20/03/2026
Ciid Mubaarak
Islamabad 20-ka Maarso 2026
Safiirka J.F.S ee Pakistan Mudane Sheikhnur Mohamed Hassan waxa uu hambalyo diirran u dirayaa dhammaan ummadda Muslimka ah, si gaar ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Pakistan, munaasabadda barakaysan ee Ciidda. Illaahay ha naga aqbalo camalkii suubanaa, hana nagu gaarsiiyo nabad, xasilooni iyo barwaaqo sannadka soo socda.
07/03/2026
Somali Embassy in Pakistan Welcomes Iftar Gathering Celebrating SomPak Unity
The Embassy of the Federal Republic of Somalia in the Islamic Republic of Pakistan has welcomed the Ramadan Iftar dinner organized in Mogadishu by the SomPak Community for members of the Pakistani-Somali community.
The gathering brought together Somali professionals and scholars who pursued their higher education in Pakistan, reflecting the strong educational and people-to-people ties between the two countries. The event was honored by the presence of H.E. Abdisalam Abdi Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Mr. Ibrahim Guure, Director of Diaspora Affairs, and Mr. Mohamed Mahmud Allaale, Director of Communications at the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation, alongside members of the Pakistani diaspora residing in Mogadishu.
In his remarks, the Minister underscored the valuable role played by Somali graduates of Pakistani institutions in strengthening bilateral cooperation, expanding educational exchange, and nurturing the longstanding friendship between Somalia and Pakistan.
The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation also commended the SomPak Community for organizing the gathering and for their continued efforts in promoting people-to-people engagement. Held during the holy month of Ramadan, the event reflected the values of unity, dialogue, and solidarity while reaffirming the enduring bonds between the peoples of Somalia and Pakistan.
26/02/2026
Safiirka J.F.S ee Pakistan, Mudane Sheikhnur Mohamed Hassan, ayaa booqasho ku tegey Xarunta Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee dalka Pakistan, isagoo soo dhowayn ka helay Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Senator Talal Chaudhry.
Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo kor u qaadista xiriirka saaxiibtinimo ee u dhexeeya labada dal. Sidoo kale, waxaa diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha la xiriira diiwaangelinta booliska (Police Registration), dhibaatooyinka ay muwaadiniinta Soomaaliyeed kala kulmaan garoomada diyaaradaha iyo fududeynta habraacyada dal-ku-galka (Visa).
Danjire Sheikhnur ayaa ugu mahadceliyey Wasiirka soo dhoweynta diirran iyo wada-shaqeynta.
25/02/2026
Safiirka J.F.S ee Pakistan, Mudane Sheikhnur Mohamed hassan ayaa maanta ku qaabilay Xarunta Safaaradda, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya u fadhiya wadanka Pakistan, Mudane Oumer Hussein Oba.
Labada Danjire ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal. Danjire Sheikhnur ayaa uga mahadceliyey booqashada uu Safiirka Ethiopia ku yimid Safaaradda J.F.S ee Dalka Pakistan.
18/02/2026
Ramadaan Mubaarak.
Safiirka J.F.S ee Pakistan, Mudane Sheikhnur Mohamed Hassan waxa uu hambalyo iyo bogaadin diirran u dirayaa dhammaan Ummadda Muslimka ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Pakistan, munaasabadda billowga bisha barakeysan ee Ramadaan.
11/02/2026
Safaaradda J.F.S ee Pakistan ayaa si weyn u bogaadinaysa doorashada taariikhiga ah ee Soomaaliya loogu doortay xubinnimada Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (2026–2028), taas oo ka tarjumaysa kalsoonida ay dalalka Afrika u hayaan iyo horumarka diblomaasiyadeed ee dawladda.
Sidoo kale, Safaaraddu waxay ku hambalyaynaysaa Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed guushan muhiimka ah oo muujinaysa doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee nabad-dhisidda, amniga iyo xasilloonida qaaradda. Safaaraddu waxay mar kale xaqiijinaysaa ka go’naanshaheeda taageeridda himilooyinka qaran ee ku aaddan nabad, wadajir iyo horumar waara.
08/02/2026
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee J.F.S ayaa ku maamuustay Safiirka J.F.S ee Pakistan, Mudane Sheikhnur Mohamed Hassan waxqabadkiisa shaqo iyo gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed. Abaalmarinta waxaa guddoonsiiyay Safiirka, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Xaadow.
Wasaaradda ayaa uga mahadcelisay dadaalka ballaaran ee Safiirku sameeyay muddadii koobnayd ee uu ka ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Pakistan. Dhankiisa, Safiirka ayaa uga mahadceliyay Xoghayaha Joogtada ah iyo dhammaan mas’uuliyiintii kale ee ka soo qayb galay munaasabadda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen xildhibaanno, Safiirro, agaasimayaal iyo la-taliyayaal.
06/02/2026
PUBLIC STATEMENT
Mogadishu, 6 February 2026
The Federal Government of Somalia expresses its deep solidarity with the Government and people of the Islamic Republic of Pakistan following the explosion that occurred during Friday prayers near an Imam Bargah Mosque in the Tarlai area of Shehzad Town, on the outskirts of Islamabad, which resulted in at least 31 fatalities and 169 injuries.
Somalia extends its sincere condolences to the families of those who lost their lives and wishes a swift and full recovery to all those injured. The Government of Somalia strongly condemns all acts of violence targeting civilians and places of worship and reaffirms its solidarity with Pakistan in efforts to safeguard peace, security, and social harmony.
The President of Pakistan Ministry of Foreign Affairs, Islamabad
For more details, contact:
Mohamed Mahmud Allaale
Communications Department
Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation
Federal Republic of Somalia
Email: [email protected]
Twitter:
Somali Page: Wasaaradda Arrimaha Dibadda
24/01/2026
Soomaaliya iyo Pakistan oo Kala Saxiixday Heshiis Ka-dhaafaya Fiisaha Baasaboorrada Diblomaasiga ah iyo qodobo kale:
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan ayaa magaalada Islamabad ku kala saxiixday heshiis rasmi ah oo meesha ka saaraya shuruudda fiisaha ee baasaboorrada dibloomaasiga ah, taas oo xoojinaysa isu-socodka iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Heshiiska waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha dalka Pakistan, Mudane Asif Ali Zardari, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali - Xoosh iyo Danjiraha J.F.S ee Pakistan Mudane Sheikhnur Mohamed Hassan. Heshiiska Waxaa kala saxiixday Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Hamza Aadan Haadoow iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo La-dagaallanka Maandooriyaha ee Pakistan, Mudane Dawood Muhammad Baraech.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa Madaxweynaha Pakistan gaarsiiyay salaan iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Hassan Sheikh Mohamud, taas oo mar kale adkaynaysa go’aanka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah.
Martiqaadkan, oo ah kii ugu horreeyay ee rasmi ah muddo 35 sano ah, wuxuu bilaabayaa iskaashi cusub oo ku saabsan amniga, fulinta sharciga, la-dagaallanka maandooriyaha iyo horumarinta hay’adaha dowladda.
Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa Dowladda iyo shacabka Pakistan taageerada iyo soo-dhoweynta diirran, gaar ahaan naf-hurnimadii ay bixiyeen ciidamadii nabad-ilaalinta Pakistan ee ka tirsanaa hawlgalkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya sannaddihii 1993-1995, waxayna rajaynaysaa sii xoojinta iskaashiga labada dhinac ee u adeegaya danaha wadajirka ah ee labada dal.