02/06/2026
Ahmed M. Abdi
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ahmed M. Abdi, Social service, Ahmedmacalincabdi@gmail. com, Jijiga.
02/06/2026
02/06/2026
Addis Ababa – Shacabka Itoobiya ayaa muujiyay ka-qaybgal ballaaran oo taariikhi ah doorashadii 7-aad ee dalka, taas oo si weyn u iftiimisay rabitaanka dimuqraadiyadeed iyo adkaysiga muwaadiniinta.
Ra’iisul Wasaaraha dalka, Dr. Abiy Ahmed, ayaa ku tilmaamay shacabka kuwo “mucjiso ah”, isagoo xusay in aysan jirin awood si buuxda u fahmi karta heerka dulqaadka iyo go’aanka ay muujiyeen.
Wararka laga helayo goobaha codbixinta ayaa sheegaya in muwaadiniintu ay u soo baxeen si firfircoon, inkastoo ay jireen caqabado ay ka mid yihiin qabow, roob iyo safaf dhaadheer. Hooyooyin, waayeel iyo dad naafo ah ayaa ka mid ahaa dadka codkooda dhiibtay.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in natiijada doorashada ka sokow, guusha ugu weyn ay tahay ka-qaybgalka shacabka. Wuxuu intaa ku daray in cid kasta oo talada qabata ay saaran tahay masuuliyad culus oo ah inay ka jawaabto kalsoonida shacabka.
“Shacabka idin doortay waa in si daacadnimo leh loogu adeego,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo ku baaqay hufnaan iyo xilkasnimo.
Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in dowladda cusub laga filayo inay sii waddo dadaallada horumarineed, dib-u-habaynta dhaqaalaha, iyo xoojinta dimuqraadiyadda si loo gaaro nabad iyo barwaaqo waarta.
Khubarada siyaasadda ayaa sheegaya in xoojinta iskaashiga xisbiyada iyo kobcinta dhaqanka siyaasadeed ee wadajirka ah ay muhiim u tahay horumarka dalka.
Ugu dambayn, doorashadan ayaa loo arkaa mid dhidibbada u aasaysa mustaqbal ku saleysan ka-qaybgal shacab iyo dowladnimo hufan.
31/05/2026
"Ma ogtahay in xiligii ololaha doorashadu soo dhamaaday, lana joogo xiligii aad codkaaga ku dooran laheyd, ciddii mustaqbalkaaga beri aad ku aamini laheyd!!.
Muwaaddin, codkaagu waa awoodda kaliya ee aad ku dhisi karto mustaqbalka deegaankaaga ee ku taageer Musharaxiinta xisbiga barwaaqo.
Maanta codkaagu waa fursada ugu muhiimsan ee aad door ugu yeelan karto jihada horumarka Deegaanka iyo kan dalkaba.
Dooro Xisbiga Barwaaqo oo u taagan addeeg hufan, horumar muuqda, iyo himilo fog oo ka tarjumaysa baahida shacabka.
"Codkaagu ha noqdo mid ku salaysan garasho, ka fiirsasho iyo mas’uuliyad, masiir ummadeed iyo mustaqbal ifaya lagu go'aamiyo.
Maalinta berri Ballanteenu waa xisbiga barwaaqo.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Jijiga
