ee Ogaadeenya iyo raadinta xal waara oo ku dhisan caddaalad, xorriyad, iyo Aayo-ka-tashi.
Midnimo • Mintid • Isku-tashi • Allahu Akbar • Guul
Waxaa Soo Saaray:
Golaha Dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya (JWXO).
May 31, 2026
Jigjiga, Somali State
Ururada OLA TPLF FANO oo hor istaagay doorashada Abiye qabsanayay kaligii iyo Deegamadooda oo ay ka joojiyeen .
Golaha Dhxe Jabhada Ogaden National Liberation Front ONLF oo yeeshay kalfadhigoodii ayagoo soo saaray bayaan dhinacaya badan taabanaya,
31/05/2026
Gurigaaga ood joogtaa waxuu kaa caawinayaa ka badbaadida Jidh-Dilka ay askarta qasabka ku kaxaynaya bulahada si ay u geeyaan goobo lagu qabanyo doorasho beenaad loo day-dayayo cid sawiro laga qaato in aad kaga badbaafo waxyee_ladooda joogtada ah ee ka jirta Guud ahaan Dawlada Dagaanka Soomalida .
Click here to claim your Sponsored Listing.
