Dr idil hasan

Dr idil hasan

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr idil hasan, Nairobi.

09/11/2022
14/09/2022

Waxaa jira noocyo badan oo naafo ah. Naafanimadu waa xaalad wax ka beddesha habka qayb ka mid ah jidhka loogu talagalay inay u shaqeyso. Naafadu waxay saamayn kartaa habka uu qofku u nool yahay noloshiisa iyo la macaamilka aduunka ku hareeraysan. Naafada waxay noqon kartaa mid maskaxeed ama jireed waxayna noqon karaan kuwo la arki karo ama aan la arki karin.
In ka badan hal bilyan oo qof ayaa ku nool nooc ka mid ah naafanimada. Macluumaadka ku saabsan naafada kala duwan ee dhallaanka, socod baradka, carruurta, iyo dhallinyaradu waxay noqon kartaa mid adag. Waxaan bixinaa macluumaad ku saabsan naafonimada buuxda ee carruurta, oo ay ku jiraan daahitaanka korriinka, naafonimada waxbarashada iyo khalkhalka. In kasta oo kani aanu ahayn liis dhamaystiran oo dhammaan naafada ah, waxaan rabnaa inaan muujino qaar ka mid ah naafanimada caadiga ah

12/08/2022

‏”لقد كانت مواساتي لنفسي دائماً، أن الله ما أحدث لي أمراً إلا لخير، وما أشقاني إلا ليرضيني، وما أبكاني إلا لِأتلذذ بطعم الفرح، وما حرمني إلا ليعوضني، وما أخذ مني إلا ليعطيني، وما جعلني أقطع طريقاً طويلاً ومظلماً إلا ليعلمني أن الشمس تغيب وأنه من الضروري أن أحمل نوراً في قلبي”

12/08/2022

Dhaqtar Soomaali ah oo lagu gowracay dalka Pakistan

Dr. Abdul Rehman, oo ka yimid Soomaaliya islamarkaana wax ka baranayey qeybta qalliinka ee Jaamacadda, ayaa Arbacadii waxaa isaga oo la gowracay meydkiisa laga helay musqul ku taalla hoolka Jamal Bhutta oo ah halka ay degan yihiin dhaqaatiirta ee Isbitaalka Nishtar Hospital.

Dr. Abdul Rehman ayaa deganaa qolka No.17 isaga iyo dhaqtar kale oo ka yimid Soomaaliya oo lagu magacaabo Dr. Abdul Azizi, wuxuuna isku diyaarinayey qeybta koowaad ee qalliin tijaabo ah oo uu sameyn lahaa.

Waxaa sidoo kale qolka la deganaa dhaqtar Pakistani ah oo lagu magacaabo Dr Ghulam Muhammad iyo kaaliyihiisa Muhammad Ijaz.

Booliska ayaa xiray Dr Abdul Aziz iyo Muhammad Ijaz markii ay baaritaanka billaabeen.

Madaxa booliska magaalada Multan, Khurrum Shehzad Haider ayaa wargeyska Dawn u sheegay inay hadda ballaariyeen baaxadda baaritaanka, waxayna su’aalo weydiinayaan dhaqaatiir dhowr ah oo ka shaqeysa isbitalka.

Khurrum ayaa sheegay in tuhunsanaha ugu weyn uu yahay Dr. Abdul Aziz oo Soomaali ah, sababtuna ay tahay in markii su’aalaha la weydiiyey uu sheegay hadallo isburinaya.

Waxa uu intaas ku daray inay hadda sugayaan natiijada baaritan lagu sameeyey meydka, si ay u ogaadaan xilliga iyo sababta rasmiga ah ee dhimashada.

Dilka dhaqtarka ayaa cabsi xooggan iyo argagax ka abuuray Nishtar Hospital, ayada oo la isweydiinayo sababta loo beegsaday iyo habka naxariis darrada ah ee loo dilay.
Caasimada

12/08/2022

Asc akhayaaray warmaa

Want your business to be the top-listed Government Service in Nairobi?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Culinary Team

Attire

Website

Address

Nairobi