Somali Embassy in Islamabad- Pakistan

Call Website

Somali Embassy in Islamabad- Pakistan Embassy of the Federal Republic of Somalia, Islamabad.

13/08/2026

PAKISTAN INDEPENDENCE DAY

Mogadishu | 14 August 2026

On the occasion of the 79th Independence Anniversary of the Islamic Republic of Pakistan, the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia extends its warmest congratulations to the Government and people of Pakistan, reaffirming Somalia's commitment to strengthening bilateral cooperation and friendship between our two nations.

Ministry of Foreign Affairs, Islamabad Office of the Spokesperson, Mofa Pakistan
Somali Embassy in Islamabad- Pakistan

For more details, contact:
Mohamed Mahmud Allaale
Communications Department
Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation
Federal Republic of Somalia
Email: [email protected]
Twitter:
Somali Page: Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Safiirka J.F.S ee Pakistan Mudane Sheikhnur Mohamed Hassan oo ay weheliyaan dibloomaasiyiinta Safaaradda ayaa ku soo dho...
06/08/2026

Safiirka J.F.S ee Pakistan Mudane Sheikhnur Mohamed Hassan oo ay weheliyaan dibloomaasiyiinta Safaaradda ayaa ku soo dhoweeyey Safaaradda wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Dawladda Federalka Soomaaliya, Mudane Ahmed Moallim Fiqi oo safar shaqo u jooga dalka Pakistan.

Wasiirka safarka waxaa ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya General Cabdiwahaab Cabdillaahi Cumar, Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya Brigadier General Abdirisaq Mahamud Haji iyo xubno kale oo la-taliyayaal isugu jira.

Danjire Sheikhnur ayaa Wasiirka iyo wafdigiisa la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda dalka, xiriirka labada dal iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Pakistan.

Safiirka J.F.S ee Pakistan, Mudane Sheikhnur Mohamed Hassan iyo Xoghayaha Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Pakistan(Additi...
04/08/2026

Safiirka J.F.S ee Pakistan, Mudane Sheikhnur Mohamed Hassan iyo Xoghayaha Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Pakistan(Additional Secretary-III in the Ministry of Defence) Admiral Amir Mahmood, ayaa maanta si diirran ugu soo dhoweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Islamabad wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadhaandhiga Soomaaliya, Mudane Ahmed Moallim Fiqi.

Wafdiga Wasiirka safarka waxaa ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya General Cabdiwahaab Cabdillaahi Cumar, Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya Brigadier General Abdirisaq Mahamud Haji iyo xubno kale oo La-taliyayaal iskugu jira. Waftigu waxay u yimaadeen shir rasmi ah oo ay la yeelanayaan dhiggooda Dalka Pakistan iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada wadan.

Wasiirka ayaa ka mahadceliyey soo dhowaynta iyo wada shaqaynta diiran ee labada dal.

Safiirka J.F.S. ee Pakistan, Mudane Sheikhnur Mohamed Hassan ayaa maanta ku qaabilay Safaaradda qoraaga buugga RESCUING ...
03/08/2026

Safiirka J.F.S. ee Pakistan, Mudane Sheikhnur Mohamed Hassan ayaa maanta ku qaabilay Safaaradda qoraaga buugga RESCUING THE US RANGERS Mogadishu 3rd October 1993 – A Pakistani Account, Mudane Sarmad Zia.

Kulanka ayaa looga wada hadlay dedaalkii, cilmi-baaristii iyo xogihii la xiriiray dhacdooyinkii Soomaaliya ka dhacay sannadkii 1993-kii, isagoo Safiirku bogaadiyey qoraaga dedaalkii uu ka sameeyey Soomaaliya iyo doorkii uu ka qaatay diiwaangelinta dhacdooyinkaas taariikhiga ah.

Ugu dambayn, Safiirka ayaa uga mahadceliyey qoraaga booqashadiisa, dedaalkiisa iyo nuqul ka mid ah buugga oo uu si gaar ah qoraagu ugu saxiixay Danjiraha, isla markaana hadiyad ahaan ugu wareejiyey.

Safiirka J.F.S ee Pakistan, Danjire Sheikhnur Mohamed Hassan iyo Prof. Dr. M. Iqbal Choudhary ayaa maanta si wadajir ah ...
31/07/2026

Safiirka J.F.S ee Pakistan, Danjire Sheikhnur Mohamed Hassan iyo Prof. Dr. M. Iqbal Choudhary ayaa maanta si wadajir ah u daahfuray wajiga 2aad (Phase 2) ee barnaamijka COMSTECH-CCoE Somalia Program, halka wajiga 1aad (Phase 1) uu ahaa 2023 kii. Kulanka waxaa kasoo qayb galay safiirro, diblomaasiyiin, madaxda jaamacadaha Dalka Pakistan iyo marti sharaf kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray fursadaha waxbarasho ee heerarka BS, Master's-ka iyo PhD-da, deeqaha waxbarasho si gaar ah fursadaha caafimaadka, Tiknooloojiga, Science-ka, xoojinta tababarrada iyo barnaamijyo kale oo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed, halka jaamacadaha Pakistan ay muujiyeen inay diyaar u yihiin xoojinta iskaashiga dhinacyada waxbarashada ee ay la yeelanayaan Soomaaliya. Safaaradda ayaa kusoo bandhigtay agabka hiddaha, dhaqanka iyo cunnada Soomaalida.

