waxaa la soo gaaray xilligii qurbajoogta ay sameysan lahaayeen xisbsiga qurbajoogta soomaaliyeed
Somali Diaspora Party - SDP
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Somali Diaspora Party - SDP, Political organisation, Birmingham.
SPDC WAA GUDDI SOOMAALIYEED OO DHEXDHEXAAD AH OO AQOONSAN LABADA QARAN; SOOMALIYA IYO SOOMALILAND. WAXUUNA DOONAYA DABAYAAQADA 2016 . AMA HORAANTA BISHA JANAWARI 2017 LABADA DAWLADOOD EE WALAALAHA AH AY KUWADA KULMI DOONAAN MID KA MID AH CAASIMADA LABADA WADAN MIDKOOD.
Nasiib wanaag, soomalidu deeqaha illaah u siiyey waxaa ka mid ah in uu ku abuuray goob adduunka kaga begaan geeska afrika, Dhulkas oo leh kheyraad kala duwan sida : dhulbeereyd lagu tacbi karo dalagyo kala duwan, bad baaxadeedu weyntahay, iyo hawo aad u macaan iyo qorax laga heli karo vitamin D u roon diabeytikaa iyo dhiig karka iyo cuduro kale oo malaha kansarka uu ka mid yahay. Deeqahaas faraha badan ee saxan saxadu ugu h**eeyso ee la siiyey sanku neeflaha soomaaliga ah.haddaba, sow ma wanaagsan walaalaha qurbaha ku noool in lagu shukriyo nimcadaas innagoo caruuteyna u sharaxeyno dhulkooda iyo afkooda hooyo iyo wanaaga ay leedahay isku duubnida iyo kala danbeynta inagoo isku dan ah!
WAXAAN SHACABKA SOOMAALIYEED U RAJEYNAYAA IN AY NOQDAAN SIDII SHACABKA TURKISHKA OO KALE.
Waxaan shacabka soomaaliyeed u rajeynayaa in aay noqdaan sida shacabka Turkiga oo kale 'AAMIIN'
SHACABKA IYO SHARCIGA
Laga soo bilaabo 1960 waxaa laysku haysatay sidii somaaliya u heli lahayd maamul wanaag, ay shacabka soomaaliyeed ku faraxsan yihiin oo gaara gobolada iyo degmooyinka dalka oo idil , nasiibxumese , weli waxaa ku jirnaa muran ka taagan sidoo loo heli lahaa mamul federal ah oo qanciya shacabka ku nool gobolada dalka oo idil.
Maamuladii soomaliya soo wada maray oo idil weli lama hayo maamul ka fekera sidii adeega guud dalka loo wada gaarsiin lahaa , taana waxaa lagu heli Karaa , maamul sharciyeysan oo ku dhisan sinaan iyo cadaalad . Maamulka maanta jira siyaasadda dibadda waxaad moodaa in uu ku guuleysatay , hase ahaatee, waxaa ku adkaatay siyaasdadda arrimaha gudaha , taasina waxaa ugu wacan fahan la’aanta siyaasadda federallka ee la xiriirta waxsoosaarka dhaqalaha gobalada sidii loo kala loo maareyn lahaa , maamulkan waxuu ku takrifalay guud ahaan dakhligii gobolka Benaadir taasina waxay keentay in ay si sahal ugu tuntaan maqaamkii shacabka ku nool Muqdisho, isla markaana loo diido shacabka gobolka benaadir in ay ka mid noqdaan xubnaha Aqalka Sare.
Federaalka waxuu gobolada soomaliya iyo shacabkooda u fuduneenayaa is - maamul ku dhisan dhaqan wadaag ku saleysan Federaal. . Soomaliya uma baahna maanta aqal kale, waxaa ku filan saddex hayadood ee dawlihga ah: Gole shacabka, golaha wassirada iyo golaha sare ee madaxtooyada.sideedaba dawlad soomaliya ma yeelan karto Aqal sare . saa waxay ku dhisan tahay qaab qabiil ee loo yaqaan 4.5.
Dawladda Goboleed iyo siyaasadda federal isma qaadi karaan . maxaa yeelay , waddadii federaalka ee 18ka gobolka ay soomaliya ka koobnaan lahayd waxaa loo rogay dawlad goboleed , halkii laga rabay in gobol weliba awood ahaan uu iskii isu taago, (Regional Autonomy ).
Waddankana u yeeshay hal madaxweyne soomaliya u horseeda siyaasad ku saleysan sinaan iyo cadaalad gaarta gobol weliba. Sharcigoo loo hogaansamo iyo shacabkoo cadaalad helo ayuu fedelaaka soomaliya ku saleysan yahay. Hase ahaatee, xildhibaanda soomaaliyeed kaalinta looga bahnaa k**a aysan soo bixin, tusaale ahaan:
Sida xildhibaanda caalamka oo kale haddey xubnaha xildhibaanada federaalka soomaliyeed ay matali lahaayeyn degmooyinkooda marnaba ma dhacdeyn in xildhibaanda soomaaliyeed hortooda la keeno mooshin la xirrira (Aqalka Sare )oo lagu burburinaayo jiritaankooda, taassoo macnaheedu yahay in la dhantaalo wada shaqeynta iyo is fahamka xubnaha goloha shacabka ee ee ka soo bilawday waqtigii imbigaati , Kenya sanadkii 2000.
