Dawlad nimada Puntland iyo horumarka Gobolada Sanaag iyo Highland
Dawlad Puntland waxan ku faraxsanahay, gaar ahaan sida ay Gobolada Sanaag iyo Highland u gaarsiisay oo ugu daadejisey dawlad nimada isla markaana horumar la taaban karo. Uga hirgelisey
Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay in mashaariic badan oo muhiim ah ay ka socdaan goboladan. Sanaag iyo highlan
Mashaariicda socda:
1. Wadada Ceeldaahir – Cerigabo: Waxay hadda sii gelaysaa magaalada Badhan.
2. Maxkamadaha:
maxkamadii Badhamed ayaa si casri ah loo dhisay oo hadda shaqaynaysa.
Maxkamadii Dhahareed ayaa meel gebogebo ah maraysa.
3. Qaybaha Police-ka:
Qaybta Police-ka ee gobolka Sanaag ayaa si casri ah loo dhisay, waxaana hadda ku shaqeya taliska qaybta Police-ka gobolkaSanaag.
Qaybtii Police-ka gobolka Highland magaalada Dhahar ayaa meel gebogebo ah maraysa.
4. Mashaariicda kale ee socda:
Dhismaha madax tooyada dawlada oo si heer sare ah looga dhisayo magaalada Badhan.
Dhismaha 3 kastam cashuured oo si casri ah looga dhisayo lagana hirgelinayo degmooyinka kala ah: Badhan, Hadaaftimo, iyo Baraagaha.
Amniga iyo dalxiiska:
Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay in dawladu hawlaha amniga, gaar ahaan hawlgalka , isu diyaarisay, si mar dhow oo xor ah oo argagixiso ka caagan aan u aragno. Shacabkeena reer Puntland ugu dalxiisaan dhulkooda quruxda badan, waxaana sidoo kale iman doona dalxiisayaal caalami ah oo ku dalxiisi doona mashaariicda horumarka.
Waxan h**e ugu fekeri jirey oo riyooyinkayga ka mid aha inan arko Puntland oo Gobolada Sanaag iyo Highland dawlad nimadeeda gaarsiisa, oo Al-Shabaab ka caagan ama laga sifeeyey, waxaana illaahay ka baryi jirey mar uun inan arko Calmadow oo argagixisada laga xoreeyey. Haddana waxay umuuqata in Ilaahay riyooyinkaygii iirumayno.
Guud ahaan:
Waxan ugu baaqayaa shacabka Puntland inay dawladooda ilaashadaan, garab istaagaan, la shaqeeyaan, isla markaana wax kasta oo khaldan si tartiib tartiib ah loo saxo.
Sigaara waxan ugu adkaynaya rer Sanaag iyo Highland dawladiina Puntland idinka dhistay idinkana iska leh ee ilaashada oo la,shaqeeya laabtana usii daaya
Wa Bilaahi Towfiiq.
Qalinkii:
Jamaal Abdi Hassa
Jamal Abdinaasir
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Jamal Abdinaasir, Political Party, Salalah.
09/12/2025
Want your business to be the top-listed Government Service in Salalah?
Click here to claim your Sponsored Listing.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Salalah
