Akram osman Mohamed

Akram osman Mohamed

Share

Waa Pages somaliyed

03/06/2026

Xaalada Muqdisho ayaa maanta maraysa allaw sahal.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in hadda uu ka socdo dagaal u dhexeeya Ciidamada dawladda iyo kuwa mucaaridka guriga Xildhibaan Jacfar oo Villa Somaliya wax aan ka badnayn u jira Villa Somaliya, Isla hadda is rasaasayn ayaa ku dhex maray kuwa dawlada iyo xoogaga mucaaridka degmada Waaberi.

Sawiro dhiilo colaadeed leh ayaa ka imanaya Muqdisho ka hor berri oo mucaaridka doonayaan inay magaalada inteeda badan ku qabtaan isu soo bax lagu diidan yahay muddo kordhinta Madaxweyne Xasan samaystay iyo qorshaha uu Dawladda ka leeyahay.

03/06/2026

Thuma wlh ayaa la weeraray.

03/06/2026

Xildhibaan Cismaan Dufle wuxuu ku fashilmay muddo-xileedkii, isagoo dal iyo degaan u matalaya oo aan waxba u qaban.

Xildhibaan Cismaan Dufle wuxuu noqday qof calooshiis u shaqeysta ah, oo degaan iyo dalba u naxayn. Wuxuu ku fashilmay muddo-xileedkii golaha baarlamaanka Soomaaliyeed.

Deegaan-doorashadiisii waligiis ma tagin, waxna uma qaban deegaan-doorashadiisii. Xildhibaan Cismaan Dufle, deegaankii laga soo doortay Ceelbiyo malahan isbitaal, malahan goobo waxbarasho, malahan goobo caafimaad malahan.

Xildhibaan Cismaan Dufle wuxuu ku fashilmay muddo-xileedkii uu xilka ka hayay golaha baarlamaanka Soomaaliyeed. Maalin walba wuxuu la taagan yahay hambalyo iyo bogaadin!

Haddii deegaankii laga soo doortay aadan waxba u qaban, mushaharka uu qaato Xildhibaan Cismaan Dufle sow ma aha mushahar xaaraan ah?

03/06/2026

Waxaa Alle mahaddiis ah in Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Ugaaska beesha Murusade ay ka badbaadeen wixii galabta ka dhacay gurigii ay ku sugnaayeen. Dhacdooyinka noocan ah boos kuma laha inay ka dhex dhacaan bulsho soo kabasho ku jirta, waana wax laga xumaado!

03/06/2026

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday, ficilada uu samaynayo waa isla kuwii uu afar sano ka hor kaga cabanay madaxweynihii h**e Farmaajo.

Waa ayaan-darro in muddo-xileed kasta dhamaadkiisu uu noqdo mid xalkiisu tahay xabad iyo xoog, waxna aysan isbeddelin.

Soomaaliya Ilaahay baa u maqan.

Fariintaadu waxay taabanaysaa xaqiiqo murugo leh oo Soomaalida wada dareensan: wareegga siyaasadda xoogga ku dhamaata. Alle ha beddelo xaalka, ha ina siiyo hoggaamiye daneysanaya dal iyo dad, oo xalka ka raadiya wada-hadal iyo caddaalad

03/06/2026

"Heestii Karaan igee yaa dameer isaara Abgaal iyo
Dameer maxay kala haystaan?"

02/06/2026

Degmada Abdiasis 70% waxaa caawa la wareegay Ciidanka Mucaaradka Away Dowladii Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud

02/06/2026

Guddoomiyaha Degmada Jawiil Mudane Mahdi Yuusuf Maxamuud (Xiiraane) ayaa magaalada Jowhar, caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, ka qayb galay Shirka Madasha Is-dubaridka Sannadlaha ah ee Dowladda Hirshabeelle iyo Hay’adaha Wada-shaqeynta leh ee Dhismaha Dowladnimada iyo Xasilinta.

Shirkan sannadlaha ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle, waxaa ka soo qaybgalay wasaarado ka tirsan Dowladda Hirshabeelle, maamullada degmooyinka Hirshabeelle, hay’adaha wada-shaqeynta la leh dowladda iyo daneeyayaal kale oo ka shaqeeya horumarinta dowladnimada iyo xasilinta. Shirka waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle, Mudane Cabdi Daahir Guure.

Guddoomiye Mahdi Yuusuf Maxamuud (Xiiraane) ayaa madasha kusoo bandhigay guulaha, horumarka iyo adeegyada laga hirgeliyay Degmada Jowhar, isaga oo sidoo kale faahfaahin ka bixiyay mashaariicda horumarineed ee ka socda degmada iyo doorka ay ka qaadanayaan kor u qaadista adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle qabanqaabada shirkan muhiimka ah, isaga oo tilmaamay in madashani ay tahay fursad muhiim u ah is-dhaafsiga khibradaha, xoojinta wada-shaqeynta iyo dardargelinta dadaallada lagu horumarinayo dowladnimada, xasiloonida iyo adeeg bixinta deegaannada Hirshabeelle.

Isbeddellada muhiimka ah:
Mashaa-Allaah, Guddoomiye Mahdi Yuusuf Maxamuud (Xiiraane) wuxuu muujiyay hoggaan firfircoon ee Dagmada Jawiil Bandhigga guulaha Jowhar

02/06/2026

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Waxaa geeriyooday Dr. Xabiib oo ahaa dhakhtar muddo dheer si daacadnimo iyo karti leh ugu soo adeegay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka la tacaalaya xanuunnada dhimirka. Wuxuu door weyn ka qaatay daaweynta, daryeelka iyo garab istaagga bukaanno badan oo u baahnaa kaalmo caafimaad.

Geeridiisu waa khasaare weyn oo soo gaaray qoyskiisa, asxaabtiisa, bahda caafimaadka iyo guud ahaan bulshada uu u adeegay.

Alle ha u naxariisto Dr. Xabiib, Jannatul Firdowsana ha ka waraabiyo. Ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan Alle haka siiyo. Aamiin, Aamiin, Aamiin Yaa Rabbi

Photos from ‎Security Comm. اللجنة الأمنية‎'s post 02/06/2026
Want your business to be the top-listed Government Service in Doha?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Doha