Mohamed Abdirahman Gure

Mohamed Abdirahman Gure

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Mohamed Abdirahman Gure, Garowe.

28/01/2026

Gudoomiyaha gobalka Mudug Faysal Sheikh Ali Jifo-jabsade ayaa maalintii 6-aad oo xiriir ah ku sugan deegaanka Roox, Sidoo kalena Hamaynkiina ku hoyda halkaasi isagoo dedaal ugu jira sidii xal waara looga gaari lahaa dhibaato dhawaan halkaasi ku dhex madhay dad walaalo ah.

Photos from Mohamed Abdirahman Gure's post 01/02/2024

Bilowga mashruuca buundada Garoowe, oo aynu in badan la sugaynay, isla markaana si weyn loo dhaweeyey, waxa uu qeyb weyn ka qaadanayaa isku xidhka magaalada, fududeynta isku socodka iyo bilicadda magaalada.

Intaa waxaa dheer, dhismaha buundada Garowe waxay astaan u tahay amniga iyo horumarka bulshadeena, iyadoo siinaysa marin ammaan ah dhammaan, gaar ahaan kooxaha nugul sida gabdhaha wax ka barta jaamcadaha iyo goobaha kale waxbarashada iyo dumarka isticmaala buundada sidoo kale dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan oo khataro la kulma xiliyada daadadka iyo xili roobadka.

Diyaarinta naqshadda buundada Garoowe waxay la kulantay caqabado dhawr ah, taas oo kordhisay muddadii la filayey in ka badan intii loo qorsheeyey. Caqabadahan ayaa ka dhashay arrimo kala duwan:

Khibrad la'aan dhawaan: Deegaanada Puntland ama Somalia ma aysan samayn mashruuc la mid ah 50kii sano ee la soo dhaafay, taasoo qasabtay in dib loo qiimeeyo xeerarka dhismaha iyo heerarka. La qabsiga tilmaamaha caalamiga ah, sida halbeegyada Ingiriiska (British’s codes), Eurocodes, iyo ASHTO halbeegyada Ameerika, ayaa saldhig u ah dhismaayasha wadooyinka iyo buundooyinka. Dalkasta Mid gaar u ah ayuu sameystaa iyagoo tix raacaya tilmaamaha caalamiga ah, waxay keeneen caqabad weyn sababtoo ah dalka Somalia malahan xeerar u gaar. Waxaa muuqatey baahida loo qabo in la hubiyo u hoggaansanaanta hab-dhaqannada dhismaha casriga ah.

Macluumaadka aasaasiga ah ee xaddidan: Ururinta xogta saxda ah ee buundooyinka jira iyo cabbirradooda, naqshadayntooda waxay caddeeyeen inay adagtahay, Xogla,aanta aasaasiga ah ayaa caqabad ku noqotay horumarinta xeerarka naqshadaynta ee ku salaysan culayska baabuurta isticmaasha wadooyinka, buudooyinka iyo qaababka isticmaalka ama wado maris, Waxa xusid mudan in baaburta xamuulka qaada ay iyagu jaangoystaan culayska ay saarayaan.

Buundadaan waxaa naqshadeeyey in ka badna 2 shirkadood oo shaqalasiiyey lataliyaal caalami ah si ay u horumariyaan naqshadeynta buundada. Ka dib, dib u eegis dhamaystiran oo naqshadaynta ayaa la sameeyay si loo xaqiijiyo u hoggaansanaanta xeerarka iyo hirgelinta isbeddellada lagama maarmaanka ah.

Nooca buundada Garowe waa prestressed bridge waxaa la- isticmaalayaa tignoolajiyada casriga oo tayo ahaan sareeya iyo hufnaanta dhismaha, qaab-dhismeedka ka soo baxa wuxuu si fiican u adkeysan karaa cadaadiska. Si kastaba ha ahaatee, si loo xaqiijiyo fulinta mashaariicda la midka ah kan mustaqbalka, waxaa lama huraan ah in dowladu ay dejiso xeerar dhisme oo dhamaystiran iyo xeerar ku habboon baahiyaha deegaanka badqabka bulshada si loo abuuro kaabayaal adag oo waara.

