Waxaan aad ugu Faraxsanahay in aan Xerada Tababarka Gt9aad Degmada Xudur kusoo booqday cutub cusub oo jadiid Ciidanka XDS kusoo biiray kaas oo waqti dhow qayb ka noqon doona dib u xoraynta dalka iyo gulufka lagu baacsanaayo argagixisada Khawaarijta Alshabaab ee ragaadiyay Ummada Soomaaliyeed.
Wiilasha iyo gabdhaha aadka u dhiiran waxaan uga mahadcelinaayaa doorashada ay soo doorteen kusoo biirista safka Ciidanka XDS iyo dadaalada dib u xoraynta Dalka.
Guul iyo Gobonnimo Ciidanka XDS.
Ibrahim Mohamed Mohamud.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
24/04/2026
Berdaale, Bay
Hambalyo XDS
Agoonta Shuhadada Ciidanka XDS oo ah Ubax u soo baxaya dalkaan iyo dadkaan waxaan leeyahay adinkana Hambalyo wiilashaydii iyo gabdhahaygii waxaana ballan qaadeenaa in aan markaste ka shaqaynayno sidii aad u heli lahaydeen daryeelka aad mudantihiin.
Aabayaashiin waxay kamid yihiin dadka ugu qiimaha badan bulshada, waxayna ku shahiideen wadadii xaqqa ahayd waligoodna ummada Soomaaliyeed waa ay xusuusan doontaa inshallah.
Qorshooyin badan oo aad u wanaagsan oo ku saabsan daryeelka agoonta ayaa jiri doona oo waqti dhow hirgalintooda ay bilaaban doonto taas oo aan rajaynaayo in ay qayb wayn ka qaadayo kor u qaadista daryeelka aad xaqa u lahaydeen inshallah.
Deegaanka Mubaarak oo Shacab iyi Ciidan isku garab yihiin. Allaah ayaa Mahadaa leh.
رَبَّنَا تَقَبَّلْ مِنَّا ۖ إِنَّكَ أَنتَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ
Allaha idin soo fududeeyo howlaha adag ee idin horyaala, waana idinkaga Mahadcelinaynaa doorashadiina aad soo doorateen in aad kusoo biirtaan safafka mujaahidiinta Ciidanka XDS.
Allaa Mahad leh!
08/03/2026
Hambalyo!..
Guul iyo Gobonnimo Ciidanka XDS.
25/02/2026
Maanta waxaa noo qabsoonay Kulan muhiim ah oo Ujeedadiisuna ahayd Dib u habaynta iyo Horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale Howlaha kale ee Hortabinta u leh waqtiga dhow Taliska Ciidanka XDS.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Westwoodpark Road
Nairobi
000505
