06/06/2025
Osman med
Osman med
06/06/2025
06/06/2025
πππ_πππππππ πππ5
Ilaahey ha inaga aqbalo Acmaasha wanaagsan iyo Fadliga maalinta, Ciid Wanaagsan Dhamaan Ehel asaxaab Caafimad iyo nabad ku ciida.
Ciidaan ciideeda Rabi Samo iyo nabad ha inagu gaarsiiyo idim ilaahey I.a π€²
Hello there! Let's continue building our community with interesting discussions and engaging posts.
12/08/2021
manager
Engineer
Muuqa Curubta Codka Malabka Dhaxda Cugane Taakada is Celin Qoorta Canabka Cabaadhayahe Liyo Carfiga Udugaa Wey Cudoonto Caadi Maaha
QAAD BAAN U NACAY
QALANJADEYDII
β€ Qeybta 1aadβ€
Sheekadaan waxay ka dhacday magaalada Hargeysa, waana
sheeko murugo badan o kusaabsan qaadka dhibka u leeyahay
mararka qaar wuxuuba ku ilowsiyaa awalka qofka kugalay iyo
Jaceylka qofka aad u qabto!!!.
Cabdi yare wuxuu ahaa wiil kibir badan ahna dadka kufaana
lacagta ay leeyihiin waalidkooda, Cabdi yare wuxuu ahaa
dadka balwada leh balse ka qariya walidkooda, Cabdi yare
wuxuu saaxiib la ahaa gabar la yiraahdo Nasra oo iyadu ah
dadka faqiirka ah, cabdi yare waa uu bulsho badna waxayna
saaxiib ahaayen cumar yare wuxu aha wiil dabecad wanagsan
o sojidasho leh mana aha dadka balwada leh.
Waxaa dhacday habeen habeenada ka mid ah Cabdi yare
isagoo kasoo baxay maqaayad uu ku qayilaayey o kusii jeeday
gurigiisa ayaa gaariga u wadatay kaga qaraabay wadada
waxayna ahayd habeen 12:00 am wax geerish ah k**a
dhoweyn agtisa isagoo garan laβ meel uu aado ayaa
gadaashiisa waxaa ka soo baxay gaari yar oo qurux badan isla
markii wuxuu iskudayay Cabdi yare inuu gaari joojiyo si uu isii
qaado, gacantu ayuu u haatiyay nasiib wanaag gaari wuu
istaagay waxuuna hadalka kubilaabay walaal h**e ma isii
kaxeenkarta gaariga iga haleysane?
Cabdi yare ma fileenin in
gaariga wadato gabar markii ay dejisay murayada gaariga
wuxuu arkay gabay aad uqurux badan Cabdi yare wuxuu la
indha sarcaaday gabadha quruxdayda cabaar buu amusna
asagoo egayaa, gabadhii intee yaabtay be waxay kutiray walaal
gabar weligaaga ma arag miyaa gaari wadatay side wax ka
yihiin e maxaa kuqabtaa?
Cabdi yare: oh sorry huuno gabar gaari wadata iguma cusba
balse waxaa la indha sarcaaday quruxdaada!.
Gabadha: hhhh raga waa lagu yaqaanaa amaanta dumarka e
maxan kuqabta dantada ka hadal?
Cabdi yare: ok huuno gaariga iga qaraabay h**e ma isii
dhaweynkarta adigo raali ah?
Gabadha ayadoo dhoola cadeeneeso o kaftameeso ee waxay
kuturay ragu waa waraabee amaad ula jedo kale wadata?
Cabdi yare: hhhhh waa runtaa taa been k**a sheegin balse
raga iskumid maha 5 farood Alle masim!.
Gabadha: ok warka badan jooji ee gaariga soo fuul!.
Cabaar intii wadada lagu jiray ayaa waxa dhexmaray Cabdi
yare iyo Gabadha kaftan badan wixii la kaftamaba waxaa lasoo
gaaray Cabdi yare gurigiisa.
Cabdi yare: huuno waad mahadsantahay balse magacaaga
isheeg adigo rali iga ah?
Gabadha: adiga mudan walaal magaceyga waa Deeqa.