Ugu dambayntii, Danjire Sheikhnur Mohamed Hassan ayaa uga mahadceliyey Prof. Dr. M. Iqbal Choudhary iyo hay'adda OIC-COMSTECH dadaallada ay ku bixiyeen hirgelinta, qabanqaabada iyo daahfurka barnaamijka.

Safiirka J.F.S ee Pakistan, Mudane Sheikhnur Mohamed Hassan, ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Azerbaijan ee Dalka P...
29/07/2026

Safiirka J.F.S ee Pakistan, Mudane Sheikhnur Mohamed Hassan, ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Azerbaijan ee Dalka Pakistan isagoo soo dhowayn ka helay dhiggiisa Danjiraha Dalka Mudane Khazar Farahadov.

Labada Danjire ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka dibloomaasiyadda, wada shaqaynta iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal. Safiirka J.F.S ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Danjiraha Jamhuuriyadda Azerbaijan soo dhoweynta iyo wada-shaqeynta wanaagsan.

Safiirka J.F.S ee Pakistan, Danjire Sheikhnur Mohamed Hassan iyo Dibloomaasiyiinta ayaa maanta xarunta Safaaradda J.F.S ...
14/07/2026

Safiirka J.F.S ee Pakistan, Danjire Sheikhnur Mohamed Hassan iyo Dibloomaasiyiinta ayaa maanta xarunta Safaaradda J.F.S ee Pakistan kusoo dhoweeyey Wasiir Khadija Mohamed Al-makhzoumi oo safar shaqo ku joogta Magaalada Islamabad ee Dalka Pakistan.

Danjiraha ayaa Wasiirradda uga warbixiyey guud ahaan xaaladda wadanka Pakistan, bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka, iyo Wasiir Khadija oo dhankeeda bogaadisay guud ahaan shaqada Safaaraddu hayso.

Ugu danbayn Wasiir Khadija ayaa uga mahadcelisay Safiirka soo dhowaynta diiran.

Safiirka J.F.S ee Pakistan, Mudane Sheikhnur Mohamed Hassan, ayaa booqasho ku tegey Xarunta Wasaaradda Arrimaha Guddaha ...
09/07/2026

Safiirka J.F.S ee Pakistan, Mudane Sheikhnur Mohamed Hassan, ayaa booqasho ku tegey Xarunta Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee dalka Pakistan, isagoo soo dhowayn ka helay Xoghayaha Dheeraadka ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Dr. Mohammad Shoaib Akbar.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, sidii loo fududyan lahaa isku socodka muwaadiniinta iyo kor u qaadista xiriirka saaxiibtinimo ee u dhexeeya labada dal.

Danjire Sheikhnur ayaa ugu mahadceliyey Xoghayaha Wasaaradda soo dhoweynta iyo wada-shaqeynta.

Safaaradda J.F.S. ee Pakistan, oo kaashanaysa Machadka Daraasaadka Istiraatiijiga ah ee Islamabad (ISSI) ayaa qabatay xa...
01/07/2026

Safaaradda J.F.S. ee Pakistan, oo kaashanaysa Machadka Daraasaadka Istiraatiijiga ah ee Islamabad (ISSI) ayaa qabatay xaflad lagu xusayo 66-guurada Maalinta Xorriyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku beegnayd 1-July-1960 kii.

Munaasabadda waxaa khudbado ka jeediyey Danjiraha J.F.S. ee Pakistan, Amb. Sheikhnur Mohamed Hassan, Senator Mushahid Hussain, Amb. Khalid Mahmood, Danjiraha Pakistan u fadhiya Soomaaliya iyo Jabuuti, Amb. Aqsa Nawaz. Sidoo kale waxaa ka qaybgalay safiirro, diblomaasiyiin, aqoonyahanno, bahda warbaahinta, masuuliyiin kale iyo xubno ka tirsan ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Pakistan.

Danjiraha ayaa uga mahadceliyey Mac-hadka ISSI, gaar ahaan Agaasimaha Waaxda Afrika, Bariga dhexe iyo Afghanistan (CAMEA), Marwo Amina Khan, wada-shaqeynta iyo martigelinta munaasabadda. Waxa uu sidoo kale Safiirku xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan.

Safiirka J.F.S ee Pakistan, ahna Safiirka aan joogtada u fadhin (Non-Resident Ambassador) dalka Bangaladesh, Mudane Shei...
25/06/2026

Safiirka J.F.S ee Pakistan, ahna Safiirka aan joogtada u fadhin (Non-Resident Ambassador) dalka Bangaladesh, Mudane Sheikhnur Mohamed Hassan, ayaa booqasho ku tegay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Bangaladesh, halkaas oo uu ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Waaxda Afrika, Mudane Abdur Rouf Mondol.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, isu-socodka iyo danaha wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Bangaladesh.

Ugu dambayn, Safiirka ayaa uga mahadceliyey Mudane, Abdur Rouf soo dhaweynta diirran iyo wada shaqaynta wanaagsan.

Address

House No. 129, Street 10, E-7
Islamabad
44000,PAKISTAN

Opening Hours

Monday 10:00 - 15:00
Tuesday 10:00 - 15:00
Wednesday 10:00 - 15:00
Thursday 10:00 - 15:00
Friday 10:00 - 15:00

Telephone

+92518443688

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Embassy in Islamabad- Pakistan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share