Kheeyre Yare

Kheeyre Yare

Share

public figure

01/03/2026

🚨Hoos ka aqriso inta dal ay Iran weerartay iyo tirada gantaalada loo qeybiyay ilaa hada.

Qubrus 🇨🇾
2 gantaal

Cumaan 🇴🇲
3 drone

Baxrain 🇧🇭
45 gantaal
9 drone

Ciraaq 🇮🇶
7 gantaal iyo 7 drone

IsraIl 🇮🇱
200+ gantaal
100 drones

Jordan (Urdun) 🇯🇴
13 gantaal
36 drones

Kuwait 🇰🇼
7 gantaal
2+ drones

Qatar 🇶🇦
66 gantaal

Saudi Arabia 🇸🇦
2 gantaal iyo 2 drone

Syria 🇸🇾
2 gantaal

Imaaraad 🇦🇪
140 gantaal
270 drones

Xisaab xir | Febraayo 28 ilaa Maarso 1, 2026
465+ gantaal
457+ drones
922+ Tirada guud

28/02/2026

Weriye sare istaahil oo sidi wax u dhaceen noo sharaxeysa😆

28/02/2026

DEGDEG: Qaraxyo culus ayaa markale laga maqlay Abu Dhabi. Iran ayaa qaadeysa weerarro saameeya gobolka oo dhan.

Ali Adan Mumin

28/02/2026

oo qiiqaysa kadib Weerar Gantaalo oo ay IRAN ku qaaday.

28/02/2026

Wakaaladda wararka AFP, ayaa hadda ku warrantay in qaraxyo culus ay ka dhaceen Qudus, ka dib markii Iiraan ay gantaallo ku weerartay dhulka ay Israa'iil heysato.

28/02/2026

DEG-DEG: Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqdey in caawa ay qaadeyso weerar ay ku garab-istaageyso Iiraan kadib markii ay duulaan kala kulantey Israa'iil iyo Mareykanka oo wada socda. Kooxda reer Yemen ayaa sidaan oo kale waxay h**ey u fulisay howlgalo ay u adeegsatay sawaariikh ay ku garaacdey faras-magaalada Tel Aviv.

28/02/2026

Raysal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay in ay saaka duullaan ku qaadaan Iran kaas oo uu sheegay in looga gol lee yahay sidii meesha looga saari lahaa nidaamka Kacaanka ee uu hoggaamiyo Ayatullaahi Cali Khamenei.

Netanyahu waxa uu tilmaamay in talada lagu soo celin doono Shacabka reer Iran sidoo kalena aan Tehran laga ogolaan doonin in ay haysto gantaalaha ridada dheer ee halista ku ah gobolka bariga dhexe.

Xiisadda labada dhinac ayaa sii xoogaysanaysa waxana laga cabsi qabaa in dagaalku uu noqon doono mid sii baaha oo ka sii fida inta uu hadda ku sugan yahay.

Gallaydh TV

28/02/2026

Ilo Iiraani ah ayaa sheegay in nidaamyada difaaca hawada ee Iiraan la hawlgeliyay, si ay uga hortagaan weerarro ay ku tilmaameen “gardarro Maraykan–Israa’iil ah”.

Wararku waxay tilmaamayaan in difaacyada hawada laga hawlgeliyay meelo kala duwan oo dalka ah, iyadoo ciidamada Iiraan ay sheegayaan inay la tacaalayaan duqeymo iyo gantaallo meel fog laga soo ganay.

Illaa hadda ma jiro bayaan rasmi ah oo faahfaahinaya baaxadda weerarrada ama khasaaraha ka dhashay, balse xaaladdu waa mid aad u kacsan.

28/02/2026

Laba qaraxa oo waaweyn ayaa lagu soo warramayaa in laga maqlay Koonfurta Israel ka dib markii ay Iran bilowday weerarkeedii rogaal celiska ahaa ee ay ku beegsanaysay Israel.

28/02/2026

Gantaallada Iiraan ayaa beegsanaya dhammaan dhulka ay heysato Israa’iil, halkaa oo laga shiday nidaamka digniinta weerarrada.

28/02/2026

Wargeyska New York Times, ayaa isagoo xiganaya sarkaal Mareykan ah, wuxuu weriyey in diyaaraddo dagaal oo Mareykan ah oo ka duulay saldhigyo ku yaalla bariga dhexe iyo markab dagaal inay fulinayaan weerarrada ka socda gudaha Iiraan.

28/02/2026

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa baahisay in Hoggaamiyaha sare ee dalka Iran Ayatullaahi Cali Khamenei in aanu ku sugnayn magaalada Tehran ka dib markii halkaas ay beegsadeen diyaaradaha dagaalka ee Israel iyo Maraykanka.

Khamenei oo ahaa bar tilmaameedka koowaad ee Maraykanka ayaan ilaa hadda la shaacin goobta uu ku sugan yahay.

Xogo h**e loo hayey ayaa tibaaxaya in hoggaamiyahani uu u baxsan karo Shiinaha haddii ay xaaladdu adkaato.

Gallaydh TV

Want your business to be the top-listed Government Service in Nairobi?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Nairobi