17/05/2026
“Hal dhinac waxaa yaalla gaadiid ku rogmanaya waddooyin burbursan iyo safarro halis gelinaya nolosha shacabka, halka dhinaca kale ay socdaan dadaallo lagu dhagax dhigayo jid cusub oo bulshada u horseedi doona isku socod ammaan ah, adeeg fudud, iyo horumar dhaqaale oo waara.”
17/05/2026
Hogaaminta heer deegaan iyo Musharixiinta Xisbiga Barwaaqo ee gobolka Afdheer ayaa dhagaxdhigay dhismaha jidka jayga ah ee isku xidhaya magaalada Ceelkari iyo tuulada Unka ee degmaga Ceelkari ee gobolka Afdheer.
Masuuliyiinta deegaanka iyo Musharixiinta Xisbiga Barwaaqo uga sharaxan degmooyinka gobolka Afdheer oo ay ugu h**eeyaan Wasiirka Xafiiska Maaliyada DDS Mudane Dayib Axmednuur iyo Wasiirka Xafiiska Jidadka Deegaanka Mudane Idiris Muuse Cabdi ayna weheliyaan wasiiro, wasiir kuxigeeno, musharaxiinta Xisbiga Barwaaqo, maamulka gobolka Afdheer iyo kuwa degmada Ceelkari ayaa dhagaxdhigay jid jay ah oo isku xidhaya xarunta degmada Ceelkari iyo tuulada Unka oo ka tirsan degmada Ceelkari ee gobolka Afdheer.
Jidkan jayga ah oo dherarkiisu yahay 25km Lot-1 kuna baxayso lacag dhan 110 milyan oo birr wax wayna ka tari doona baahidii isu socod ee ay bulshadu qabtay ayaa lagu soo gabo'gabayn doonaa mudo 8 bilood ah sida uu sheegay Wasiirka Xafiiska Jidadka DDS Mudane Idiris Muuse Cabdi. Musharixiinta Xisbiga Barwaaqo ayaa sidoo kale bulshada ka codsaday in ay codkooda siiyaan si ay shanta sano ee soo socota uhirgaliyaan mashaariico waxtar uleh bulshada una dhamaystiraan mashaariicaha socda si bulshadu uhesho adeeg dhamaystiran iyo korodh dhaqaale.
SRTV
08/05/2026
Xafiiska Beeraha Degmada Ceelkari oo Hawlgaliyay DA-yada – Ol’ole Buufin Beeraha
Xafiiska Beeraha ee Degmada Ceelkari ayaa si habsami leh u hawlgaliyay DAs (Development Agents), si ay uga qayb qaataan ol’ole ballaaran oo lagu buufinayo beeraha degmada, kaasi oo lagu xoojinayo ilaalinta dalagyada iyo kordhinta wax-soo-saarka beeraha.
Ol’olahaan ayaa yimid kadib markii la arkay in wax-soo-saarka degmada Ceelkari uu aad u badan yahay, taas oo keentay baahi loo qabo ilaalin xooggan oo ka dhan ah cayayaanka iyo cudurrada dhirta.
DA-yada ayaa loo diray dhammaan tuulooyinka iyo beeraha muhiimka ah, iyagoo adeegsanaya buufin iyo dawooyin lagu xakameeyo cayayaanka waxyeelleeya dalagyada kala duwan.
Xafiiska Beeraha ayaa sheegay in ujeeddada ol’olahani tahay:
Ilaalinta dalagyada beeraha 🌾
Yaraynta khasaaraha ka dhasha cayayaanka 🐛
Kordhinta tayada iyo tirada wax-soo-saarka 🌱
Taageeridda beeraleyda degmada Ceelkari 👨🌾
Sidoo kale, beeraleyda ayaa lagu booriyay inay si dhow ula shaqeeyaan DA-yada isla markaana ay raacaan tilmaamaha lagu siiyo isticmaalka buufinta si ammaan ah.
08/05/2026
🌄 DEGMADA CEELKARI IYO KHEYRAADKA DALXIISKA EE DABIICIGA AH 🌄
Degmada Ceelkari, oo ka tirsan gobolka Afdheer, waa deegaan Alle ku manaystay qurux dabiici ah ,Waa dhul buuraley ah oo leh cimilo qabow, muuqaal soo jiidasho leh, iyo jawi deggan oo ku habboon dalxiis, nasasho iyo maalgashi mustaqbal leh.
