Akram osman Mohamed

Call Contact the organization

Akram osman Mohamed Waa Pages somaliyed

25/10/2026

Marka aan leeyahay “talo dhulka la dhigayo ma jirto,” macnaheedu ma aha inaan diiddanahay wada-tashi.

Madaxweyne Xassan Sheikh oo sharaxay Waxa uu ula jeeday Tala dhex la dhigaayo ma jirto.

24/10/2026

"Waana haysahaa", Maasha'allah Madaxweyne Ali Gudlawe Hussein

24/10/2026

Maxaa kafanten?

HAMBALYO GUDDOONKA CUSUB EE BAARLAMAANKA HIRSHABELLEWaxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir...
23/10/2026

HAMBALYO GUDDOONKA CUSUB EE BAARLAMAANKA HIRSHABELLE

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Mudane Cabdulxakiin Luqmaan Xaaji Maxamuud, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Iidow, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Jaamac Cali Maxamuud.

Waxaan idiin rajaynayaa guul iyo hoggaan wanaagsan, anigoo idinku dardaarmaya inaad ka shaqaysaan xasilloonida siyaasadeed, gaar ahaan xiriirka iyo wada-shaqaynta Xukuumadda iyo Baarlamaanka Hirshabelle.

Horumarka Hirshabelle wuxuu ku jiraa wada-shaqayn, is-afgarad iyo isku-duubni dhex marta hay’adaha dowladda, iyadoo danta shacabka mudnaanta koowaad la siinayo.

Hambalyo guddoonka cusub! Hirshabelle ha horumarto, xasilloonida siyaasadeedna ha waarto Insha Allah.

23/10/2026

Halgankii iyo Xoreyntii AS ka dib, Magaalada Muqdisho hadda waa Nabad-gelyo.
Xildhibaan Mohamud Abukate.

22/10/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

Muqdisho, Oktoobar 22, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka, Mudane Cabdiweli Ibraahim Garyare, oo maanta ay magaalada Dhuusamareeb ku doorteen xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoggaanka cusub ugu hambalyeeyey kalsoonida ay ka heleen xubnaha Golaha Wakiillada, isaga oo kula dardaarmay in ay mudnaanta koowaad siiyaan ilaalinta nabadgelyada, xal u helidda colaadaha sokeeye, xoojinta midnimada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Madaxweynaha ayaa doorashada hoggaanka cusub ku tilmaamay mid taariikhi ah, maadaama ay qayb ka ahaayeen boqollaal kun oo shacab ah oo ku kala nool magaalooyinka waaweyn iyo deegaannada miyiga ah ee Galmudug, taas oo muujinaysa doorka ay muwaadiniintu ku leeyihiin geeddi-socodka dimuqraadiyeynta iyo dhismaha dowladnimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey Hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka cusub in uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, si ay uga mira-dhaliyaan himilooyinka shacabka Galmudug ee nabadda, dowladnimada iyo horumarka.

DHAMMAAD

TACSIINNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUNWaxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyskii, ehelkii iyo qaraabad...
17/10/2026

TACSI

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyskii, ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxday marxuumad Nimco Omar Abdile oo ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Waxaan Alle SWT uga baryayaa in uu u dambi dhaafo, Qabrigeedana u waasiciyo, kuna casuumo Jannatul Fardawsa.

Qoyskii,Familyka,ehelkii iyo dhamaan qaraabadii ay ka baxday waxaan leeyahay, Allaha SWT samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo.

Alle ha u naxariisto Walashey Nimco Omar Abdile.
Fadlan haloo duceeyo Walaasheen Nimco Omar Abdile - Alle ha u naxariisto.

17/10/2026

Odeyga kiis adag ayuu faraha la galey oo Dumar badan ka caroon karaan. 😂

Xildhibaan Gaaraxo “ Waa in gebi ahaanba la jaro Kin ka dumarka “ .

15/10/2026

Sheikh mustafe.

14/10/2026

Xildhibaan Ilhan Cumar ayaa xaqiijisay in la weeraray hoygeeda, iyadoo xustay inay nabad qabto.

Xildhibaanaddu waxay Madaxweyne Donald Trump ku eedaysay inuu muddo 10 sano ah ku waday olole sumcad-dil iyo eedeymo aan sal lahayn, iyadoo weerarkan cusubna ku tilmaantay isku day lagu cabsi-gelinayo laguna aamusiinayo.

“Waan fiicanahay, la i aamusiin maayo,” ayay tidhi Ilhan Cumar.

Address

Doha

Telephone

+97430589240

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Akram osman Mohamed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Akram osman Mohamed:

Shortcuts

Share