Waxaa so jeedinayaa in laga sameeyo daraasaad dhibaada iyo khataraha ku xeeran dalkeena iyo bulshada.

Guul iyo Hormar Garowe

29/01/2024
08/01/2024

Maanta, waxaa Puntland ka dhacday doorasho lagu wada qancay mucaarad iyo shacab, waa leys-kugu hambalyey laona aqbalay si daag furan, madax weynaha dowladda Puntland, Siciid Abdullahi Dani.

Warqad lagu sheegay in ciidanka Danab ay ka soo baxay oo lagu tilmaamay in aysan dahab aqbalin doorashadii dhacdey, lla maahan mid lagu qoray maskax fayoow, waa mid suurad xumeeyneysaa caasimadda Garowe iyo Puntlad guud ahaan,

Nin jecel iyo nin aan jeclaynba doorashadii waa dhamaatey, waalagu wada qancay, waxaa aqblay murashaxiin ay ka baxdey in ka badan 10M sidoo kale Campaign ku soo jirey dhowr Sano, ogaalkey danab murashax ma maahayn ,

Ciidanka waxaa Kula talin lahaa ay siyaasada ka dhex baxaan, oo uu ku mashquulaan difaaca iyo abniga Puntland. Siyaasaddan waxa u leenahay mucaarad, xisbiyo, iyo goloyaal dowladeed kale duwan, Hase yeeshee, waxii tabasho ciidan ah oo ku saabsan ciidanka qaab kale ha loo maro.

Garowe ma qaadi karto colaad iyo dagaal aan macno lahayn, waxaana lagu hiigsanayaa hormar baaxad weyn.
Allow Guulee abnibadantii Garowe ahayd

08/08/2023

Eebbe ha,u Naxariisto Ayeeyo Nadifo Cali Botan,oo saaka geeriyootay. Samir iyo imana allah ha inaga siiyo
Waxaan si gaar ah ugu tacsiyaynayaa dhamaan reer Abdiqadir xayrdaac
Halima Luul Xeyrdaac Samatar, ahmed Ali Ahmed Ali Gelle, Tumun Abdiqadir

20/07/2023

Garowe city

27/06/2023

CIID WANAAGSAN

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta caalamka ugu hambalyaynaynaa Munaasabada Ciidul Adxaa. عيدكم مبارك

Photos from Mohamed Abdirahman Gure's post 18/06/2023

Waxaa maanta ka qeyb galay madal tababar loogu furayey xirfadlayaal caafimaad oo ka shaqeyn doona degmada Garoowe iyo tuulooyinka hoostaga degmada .
Mashruucan oo horey degmada Garowe uga dhisey 5 wado oo laami ah iyo buundada Garowe oo dhawaan bilaaban doonta ayaa hadana ka shaqeyn doona hormarinta caafimaadka

Nagaad Project
SURPII
Guul iyo Gobanimo

06/06/2023

Magaalada Garoowe waxaa siweyn uga socda mashariicda hormarinta jidadka, oo si casriya loo dhisayo .
Waxaa Sido kale dhawaan bilaaban doona Buundada Garowe

Guul iyo Gobanimo

Photos from Mohamed Abdirahman Gure's post 04/06/2023

Sharaf bey ii ahayd in aan maanta ka qeyb galay kulun lagu so bandigayey balaarinta iyo biyo macaaneynta GAROWE (Garowe water supply Project ) oo aan ka shaqeyney hal sano iyo bar hadana meel Gabo Gabo maraya, waxaan u rajeynayaa dadka weynaha reer Garowe in ay helaan biyo Nadif ah, jaban sidoo Kalana ay kaga maarmaan biyo badan oo ay kharash ku baxshaan

Garowe one tap water

20/04/2023

Caasimada Dowlada Puntland #

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Culinary Team

Attire

Address

Garowe
256