🌿 KHEYRAADKA DABIICIGA AH EE CEELKARI
Degmadu waxay leedahay goobo dabiici ah oo aad u muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
🏔️ Buuro joog sare leh oo leh cimilo qabow iyo hawo nadiif ah
🌾 Dhul daaqsimeed ballaaran iyo dooxooyin qurux badan
📸 Muuqaal dabiici ah oo sawir-qaadis iyo dalxiis ku habboon
🤝 Deegaan nabdoon oo martida soo jiita
💡 FURSADAHA DALXIISKA
Haddii si xeel dheer loo qorsheeyo loona maalgeliyo, Ceelkari waxay noqon kartaa xarun dalxiis oo muhiim ah oo heer gobol iyo heer qaranba gaarta. Waxay abuuri kartaa:
👷 Shaqooyin cusub oo dhalinyarada ah
📈 Koboc dhaqaale iyo ganacsi
🏗️ Horumar kaabayaal adeegyo (roads, hotels, services)
🌍 Kor u qaadista sumcadda gobolka Afdheer
🏛️ DOORKA HORUMARINTA
Dowladda iyo Xisbiga Barwaaqo waxay si joogto ah u dhiirrigeliyaan horumarinta dalxiiska iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah, taasoo Ceelkari ka dhigaysa fursad dahabi ah oo horumar degdeg ah lagu gaari karo.
🌟
Ceelkari waa hanti dabiici ah oo qarsoon, una baahan qorshe, maalgashi iyo ka faa’iidaysi dhab ah. Haddii la horumariyo, waxay noqon kartaa mid ka mid ah meelaha dalxiiska ee ugu soo jiidashada badan gobolka Afdheer iyo guud ahaan Itoobiya.
🌿🏔️ Ceelkari = Qurux Dabiici ah + Fursad Horumar 🌄
06/05/2026
🎉⚽️ TARTAN CIYAAREED OO LOO QABTAY DHALINYARADA CEELKARI ⚽️🎉
Musharraxiinta Xisbiga Barwaaqo ee degmada Ceelkari ayaa qabtay tartan koob ah oo loogu talagalay dhalinyarada degmada, si kor loogu qaado isdhexgalka bulshada, dhiirrigelinta ciyaaraha, iyo horumarinta kartida dhalinyarada.
Tartankan ayaa noqday mid si weyn u soo jiitay ka qeybgalka dhalinyarada, waxaana lagu arkay tartan xiiso leh, is ixtiraam, iyo wadajir ka dhex muuqday ciyaartoyda iyo taageerayaasha.
Musharraxiinta ayaa sheegay in ay ka go’an tahay taageeridda dhalinyarada iyo abuuridda fursado ay ku horumariyaan hibadooda, iyagoo balan qaaday in ay sii xoojin doonaan barnaamijyada noocan oo kale ah mustaqbalka.
06/05/2026
🚨 BREAKING NEWS | CEELKARI 🚨
Musharraxiinta Xisbiga Barwaaqo ee ka sharaxan degmada Ceelkari ayaa kulan ballaaran oo muhiim ah la qaatay bulshada degmada, halkaas oo si rasmi ah loogu soo bandhigay qorshayaasha ol’olahooda doorasho iyo waxqabadka ay damacsan yihiin haddii ay helaan kalsoonida shacabka
Musharraxiinta oo ka kala socda heer Federaal iyo heer Deegaan ayaa si cad u sheegay in mudnaanta koowaad ay siin doonaan horumarinta adeegyada bulshada, waxbarashada, beeraha iyo mashaariicda aas-aasiga ah ee degmada Ceelkari.
Kulanka waxaa hoggaaminayay Mudane Xasan Sheekh Yuusuf (musharrax heer Federaal ah oo ka sharaxan Ceelkari, Iimey-galbeed iyo Raaso), Mudane Shugri Xasan Bare (musharrax heer deegaan ah oo ka sharaxan Ceelkari), iyo Marwo Maryan Maxamed oo ah musharrax xildhibaanad ah, kuwaas oo dhammaantood bulshada u ballan qaaday horumar muuqda iyo adeegyo tayo leh oo laga hirgeliyo degmada.
Sidoo kale, musharraxiinta ayaa si rasmi ah u daahfuray tartanka kubadda cagta ee xaafadaha degmada Ceelkari, iyagoo kooxaha ciyaaraha ku wareejiyay dhar iyo kubbado si loo taageero dhalinyarada iyo dhiirrigelinta isboortiga.
Bulshada Ceelkari ayaa si weyn u soo dhoweeyay kulanka, iyagoo muujiyay taageero iyo xiiso la xiriira ol’olahaan siyaasadeed.
04/05/2026
Waxaa xarunta gobolka afdheer ee magaalada hargeelle ka qabsoomaya daahfurka ololaha Doorashada Xisbiga barwaaqo.