Cabdi yare: ok barasho wanaagsan ana magacayga wa Cabdi
yare e talefoonkaga ma isheegikarta si aan kulasoo xiriiro?
Deeqo: sorry talefoon malihi walaal ee
ee hadaan nasiib isku
leenahay waan wada kulmi doonaa mar labaad.
Cabdi yare: ok bye habeen wanaagsan.
Deeqa: habeen lamid ah.
Cabdi yare wuu dareemay in Deeqa lambar sidato belse
udiidantahay taasni waxba uma arag wuxuuna niyada ka
dhahay hadaan gabadhaan calaf isku leenahay waan is
arkidoonaβ¦β¦β¦..
Lasoco Qaybta 2aad
Fadlan pageka like saar siina share garey comments
osmanmed
19/09/2019
Kaliya waxaan rabaa inaan ahaado ruux faraxsan oo farxad iska dareema
Taasina waa sababta ugu weyn ee aaan udoonayo inaan kaaga fogaado waaa macquul fohaanshahaas aaan kaa fogaanayo inaad uqaadato inaan ku necbahay balse kuma necbi
Sababta aaan kaaga fogaanayo ayaan doonayaa inaan kuu sheego
Marabo inaan sabab unoqdo dheeeli kudhaca noloshaada intii aaan anigu sabab unoqon lahaa waxaan doorbidayaa inuu qofkale sabab unoqdo waaayo marabo inaan xariijin dhaawac ah gaadhsiiyo qalbigaaaga
Marka aad doonayso inaad maankaaga iyo qalbigaaga ka tirto qofka aad jeceshahay xasuusuhu waaa kuwa ugu h**eeya ee kuu diidaya inaad qofkaasi ilawdid
Qalbiyadeena iyo masxadeenaba inay wax jeclaadaan amase ay dareemaan balse waxaynu ka hor istaagi karnaa inay wixii ay inay wixii ay jeclaadeen amase ay dareemeen ay wehel lasii ahaadaan kadib marka ay waayaan
MAXAAD U GUURSAN LA'DAHAY ?.
Guurka ayey ka daahday, dadkuna waxey ku badiyeen "Goormaa Guursanee iyo maxaad u Guursan la'dahay?", si ay su'aalahaas jawaab ugu hesho ayey ugu dambeyntii Guur isku fahmeen Nin aysan si fiican ula dhacsaneyn, balse ay u aragtay in uu Nin la'aan dhaamo.
Guri ayey wada degeen, waxaase ku adkaatay in ay Nolosha isku fahmaan, waxeyna ku fikirtay iney Furriin ka dalbato, waxaase u Cuntami weysay in Garoobnimo doorato. Sidaas ayeyna ilaa iyo maanta ugu jirtaa Nolol Cadaab ah oo aysan ku Faraxsaneyn, ayse u aragtay in ay iskaabulannimo iyo Garoobnimo u dhaanto.
Horaa loo yiri:- Geedkii Orod lagu koro, Orod ayaa looga degaa, ee Guurka waad ka daahday iyo goorma ayaad Guursanee?, ama wey guursadeen Saaxiibadaada yeysan noqan sababo Guurka kugu dedejiya. Ha u Guursan in aad Kelinnimo dareemeyso iyo Cadaadis Qoys dartiis. Qofkana ha u Guursan dhaqaalo dartiis waayo Guurka Ganacsi maaha.
Guurku waa go'aanka ugu adag Noloshaada ee si fiican uga fiirso, waayo waxaad Xulaneysaa qofkii aad la wadaagi laheyd inta kaaga harsan Noloshaada. Guurso maalintii aad u aragto iney tahay Maalintaadii, ee aad hesho Qof aad Diin, Dabeecad iyo Dadnimo ku dooratay. Guurso markii aad hesho qof aad Nolosha isku fahmi kartaan. Guurso maalintii aad hesho Qofkii aad ku Riyooneysay, Noloshana kaaga dhigi kara Janno Adduun oo aad ku Raaxeysato, illaahna Talo saaro. mr osman med
14/09/2019
Qeybtii 19aad.
Asad: Waxaa la sameynayaa, inaad joogto, oo Xamzaha la baray uu yahay
midkeedii h**ey ayaa loo sheegayaa, kadibna waad is guursaneysaan?
