09/06/2026
Awbare — Waxaa xadhigga laga jaray Kuliyadda Xirfadaha iyo Farsamada Gacanta ee Maax-Dugsiiye.
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, iyo Wasiirka Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka, Mudane Xuseen Gaydh, ayaa xadhigga ka jaray kulliyaddan oo ku baxday lacag ka badan 218 milyan oo birr.
Kulliyaddan oo ka kooban 21 dhisme (blocks), kuna fadhida dhul baaxaddiisu dhan tahay 25 hektar (250,000 m²), ayaa loogu talagalay inay sannadkii waxbarasho iyo tababaro siiso 1,500 arday oo baran doona qaybaha kala duwan ee xirfadaha iyo farsamooyinka.
Sidoo kale, kulliyaddan waxaa loo dhisay qaab ay ku bixiso adeegyo waxbarasho iyo tababaro oo dhammaystiran, iyadoo leh dhammaan kaabeyaasha muhiimka ah sida goobaha jiifka iyo cuntada ardayda, fasallada waxbarashada, xarumaha tababarka gacanta (practical workshops), xafiisyada maamulka iyo adeegyada guud.
Waxaa sidoo kale ku jira goobo nasasho iyo garoomo ciyaareed oo loo dhisay si waafaqsan heerarka (standards-ka) kulliyadaha noocan oo kale ah. Ugu danbayn masuuliyiinta ayaa dhir-beeris ka sameeyay gudaha kuliyadda.
09/06/2026
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar oo ay weheliyaan masuuliyiin kale ayaa booqday dhismaha mashruuca biyo-gelinta magaalada Sheed-Dheer oo heer wanaagsan maraya, kaasi oo uu dhawaan dhagax-dhigay Madaxweynaha DDS,Mudane Mustafe Muxummed Cumar.
09/06/2026
Weekly Message
The Success of the 7th General Election Is a Great National Victory That Confirmed Ethiopia’s Triumph
A significant and undeniable truth has been demonstrated before the Ethiopian people and the international community: the foremost winner of Ethiopia’s historic 7th General Election is Ethiopia itself.
This election was more than a political contest or routine event. It became a historic milestone that strengthened Ethiopia’s sovereignty, reinforced democratic institutions, and laid a solid foundation for the country’s future prosperity. Conducted through Ethiopia’s own capabilities despite internal and external challenges, the election showcased institutional strength, homegrown democracy, and national sovereignty.
The strategic leadership and political commitment demonstrated by the Prosperity Party and the government played a notable role in this achievement. The party contributed by preparing election plans, supporting the overall process, and continuously evaluating implementation to ensure a successful outcome. It is also actively guiding post-election activities through a clear roadmap.
The government, led by the Prosperity Party, expanded political space and worked to ensure that the election was peaceful, free, fair, and credible. By combining democratic practices with development, good governance, and peace-building efforts, it demonstrated respect for the people’s voice and sovereign will. This helped foster broad public participation while preventing attempts by disruptive forces to undermine the process.
One of the most remarkable aspects of the election was the registration of more than 54 million voters, 46 percent of whom were women. This reflects the growing political engagement of Ethiopian citizens. In addition, 42 political parties and more than 10,000 candidates participated freely, giving voters a wide range of choices regarding the country’s future leadership. The public confidence displayed throughout the country reaffirmed Ethiopians’ strong belief in democratic means of determining their future.
The overall success of the election represents a major national victory for Ethiopia. The Prosperity Party expresses its appreciation to all institutions that contributed to the success of this democratic process. It particularly commends the National Election Board of Ethiopia for its professionalism and neutrality, competing political parties for their responsible participation, and federal and regional security forces for ensuring a secure environment that allowed citizens to vote freely.
The party also extends its gratitude to its members, leaders, supporters, and patriotic citizens. It appreciates observer missions and regional organizations such as African Union and Intergovernmental Authority on Development for their contributions and observations. International partners and media organizations that expressed positive assessments of the election are likewise thanked for their recognition.
As stated by Vice President Adem Farah during the party’s election performance review meeting in Jijiga, the greatest gratitude belongs to the Ethiopian people. Through patience, discipline, and commitment, citizens waited in long queues and cast their votes peacefully, making the election a success and demonstrating their dedication to democracy and the nation’s future.
Overall, the 7th General Election demonstrated Ethiopia’s ability to overcome challenges, safeguard its sovereignty, strengthen its institutions, and continue advancing as a significant nation in Africa and on the global stage.
The Prosperity Party affirms that, following the renewed democratic mandate it has received from the Ethiopian people, it will continue with greater determination its efforts in development, peace, and good governance, while advancing Ethiopia’s journey toward comprehensive prosperity.
Prosperity Party.
06/06/2026
Waftiga sare ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo, lehna awoodda Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Mudane Aadan Faarax Ibraahim, oo shir uga socday Shabeelley, ayaa booqasho ku tegay Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee laanta DDS.
Masuuliyiinta ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay xarunta xisbiga hoggaaminta iyo masuuliyiinta Xisbiga Barwaaqo ee laanta DDS.
06/06/2026
Jigjiga — Masuuliyiinta sare ee Xisbiga Barwaaqo iyo madaxweynayaasha dawlad-deegaannada dalka, oo shir uga socdo Shabeeleey, ayaa booqday qaar ka mid ah mashaariicda muhiimka ah ee laga hirgeliyey magaalada Jigjiga.
Masuuliyiintu waxay booqdeen dhismaha Cusbitaalka Guud ee Ciidanka DDS, oo ay ciidamada deegaanka iyo qoysaskoodu ka heli doonaan adeegyo caafimaad oo bilaash ah; dib-u-habaynta iyo qurxinta lagu sameeyey buundada waddada halbawlaha u ah magaalada Jigjiga; Goobta Damaashaadka ee Taallada Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo adeegga hal-goob ah ee Somali-MESOB.a
06/06/2026
Shabeeleey — Xisbiga Barwaaqo ayaa xarunta dalxiiska ee Shabeeleey ka bilaabay kulan lagu qiimaynayo hab-socodkii Doorashada 7-aad ee guud ee dalka iyo heerka uu u fulay qorshihii doorashada ee xisbiga.
Kulanka waxaa ka qaybgalaya guddiga qaran ee isku-dubaridka doorashada ee xisbiga iyo hoggaamiyeyaal sare oo federaal iyo deegaanba ah. Inta lagu guda jiro qiimaynta, waxaa dib loogu eegayaa waxqabadkii xisbiga ee ka hor iyo intii ay doorashadu socotay, iyadoo la kala saari doono meelaha lagu guulaystay iyo caqabadihii jiray, isla markaana la dejin doono jihada iyo mudnaanta la siinayo hawlaha marxaladda doorashada kaddib.