06/12/2025
Waxaa si rasmi ah u uga furmay Dagmada Goro baqaqsa tababarka wareega sadexaad ee sanad-miisaaniyadeedka 2018 T.I ee hoggaminta iyo xubnaha Xisbiga Barwaaqo ee Dagamada Goro baqaqsa
Tababarkan oo socon doona mudo 3 maalmood ah ayaa halku-dhiggiisu yahay “Aragtida Dowlada Wadajirka waa Horumarinta Waaxyaha Kala Duwan ee Dalka.”
Inta uu tababarku socdo waxaa lagu baran doonaa mowduucyo la xiriira aragtida dowlada ee ku dhisan fikirka wadajirka ah, ee horumarinta waxsoosaarka beeraha iyo miyiga, warshadaha, horumarinta magaalooyinka iyo magaaleynta, iyo dalxiiska.
Tababarkani waxa uu qayb ka yahay dadaallada lagu dhisayo aqoonta, xirfadaha, iyo kartida hoggamineed ee hoggaminta Xisbiga Barwaaqo.
07/09/2025
Gudoomiye Daakir iyo Gudoomiye Abdulahi wey ismacsalaameyn
Gobolka an ka Go'nay ee liiban waa gobol ku suntana cadaaalad iyo sinaanba insha allah weynu wada shaqeyn doona
20/06/2025
, oo si joogto ah u bixisa adeega takhasuska qaliinka iyo daaweynta haweenka, ayaa maanta si guul leh u fulisay qaliin dhalmo ee looyaqaano (C/S) kadib markii ay suurta-gal noqon weyday in ilmaha uu ku dhasho si dabiici ah.
Qaliinka ayaa lagu sameeyey hooyo u baahatay caawinaad degdeg ah, waxaana qaliiinka lagu guuleystay loogu dhaliyay ilma caafimaad qaba.
Xaaladda caafimaad ee hooyada iyo ilmaha labaduba aad ayay u wanaagsan tahay.
Xarunta Caafimaadka ee Goorobaqaqsa waxay si joogto ah u sii waddaa bixinta adeega takhasuska ah ee qaliinka iyo daaweynta haweenka.
Waxaan bulshada ugu baaqeynaa inay ka faa’iideystaan adeegyada tayada leh ee xaruntan laga helo, si loo xaqiijiyo badqabka hooyada iyo ilmaha.
Cabdiwasac Adan Fantastic