Munaasabad ay isugu Soo baxeen dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga barwaaqo ee magaalada hargeelle ayaa waxaa kasoo qaybgalay musharixiinta Xisbiga barwaaqo ee degmooyinka gobolka iyo hogaaminta kaladuwan.
Ujeedada isku Soo baxan ayaa ahaa daahfurka ololaha Doorashada 7aad ee Xisbiga barwaaqo waxaana halkaas waxqabadka Xisbiga ee 5ta sano iyo qorshaha lagu xoojinayo dadaaladi h**e ee 5ta sane Soo socota kusoo bandhigay musharixiinta Xisbiga barwaaqo sidoo kale taageerayaasha ayaa dareenkooda ku muuniyay isku Soo baxa balanqaadayna inaysan jirin cid ama Xisbi lagu doorsan karo Xisbiga barwaaqo ee waxqabadkiisa la tijaabiyay.
17/04/2026
Taariikh: 8/8/2018 T.I
Waxaa Khamiis kasta dugsiga hoose/dhexe Dhaqane Abukor laga qabtaa tartan aqooneed toddobaadle ah oo loogu talagalay horumarinta iyo dhiirrigelinta ardayda.
Si loogu kuurgalo habsami u socodka tartankan, waxaa maanta kormeer ku soo sameysay Madaxa Xafiiska Waxbarashada Degmada Ceelkari, Marwo Nasro Maxamed Xuseen.
Intii uu socday kormeerku, waxay si gaar ah u dhiirrigelisay ardaydii ugu fiicneyd ee ka qeyb qaadatay tartanka aqooneed, iyadoo ku boorrisay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda waxbarasho.
Sidoo kale, iyadoo ku ammaanaysa maamulka dugsiga iyo barayaasha, ayay tilmaantay in sida ugu wanaagsan ee loo xaqiijin karo heerka fahamka ardayda ay tahay in la joogteeyo tartanka aqooneed, maadaama uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu cabbiro laguna kobciyo aqoonta ardayda.
01/04/2026
waxaa qoraalkan bartiisa Facebook Soo dhigay gudoomiyaha degmada ceelkari Ahmed deeq gaabow
Waxaan layaabanahay indho adeega ay lasoo taagan yihiin xubnihii hogaanka u ahaa xukuumadi dad qalatada aheyd ee uu illhy nadhaafiyay isma laheyn nimanki dadka deegaanka xasuuqayay, dhacayay, kutakrifalayay awooda dowladnimada ayaa dib u hadli hadii loo ogolaaday inay kunooladan xornimo
Waxyaabaha aysameenayeen waxaa ugu wacnaa jaahilnimada sababto ah malaheyn Qorshe umada loogu adeego, malaheyn Qorshe umada lagu hormarinayo, k**a fikireynin mustaqbalka dadka ay masuuliyada uhayeen waxaa umuuqatay kaliye awooda ay marka heysteen waxay ahaayen indho kugaraadleyal fursadi ay heleen iyaga isaga ciyaaray meeshi ay dadka ku kasban lahaayeen hormar waxay kadoorbideen inay shacabka kukasbadaan dil, dhac, kufsi, iyo xuquuq la,aan
Shacabka deegaanka heer waxay gaadhsiiyen inay cabashadooda qarsadan sababto ah hadii ay sheegtan waxa k**aqan ama ay ubaahanyihiin waa ladhibaateyn jiray
Anaga degmo celkari ahaan ma iloobeyno waxa ay nagu sameeyeen sababto ah qaabdhismeedki hogaminta degmada ee ladib curasheeyay waa nalaga tirtiray heer deegaana waa nalaga tirtiray macnaha hogaminta celkari ee dib curashada gashay dhowr bilood markay shaqeeyeen waa laga wada qaaday xilalki dad kale ayaa lagu meeleyay
Dhowr jeer ayaa degmooyin cusub laqeybsaday waa. nalaga reebay tacadiyo iyo dhac lama soo koobi karo shacabkuna way samreen cabashadoodi marki ladhageysan wayay
Illhy ayaa mahad iskaleh asga ayaa isbadalka noo keenay xukumad iyo xisbi xariyatol qolka fasaxday, dhageysata cabashada shacabka kadibna mid uga jawaabta
Cabashadi noogu darneyd waa nalooga jawaabay waxaana qaabdhismedka degmoyinka lagu daray degmada shakisa
Mashariic waa weyn ayaa laga fuliyay degmada
Waxaan halkan uga mahad celinayaa. Madaxwaynaha deegaanka mudane Mustafe muhumed omar oo markasta utaagan hormarinta shacabka deegaanka iyo dalkaba Waxaan heysana madaxweyne aqoonyahan ah ka,go,antahay inuu