Aniga: taasi waa waxaan weligeed dhici doonin.
Marka aan sidaa lahaa, oo aan diidamada muujinayay igama ahayn inaan Istar
nacay oo aan ka samray, si aksta oo aan ku heli karo waan sameyn lahaa,
haddana waxaan mar walba ka fekerayay sida ay noqon doonto nolosha
saaxiibkey, waxaan is tusay in maadama ay nolosheeda h**ey u guul darreysatay
oo aan ku dhowaa xiligaasi inaan wax walba iska ilaawo, aan tan saaxiibkey
dhiso.
Si kastaba diidmadeyda ma noqon, mid aan ku guuleystay, waayo Asad isagaa
diiday in Istar qof aan aniga ahayn uu guursado, isaga oo eegaya Jaceylka
baaxada weyn oo ay ii heysay iyo sida uu isaga isku samir siin karo, maadaama
uusan wax jaceyl ah u heyn oo ay ahaayeen laba qof oo waalid un uu isku
keenay, waxaana ugu dambeyn uu saaxiibkey Asad i ogoleysiiyay inaan
jaceylkeygii h**e dib u hanto, oo aan la aqal galo, sidaas ayaana isku raacnay.
Aniga iyo Asad, ayaa maalin ballanay si aan ugu tagno Istar, oo wax walba loogu
sheego. maalintii ballanta oo ahayd Jimce, ayaa marti qaad balaaran waxaa lagu
sameeyay guriga Istar.
markii la isku yimid oo saddexdeena aan qol ku kullanay, ayaa cabitaan kadib
waxaa sheekadii furay Asad, oo yiri "Istarey, waxaad igaga warantaa Xamza, sida
uu noloshaada ku ahaa, iyo hadaad hesho wax aad dareemi lahayd", intay wejiga
hoos aadisay, ayay cod daciif ah ku tiri "Asadow, ma murugadeeda ayaad iska
jeceshahay, maxaad qisadaas ii xusuusineysaa", Asad ayaa isaga oo ka farxinaya
yiri dabadeed, "murugadaada ma jecliyee, maanta farxadaada ayaan wadaa"
"hee, Xamza maad soo aragtay" ayay lasoo booday, markaasuu inta qosol la
dhacay yiri "haa waan arkaa Xamza, adna wada aragtaa", 'maxaad ka wadaa"
ayay haddana tiri, markaasuu inta warka shaaca ka qaaday ku yiri "Istar,
Xamzaha ku hor fadhiya, waa Xamzahaaga oo dib kuugu soo noqday".
intaa kadib ayaan aniga hadalka qaatay bal si aan u iraahdo erayo ay igu
garaneysay, misna codkeyga aan u fahamsiiyo anoo dhahahaya "haye
quruxleyda, Xamza waa aniga, waana kuusoo laabtay".
markii ay intaas maqashay ayay durbaba garatay, inaan ahay qaaligeedii, kadibna
intay fadhiga si deg deg ah uga soo kacday ayay isku key duubtay.
qiyaastii in ka badan 30 daqiiqo, ayay sidaasi iigu duubneyd, ayada oo
ilmeyneysa, waxa kaliya ee afkeeda kasoo baxayayna ay ahaayeen, "Maxaad
igaga fogaatay, xabiibi", anan waxaan lahaa "wax walba way qornaayeen inaan
isku soo laabanana way qorneyd".
Intaa kadib waxaa halkaasi aniga iyo ayada nagu dhex martay sheeko aad u
dheer, oo aan isaga warameynay wixii dhacay, wax walba waan ka raali geliyay,
waxaana saamaxaadeeda gacan ka geysanayay Asad, oo sidoo kale ugu bishaareeyay Istar in isaga uu ka tanaasualy arooska, oo jaceylkii kala irdhoobay
uu dib isugu ogolaanayo. warkaasi wuxuu noqday mid farxad ku beeray qalbiga
Istar oo ay aad ugu riyaaqday.
