04/03/2026
Waxay weli xukuumadda deegaanku dadaal xooggan ugu jirtaa sidii ay bulshada uga saari lahayd baahida biyo la’aaneed iyo abaarta saameynta ku leh nolosha shacabka. Xukuumaddu waxay mudnaan gaar ah siisay in wax laga qabto dhibaatada si degdeg ah, iyadoo diiradda saartay gurmad iyo xalal muuqda.
Gaar ahaan, waxaa xoogga la saaray in biyo-dhaamis degdeg ah laga fuliyo dhammaan degmooyinka, si loo gaarsiiyo biyo nadiif ah qoysaska iyo xoolo-dhaqatada ay abaartu sida daran u taabatay. Tallaabooyinkan ayaa muujinaya ka go’naanshaha xukuumadda ee ah in aan bulshada looga harin xaaladdan adag, isla markaana si wadajir ah loogu wajaho yareynta saameynta abaart
Ilahy abaarta ha inaga jabiyo
04/03/2026
Wasiirka Xafiiska Biyaha DDS Mudane Eng Axmed Miraad Layli ayaa maanta shir gudoomiyey kulan lagu dhagaysanayey warbixinta Dibu-habaynta iyo casriyeynta nidaamka adeegbixinta Wakaaladaha Biyaha.
Xafiiska Biyaha ayaa muddoyinkii u dambeeyey waday dadaallo xooggan oo lagu horumarinayo tayada, casriyeynta iyo joogtaynta nidaamka adeeg-bixinta wakaaladaha biyaha, si bulshada loo gaadhsiiyo adeeg iyo biyo nadiif ah oo la isku halayn karo.
Dadaalladan waxa ka mid ahaa aas-aasid, kormeer iyo taakulayn lagu sameeyey wakaalado ka hawlgala degmooyin kala duwan, kuwaas oo isugu jiray wakaalado cusub oo la dhisay iyo kuwo h**e u jiray oo lagu sameeyey qiimayn iyo xoojin adeeg-bixineed.
Waxaana si rasmi ah u aas-aasay wakaaladaha soo socda:
1. Wakaaladda Biyo-galinta Dheer(Multi Villages) ee Dheerdhamaajo–Dhiidhiti–Yaxoob
2. Wakaaladda Biyo-galinta Dheer(Multi Villages)ee Tulli–Mandooyaale–Bilcilbuur
3. Wakaaladda Biyaha ee magaalada Danood
Sidoo kale, waxa kormeer iyo taakulayn lagu sameeyey wakaaladaha biyaha ee magaalooyinka Qabridahar, Wardheer, Mayumuluqo iyo Wakaaladda Biyo-galinta Dheer(Multi Villages) ee Mugweyn–Fiiq–Xamaro.
Kadib dhagaysiga warbixinta masuuliyiinta xafiiska ayaa bogaadiyey natiijooyinka hawlahan, iyagoo tilmaamay muhiimada ay leedahay wakaalado u dhisan nidaam ka jawaabaya baahida bulshada, waxayna Waaxda fidinta maamulka ilaha biyaha ee Xafiisku sii wadi doontaa dhamaystirka shaqooyinkan.
...Dhamaad..
17/02/2026
Ramadan Mubarak.
Wasiirka Xafiiska Biyaha ee DDS Mudane Eng Axmed Miraad layli, waxa uu dhamaan Umada Muslimiinta, gaar ahaan bulshada deegaanka ugu Hambalyaynayaa bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadan.
17/02/2026
Warbixin Kooban oo ku Saabsan Biyo-dhaanka Gobolka Nogob
Waxaa si xooggan uga socda dhammaan degmooyinka Gobolka Nogob dadaal la xiriira biyo-dhaanka, si wax looga qabto biyo yaraanta ka dhalatay jiilaalka adag. Dowladda ayaa kordhisay gaarsiinta biyaha goobaha ugu nugul, iyadoo la adeegsanayo booyado
Sidoo kale, waxaa la dardargeliyay dayactirka ceelasha si bulshada iyo xooluhuba u helaan biyo ku filan. Dadaalladan waxay muujinayaan sida ay dowladdu uga go’an tahay gurmadka iyo badbaadinta shacabka Gobolka Nogob.
16/02/2026
Gobolka NOGOB– Xaaladda Guud ee Biyo-dhaanka iyo Ahmiyadda Jawaab-celinta
Sida aynu wada ognahay, hoggaaminta Gobolka NOGOB waxay si buuxda ugu taagan tahay in si degdeg ah, hufan, isla markaana waxtar leh looga jawaabo xaaladda biyo-la’aanta ee ka dhalatay abaarta. Tallaabooyinka la qaaday ma aha oo keliya kuwo gurmad degdeg ah, balse waa kuwo muujinaya qorshe, wada-shaqayn, iyo masuuliyad dhab ah oo ku wajahan badbaadinta bulshada.
👉 Tani waxay muujinaysaa isku-duubni iyo wada-shaqayn wax ku ool ah, taas oo sare u qaadaysa awoodda gaarsiinta biyaha meelaha ay dhibaatadu ka jirto.
2. Waxaa la joogteyay Warbixinta iyo Shirarki gudiga abaaraha.
Waxaa si joogto ah loo qabtaa warbixino iyo shirar la xiriira xaaladda biyaha.
👉 Tani waxay xaqiijinaysaa in xog sax ah lagu saleeyo go’aannada, isla markaana si wadajir ah loo qiimeeyo baahiyaha iyo meelaha mudnaanta leh.
Mahadsanidiin.
19/12/2025
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.
Dhamaan Maamulka iyo Shaqaalaha Xafiiska Biyaha DDS waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan eheladii ay ka baxday Marwo Hodan Cabdi Bare, oo ka mid ahayd shaqaalaha Xafiiska, kana soo shaqaynaysay muddo ka badan 14 sano.
Marwo Hodan Cabdi Bare waxa ay ahayd shaqaale karti, daacadnimo iyo xilkasnimo ku suntanaa, door muhiim ahna ka qaadatay Adeega Xafiiska muddadii ay shaqaynaysay.
Waxaan Alle uga baryaynaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, ehelkeedii iyo dhammaan intii ay ka baxdayna uu ka siiyo samir iyo iimaan saadiqa.
Aaamiin Aaamiiin.
16/12/2025
Maanta waxaa kormeer kutagay Ceelkii laga qodayey magaalada Gudoomiyaha dagmada dhuxun , Gud/kuxigeenka iyo Madaxa xafiiska biyaha Marwo ujeedka kormeerka oo ahaa xaqiijinta war ay nasoo gaadhsiiyeen injineeradii Gacanta kuhayey Ceelka. warkaasoo ahaa in ceelku yahay iyo inaan soo tijaabino habsami usocodka biyaha ceelka.
14/12/2025
Hambalyo Shacab Waynaha Magaalada Garbo
Munaasabad Qurux Badan oo Runtii Si Heer Saraysa Loosoo Agaasimay ayaa Loogu Dabaal Dagay Soo Dhawaynta MMG
Tii Hormar Iyo Barwaaqo lasoo Koradha allah Haka Dhigo.