SRS Bureau of Agriculture

SRS Bureau of Agriculture

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from SRS Bureau of Agriculture, Government Organization, 9Q3V+QGM, Jijiga.

This is the official page of the Somali Regional State Bureau of Agriculture.
🌱 Empowering Somali Region farmers with sustainable agriculture, food security, & higher yields.

Photos from SRS Bureau of Agriculture 's post 28/06/2025

The livelihood components of the Productive Safety Net Program for 2017 provided grants to the selected households that had prepared business plans, with each household receiving 33,300 Birr. Following this, these clients are expected to improve their household income and graduate from the program this year.
Currently, 91 woredas in the Somali Regional State are under the payment of grants. A total of 89,000 households are receiving a total budget of 2,963,700,000 Birr, which represents the first 50% trench transfer.

Photos from SRS Bureau of Agriculture 's post 04/06/2025

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 4.6.2025 noo qabsoomay shirkaa DRM-ATF coordination ka oo ay si wada jira u qabteen xafiisyada Beeraha,iyo xafiska horumarinta xoolo dhaqatada deegaanka

Waxaana la isla qaatay
In la isku diyaariyo xaaladaha roob yaraanta ka imaan karta ee dhinaca waxsoosarka beeraha, calafka xoolaha, iyo xanuunada midhaha beeraha,xoolaha iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa haayadaha aan dawliga aheyn (NGO yada)
In xooga la saaray sii adkeynta wada shaqaynta haayadaha aan dawliga aheyn ee ku howlan wax kaqabashada hab-nololeedka (livelyhood) ka
Iyo hawlo kale oo muhiim u ah cluster ka sii xoojintiisa

Photos from SRS Bureau of Agriculture 's post 01/06/2025

Waa abaabulka bulshada iyo Wacyigalinta Ol'olaha lagula dagaalamayo Geedka garanwaaga ee Tuulada Buundada degmada Qabridehar.

Photos from SRS Bureau of Agriculture 's post 30/05/2025

Waxaa halkeedii ka sii socoto Ol'olaha ka dhanka ah geedka garanwaaga ee degmada qabridehar iyadoo la isgarab wado wacyigalinta, abaabulka iyo shaqo galinta xoogsatada Barnaamijka PSNP-5. waxaana halkan idin kula wadaagayaa sawiro wato kahor iyo kadib iyo Vedeo clip ku tusayo habka loo gurayo loona maaraynayo.

Photos from SRS Bureau of Agriculture 's post 21/05/2025

Waxaa Magaalada Godey Ka Qabsoomay Dhagaysiga warbixinada Kooxaha Tageerada Wareega ee Gobalka Shabeele iyo Dhagaysiga Mashruuca Bariiska ee degmada Beercaano, oo bilow ah, Wasiir Ku Xigeenka Xafiiska Beeraha Axmednur Cabdi Maxamed ayaa ka dhagaystay labada kooxood ee ku hawlan shaqooyinka kala duwan.

Photos from SRS Bureau of Agriculture 's post 14/05/2025

Aas-Aasida Gudiga Hagaha Iyo Gudiga Farsamada Abuurka Ee Heer Deegaan (Establishment of The Regional Seed Steering Committee and The Regional Seed Technical Committee)
Xafiiska Beeraha ee DDS oo kaashanaya xafiisyada heer deegaan iyo bahwadaagtiisa kale ayaa wauxuu maanta ansixiyay Gudiga Hagaha Abuurka iyo Gudiga Farsamada Abuurka ee heer deegaan. Gudidan oo hawlgali doona dhawaan ayaa waxay kor u qaadi doonaan ilaalinta sharciga abuurka, iyo hufnaanta hababka wax-soo-saarka, kormeerka, iyo qaybinta abuurka, iyagoo la jaanqaadaya yoolalka xafiisku u dajiyay siyaasada lagu maamulayo abuurka
Iyadoo qaab-dhismeedkan la hirgeliyay, dadaalladu waxay diiradda saari doonaan xalinta caqabadaha waaweyn ee nidaamka abuurka, kor u qaadista iskaashiga daneeyayaasha, iyo horumarinta siyaasada abuurka si beeralaydu u helaan abuur tayo leh.
Waxaan si dhow ula shaqeyn doonnaa Bahwadaagta kala gadisan si loo horumariyo dadaalkan islamarkaana kor loogu qaado nidaamka abuurka hufan, si ay uga faa'iideystaan beeralayda deegaanku guud ahaan.
******************************************************************************
Somali Region BoA has taken a major step toward strengthening its seed sector with the official endorsement of the Regional Seed Steering Committee and Regional Seed Technical Committee. These two committees will enhance coordination, regulatory oversight, and efficiency in seed production, inspection, and distribution while aligning interventions with Humanitarian-Peace-Development (HDP) Nexus goals to support food security and agricultural resilience.
With this framework in place, efforts will focus on addressing key sector challenges, improving stakeholder collaboration, and refining policies to ensure farmers have access to quality seeds. Moving forward, we will work closely with partners to drive innovation and establish a more structured, accountable, and sustainable seed system for the region.