Istar ayaa sidoo kale ii sheegtay in arooskii dhaqtarka ee qasabka ahaa oo
cideeda ay wax la wadeen uu ku baaqday, markii isaga uu safar deg deg ah ugu
baxay dalka Jarmalka oo uu degenaa, kadibna aan miriqdiisa la arag.
waxa ay ahaataba maalinkaasi waxa uu ahaa maalinkii farxadda Istar iyo aniga.
Istar wax ay mar walba igu soo cel celineysay, hal weer oo ahayd "Gacaliye mar
dambe ha iga fogaan", anna waxaan lahaa "taas waa ballan ee niyadda kheyr u
sheeg".
Waxa uu kullankeena ku dhaamday si guul iyo farxad ah, mar ay tahay casir
gaabkii ayaan guriga kasoo baxnay, Aniga iyo Asad, waxaanse aad ula yaabay oo
aan ka naxay, mar alaale markii aan albaabka kasoo baxeynay, ayaan waxaan la
kulanay gaari albaabka markaas soo istaagay, waxaana kasoo degay saddex nin.
si fiican ayaan u eegay, waxaana ka aqoonsaday dhaqtarkii Istar daweeyay.
waxay igu noqotay arrin lama filaan ah, markii aan gartay ayaan wejige dhinac
kale aadiyay si uusan ii aqoonsan, kadibna sadexdii ninba guriga Istar ayay
galeen, ani iyo Asadna waan iska soo tagnay, waxaan is weydiiyay wax dhaqtarka
soo celiyay, marbay igu noqotay wax u eg dhalanteed, oo aan is iri waa
indhahaaga, haddana waan xaqiijiyay in indhaheyga aysan been ii sheegeynin,
aniga oo aad u fekeraya ayaan aniga iyo Asad iska soo tagnay................
La soco qaybta xigta ..........
Sidoo kale SHARE dheh siday u gaarto Asxaabtaada kale
MENTION dheh qof aad jeceshahay inuu kula aqristo sheekadan .
14/09/2019
Qeybtii 18-aad.
Waxaan go'aan ku gaaray inaan aado oo aan inta uu arooska Istar iyo Asad ka
dhacayo isaga maqnaado Dalka UK , si aan uga baaqsado inaan caqabad ku
noqdo arooskooda, waayo nolosheeda ayaa h**ey u bur burtay mana jecleyn
inaan tan saaxiibkey Asad baa bi'iyo, sidaasi, ayaana go'aan ku gaaray.
Intii aan aniga ku maqnaa qorshaha aan ku qaban qaabaniyay safarkeyga dalka
Ingiriiska, ayaa saaxiibkey Asadna, waxa uu ku maqnaa raadinta arrimaha aniga
iyo Istar. si kastaba waxaan ku guuleystay in muddo afar maalmood gudahood ah
aan ku diyaariyo safarka, waxaana xitaa ka qariyay Asad, waayo waxaan ogaa
inay iman doonaan su'aalo badan, uuna sinnaba u ogolaan lahayn.
Subax ay tahay arbaco, khamiisna aan is lee yahay bal dhoof, ayaa saaxiibkey
Asad hurdada iga toosiyay xilli ay saacadda sii mareyso sideedii subaxnimo,
intaan dhinac isku gediyay ayaan eegay mise waaba Asad, markaasaan inta soo
fariistay ku iri "saaka, adigii hurdada saaxiibka u ahaa baaba i toosinayee, maxaa
jira?", waxba hadal badan iima gelinee waxa uu warka iigu koobiyay "orod biyo
isku soo shub, isna diyaari", "waa yahay" intaan dhahay, ayaan haf kasoo iri
sariirta, qubeys iyo is diyaarin kadib ayuu igu yiri "ina keen", waxaana uu ii
kaxeeyay oo uu i geeyay gurigooda kadib waxaa na dhex martay sheeko dheer
oo u dhacday sidan:-
Asad: horta Xamzow xalay ka hor waxaan kuu heestay saaxiib wanaagsan, laakiin
waa kaa hoos baxday, maxaad waxaan oo dhan igaga qarisay?
Aniga: Hee saaxiibow, maxaa dhacay?, maxaan kaa qariyay?
Asad; Waxaad iga qarisay noloshaada dhabta ah iyo wacadaraha aad aduunka
kusoo martay
Aniga: oo sidee?, oo hadda miyaadan wax ka ogeyn nolosheeda?