Muddo 12 sanno ka badan,ayeynu sharuucda isku qab -qab saneynay iyo dawlad ku meel gaar ah . maanta oo lays ku diyaarinaayo doorashadii madaxweynaha waxaa soo baxay fikirkaan cusub ee aqal sare oo malaha ka soo dhex guuxay shaqsiyaad xukun doon ah oo aan daneynin danta guud ee shacabka soomaaliyeed una horseedayo dawlad tabayare oo ka kooban dawlad goboleedyo.
Gebi ahaan Aqalka sare , , waxay ina xusuusineysaa maahmaadi carbeed ee ahayd:- ‘ Anigoo qatyaan ka taagnaa Abahey , ayuu Aabahii ii keenay AAbahiis ‘
Taasi waxaan ula jeedaa anigoo kuwii h**e ku dhibaneyn ayaa waxaa noo keynteyn aqal sare . Haddi aan laga maarmi Karin in la dhiso Aqal sare , waxaa aqal sare noqon kara Golaha shacabka ee haatan jira ee masuulka ka ah sharuucda dalka, iyo shacabka soomaaliyeed labaduba.
Soomaliya maanta waxaa ku filan hal aqal , Aqalkaasna waa golaha shacabka oo ah aqalkii shalay soo doortay madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud, waxay aqalka haatana diyaar u yihiin sidii loo dooran lahaa madaxweynaha cusub ee 2016 -2020, hase ahaatee, waxaa loo baahan yahay in cid weliba oo mas’uul ah ay darajeyso danta Guud ee dalka , Iyadoo Gobolada qaarkood masiirkooda kor loo qaadayo , qaarna la inkirayo masiirkooda caasimad awgeed, sida Gobolka benaadir oo kale.
Ugu danbeyn, xildhibaanda soomaliyeed waxaa looga fadhaa in ay badbaadiyaan Sharciga soomaliyeed iyo shacabka soomaaliyeed laduba , qaabka badbaadadaa lagu heli karana , waa in ay hal Sanno ku darsadaan si ay u dhicin madaxweyna iyo gole danbe oo isla dhaca , islamarkaana u doortaan Madaweyne Somaaliyeed ee aan hagardaamo ku sameyneynin sharciga iyo shacabkiisa.
Hadaba, Guddiga joogtgada ee golaha Shacabka waa in ay si deg deg u bilaabaan hawshoodo dastuuriga ah ee diiwaan gelinta xisbiyada doonayo ka qeyb galka doorasho tooska ah ee loogu tartamayo madaxweynaha soomaaliya ee sanadka 2016-2020 ee ka dhaceyso bisha August 2016 xarruunta Golaha shacaka ee Muqdisho/Soomalya.
Guddiga Fulinta ee xIsbiga qurba - joogta soomaaiiyeed waxuu idiin soo jeedinayaa wadiiqo fudud ee lagu fulin karo doorashada Madaxweynaha ee 2006.
in xildhibaanada federaalka loogu daro Muddo Laba sano ah isla markaana , ay doortaan madaxweynaha cusub.
SHACABKA KU NOOL SOOMAALIYA WAXAY MID NOQON KARAAN MARKA KUWA KU NOOL QURABAHA AY MIDOOWAAN
Soomaliya maanta asxaab badan uma baahna, balse waxay u baahan tahay aqool siyaasadeed oo lagu badbaadin karo dhaliinyarada soomaaliyeed meel welba ay ku nool yihiin. soomaaliya waxaa ka jira kara laba xisbi , waa xisbiga qurba joogta soomaaliya ee somali dispora party iyo xisbiga qorax jooga soomaaliyeed.
WAXAAN UGU BAAQAYAA SHACABKA SOOMAALIYEED EE KU NOOL DIBADDA AY KU MIDOWBAAN MAGACOODA, MAALKOODA IYO MEHERADOODA MEEL ALLE MEESHA AY JOOGAAN.SI LOO HELO SHARAFTII AAN LAHAAN JIRNAY!
DOORASHADA 2016, WAA HAWL U TAAL XILDHIBAANADA SOOMAALIYEED, BALSE, MARKA H**E WAA IN AY KA KEENAAN MOOSHIN LA XIRIIRA ' WAA IMMISA DEGMOOYINKA RASMIGA EE SOOMALIA, 1, MA 89 DEGMAA?MA 90 SHAN DEGMAA?MISE WAA 91DEGMO.
GUDOOMIYAHA XISBIGA QURBA JOOGTA SOOMAALIYEED WAXUU KA CODSANAYAA XILDHIBAANADA SOOMAALIYEED IN AY U SHAQEEYAAN SIDA XILDHIBAANADA CAALAMKA OO KALE, SI LOO FULIYO HIIGSIGA 2016 EE DOORASHADA 2016, XILDHIBAANADA SOOMAALIYEED WAA IN AY ISKA TUURAAN SHAARKA QABIIKA, KUNA BEDELAAN SHAAR KU QORAN DEGMADA AY KA SOO JEEDAAN.
Like Comment Share
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Culinary Team
Attire
Website
Address
B100SE