Photos from SRS Bureau of Agriculture 's post 14/05/2025

Kulan lagu soo bandhigayay Siyaasadda Cusub ee Horumarinta Beeraha iyo Reer Guuraaga oo ay soo diyaariyeen Wasaaradda Beeraha JDFI iyo Mac'hadka ATI ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jigjiga.

Madaxweyne kuxigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax oo madashan furay, ayaa sheegay in isbaddelkii kahor heerka qodaalka waxsoosaarku ahaa 389 kun oo hektar, Balse hadda lagu guuleystay in la beero in ka badan 1 milyan oo hektar. sidoo kalena Deegaanka Soomaalidu leeyahay dhul ku habboon waxsoosaar ka oo ka badan 10 milyan oo hektar.

Dhankeeda, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Beeraha ee JDFI, Dr. Sofia Kassa, ayaa sheegtay in siyaasaddan cusub lagu doonayo in lagu xalliyo caqabadaha jira ee dhinaca beeraha, iyadoo la adeegsanayo hannaan casri ah oo ku habboon waxsoosaarka.

SRTV Somali

Photos from SRS Bureau of Agriculture 's post 13/05/2025

Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS ayaa kormeer shaqo ku tagay tuulada Gabi ee degmada Hadhagaale ee gobolka Siti.

Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS Mudane Cabdilaahi Maxamed Muuse ayaa kormeer shaqo ku tagay tuulada Gabi ee degmada Hadhagaale, halkaas oo laga diyaariyay dhul beereed gaadhaya 100 hiktar oo Xafiiska Beeraha heer Deegaan ugu talogalay in si rasmi ah looga beero dalaga bariiska.
Kormeerkan waxaa Wasiirka ku wehelinayay Madaxa Arrimaha Xisbiga Barwaaqo ee gobolka Siti, Mudane Yaasiin Maxamed, Guddoomiye kuxigeenka degmada Hadhagaale Mudane Aadan Yoonis iyo Maareeyaha Mashruuca waraabka Kulan iyo Harawa ee Xafiiska Horumarinta Waraabka DDS Mudane Cabdilaahi Xasan.

Ujeedada safarka ayaa ahaa kormeer iyo indho indhayn ku saabsan heerka diyaar garow ee dhulka loo diyaariyay in laga hirgaliyo mashruuca beerista bariiska oo ah mid istiraatiiji ah, looguna talogalay in uu qayb lixaad leh ka qaato sugnaanta cuntada iyo kobcinta dhaqaalaha Deegaanka.

Photos from SRS Bureau of Agriculture 's post 12/05/2025

A regional joint review and implementation support mission(JRIS) commenced today in the regional finance bureau meeting hall. Throughout the day, various vertical stakeholders, including representatives from the Ministry of Agriculture, the Ministry of Finance, and the NDRC, along with horizontal stakeholders, will evaluate the nine-month performance report of the Productive Safety Net Program (PSNP-5) from the Food Security Directorate of the Regional Agriculture Bureau. Following this, joint teams will visit two selected woredas to cross-check the presented report against the actual implementation on the ground. Lastly, the vertical stakeholders will share their findings with the regional implementing bureaus.

Photos from SRS Bureau of Agriculture 's post 07/05/2025

Waxaa noo qabsoomey shir aan la yeelanay hogaaminta Gobolada oo aan kaga wada hadlaynay sidii loo dardargalin lahaa shaqooyinka Barnamijka Shabakada Badabaadada Waxsoosaarka wajigisa 5aad (PSNP-5) iyadoo la isla qaatay in Hogaaminta Goboladu Doorkooda Qaataan si dhawna ula socdaan Qabsoomida Shaqooyinka Barnamijka, anaga oo kala saxeexanay heshiis qeexaya qorshaha dhamaystirka lacagaha, mashaaricaha iyo habnololeedka Barnamijka ee sanadka 2017 T.I.

Photos from SRS Bureau of Agriculture 's post 30/04/2025

Kooxa Tageerada Wareega ee Gobalka Shabeele ayaa kormeer iyo Dabagal ku sameeyay Beeraha khudaarta iyo Geed midhoodka ee degmada Godey, Gaar ahaan qabalaha Beedalacad, Halkaas oo ay beeralayda ka taageeri doonaan beerashada farsamooyinka Casriga ah, iyo latacaalida Cudurada iyo Cayayaanada ku dhaca beeraha Khudaarta, iyo Geed Midhoodhka.

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

9Q3V+QGM
Jijiga
SOMALIREGIONALSTATE,

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:30
Tuesday 08:00 - 17:30
Wednesday 08:00 - 17:30
Thursday 08:00 - 17:30
Friday 08:00 - 17:30