Asad:maxaad igaga qarisay, wixii h**ey idiin dhex maray adiga iyo Istar Jaamac
Dheere, ama haddaan si kale u iraahdo Istarta aan guursan rabo.
Markii uu su'aashaasi i weydiiyay ayaan aad u naxay, oo aan fadhiga ka kacaya,
anoo oranaya, "adiga maxada sameysay yaaq, yaa ku yiri arrimahan tix raac,
waan ku baryayaa Asad, waxaas waa tageen waqtigooduna wuu idlaaday ee dib
ha u raacin?
Asad: dib ha u raacin maxay tahay, wax walba oo noloshaada ku saabsan waad
iga qarisay, mideeda kale waxaad sameysay ma ahan wax loo dul qaadan karo,
gabadhaas Istar ahna godob ayaad ka gashay, imisa sano ayaad nolol la'aan
dhigtay ma garanee?, waxaan ku moodaya nin nolosha wax ka fahamsan laakiin,
jaahil baad ka tahay dhankaas.
Aniga: laakiin aniga wax walba dareteed ayaan u sameeyay, iyo caafimaadkeeda?
Asad: taas caafimaad lama dhaho, haduu dhaqtarka sidaa sameeyay, waxaa kugu
filneyd odoo aniga isoo waca, islamarkaana inta is kaashano aan gabadha
dibedda kusuoo daweyno, markaad nolosheeda bur burineysay, middda kale ma
la socotaa indha la'aan ay kugu hesho, ayay ka doorbideysaa, ayada oo araga
kugu weysa.
Aniga: hadda waxaas waa ay dhaceen, anigana sidaa uma fekerin, ee waxaan ku
su'aalay adiga sidee baad kusoo ogaatay arrintan, ma ayadaa wareysatay, oo
waxaan ahay u sheegtay?
Asad: aniga ilaa iyo hadda ayada waxba uma sheegin, markay Xamzahan yaa
waayay iga bad badisay, ayaana ku iri "maxay tahay saameyta uu kugu lee
yahay", way ka dhego adeegtay, laakiin ugu dambeysan wax walba oo
nolosheeda ku saabsan way ii sheegtay, sidaa ayaana ku ogaaday in Xamzaha
gabadha waalay aad adiga tahay.
Aniga: waa ok, hadaadan waxba u sheegin haddana gabadhaas way iska key
ilowday ee waxba ha u sheegin waan ku baryayaaa, taasaan kaa codsanaaa, si
guurkiina uu u dhaco?
Asad: hadaad mooday inay ku ilowday, walaahi baysan xitaaa toban sano hadda
dhiman ku ilaawi doonin, ileen waxaad gabadha uga tagtay, qalbigeeda dhabta
ah ayaadan fahmin, mideeda kale guur baad ka hadleysaa, gabar Xamza
qalbigeeda ku qufalan yahay miyaa nolol i isiin karta aniga?
Aniga: si kastaba gabadhaas noloshaas dib ha u xasuusin, hadda inay iska key
ilowdo ayay ku dhowdahay'e, adna nolol cusub oo farxad badan sii.
Asad:Istar, inaad joogto inay ogaato waa lagama maarmaan, waxaana kuu
sheegayaa, aniga xalay ayaanba nolosheeda iyo arooskeeda go'aan ku gaaray
inaan ka tanaasulo.
Aniga:oo maxaa marka la sameynaa?
Asad;, waxaa la sameynayaa, inaad joogto, oo Xamzaha la baray uu yahay
midkeedii h**ey ayaa loo sheegayaa, kadibna waad is guursaneysaan?
Aniga: taasi waa waxaan weligeed dhici doonin.
La soco qeybta 19-aad Berri insha Allaah.
Share sii oo la wadaag asxaaabta mention axsaabtada
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Website
Address
Osman Med
London
DJIBOUTI
Opening Hours
| Monday | 9am - 5pm |
| Tuesday | 9am - 5pm |
| Wednesday | 9am - 5pm |
| Thursday | 9am - 5pm |
| Friday | 9am - 5pm |
| Saturday | 8am - 5pm |
| Sunday | 8am - 5pm |
