Marka - Kaytoy Agriculture Secondary School
This is the official page for Marka-Kaytoy Agriculture Secondary School.
21/04/2026
Dugsiga sare beeraha ee Marka waxaa si toosa uga bilowday howlaha qiimeynta baraatikada ardada galaysa imtixaanka finalka ee sanad Dugsiyeedkii 2025/2026. Ujeedada howlaha baraatikada waa in la qiimeeyo aqoonta iyo xirfadaha beereed ee ardayga taasoo ku saabsan:
1. Diyaarinta Dhulka
2. Beerista dalagga iyo
3. Maaraynta koritaanka dalagga.
Hadaba ardayga 30% dhibcaha imtixaankiisa wuxuu ka helayaa practical assessment from land preparation up to harvesting time.
Good luck 🤞
06/04/2026
Waxaa maanta taariikhdu tahay 06/04/2026 lagu soo bandhigay dugsiga sare beeraha ee Marka howlo baraatika qaar ka mid ah ardada fasalada F1 iyo F2. Howlaha baraatikada ee lagu soo bandhigay beerta tijaabada Iskuulka isla markaana ardada si weyn uga faideysteen ayaa waxaa ka mid ahaa:
Sweet potato planting,
Spacing control,
Irrigation and
field hygiene.
Ardada waxaa ka muuqday dareen hawlkarnimo iyo firfircooni ayagoo step by step ula socday sharaxaadda macalinka.
19/03/2026
Maamulka iyo macalimiinta dugsiga sare beeraha ee Marka waxay dhammaan umadda muslimiinta gaar ahaan soomalida ugu hambalyeeynayaan meel waliba ay caalamka ka joogaan munaasabada ciida fitriga. Wuxuu maamulka Allah uga baryey in uu ka aqbalo dhammaan Muslimiinta Soonkii, Salaaddii, Sadaqadii iyo guud ahaan cibaadooyinkii ay gudanayeen bishii barakeysneyd ee Ramadaan.
Sidoo kale, wuxuu Alle uga rajeeyay in uu sanadkan sanadkiisa kale ku gaarsiiyo nabad, caafimaad iyo barwaaqo.
**Ciid Mubaarak!**
25/02/2026
Maanta waxaa Paratiko dhanka maadada Technology loogu faa'iideeyay Ardayda fasalka form one . Ardayda ayaa si wanagsan ugu faa'iideystay sharaxaada iyo tijaabooyinkii kala du duwanaa ee fasalka lagu soo bandhigay.
Qaar ka mida hadal jeedinta madaxdii iyo masuuliyiintii ka soo qeybgashey xafladii lagu sagootinaayey ardada minxada waxbarashada ka heshay dalka Ethiopia, taasoo lagu qabtay xarunta dugsiga Sare Beeraha ee Marka taariikhdu Marka ay ahayd 15/01/2026.
01/02/2026
Maamulka iyo Maclimiinta Dugsiga Sare Beeraha Marka waxey hamblyo iyo bogaadin ay udirayaan dhammaan Ardayda Dugsiga sare beeraha marka ee ka soo gudbay imtixaanka dhexe ee sanad dugsiyeedka 2025_2026 ,waxey si gaar ah ay ugu hambalyeenayan ardayda kaalimaha h**e galay.
Hamblyo Hamblyo Hamblyo Hamblyo
29/01/2026
Asc, Ugu dambeyn waxaa si nabdoon ku safar tagay ardada dugsiga sare beeraha shalay ka ambabaxday Aadan Cade international airport Muqdishu kuna socday Adis-Ethiopia. Alx.
26/01/2026
Maanta oo ay taariikhdu tahay 26/01/2026 Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha lyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa munaasabad sagootin ah u sameeyay ardayda Dugsiga Sare Beeraha Marka oo deeq waxbrasho ah ka helay dalka Ethiopia.
17/01/2026
DUGSIGA SARE BEERAHA MARKA wuxuu xaflad sagootin ah uu u sameeyey maalinimadii khamiista taariikhduna ahayd 15/01/2025 ardayda kaalimaha ugu h**eeya ka galay imtixaanka qaranka ee sanad dugsiyeedka 2024_2025 . Ardaydaan ayaa waxay waxbarasho dibadeed ( scholarship) ka heleen wazaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee soomaaliyeed.
14/01/2026
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 14/01/2026 usoo idlaaday ardada wax ka barata dugsiga Sare Beeraha ee Marka imtixaanka teeramka koowaad ee sanad dugsiyeedka 2025_2026. Waxay dhammaan macalimiinta iyo maamulka u rajeeyeen ardada guulo wanaagsan.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Contact the business
Telephone
Address
Mohamed Yussuf Haji Avenue
Mogadishu
Opening Hours
| Monday | 08:00 - 17:00 |
| Tuesday | 08:00 - 17:00 |
| Wednesday | 08:00 - 17:00 |
| Thursday | 08:00 - 17:00 |
| Saturday | 08:00 - 17:00 |
| Sunday | 08:00 - 17:00 |
