Somali Consulate General in Jeddah- Saudi Arabia

Somali Consulate General in Jeddah- Saudi Arabia

Share

Consulate General of the Federal Republic of Somalia in Jeddah, Saudi Arabia.

27/05/2026

Qunsulka Guud Mudane Dr. Abdiwali Hersi Abdille, wuxuu Hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciiddul Adxa u diray dhammaan Ummadda Islaamka, gaar ahaan jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan Boqortooyada sacuudiga.

Qunsulka Guud ayaa Alle uga baryay shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda islaamka in uu ciiddaan ciideeda ku gaarsiiyo farxad, caafimaad, barwaaqo

isagoo si gaar ah ugu duceeyay in dalkeenna Soomaaliya uu Alle ka dhigo Dal nabdoon xasilloon oo horumar gaara

Eid Mubarak 🎉

14/05/2026
10/05/2026

Magaalada Jeddah waxaa lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu daah-furayay Qunsuliyadda Guud ee dalka Syria ku leedahay Boqortooyada Saudi Arabia.

Qunsulka Guud Dr. Abdiweli Hersi Abdille ayaa ka mid ahaa madaxda lagu casuumay munaasabaddan muhiimka ah, taas oo muujinaysa xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga sii xoogeysanaya ee Qnsuliyadda Guud la leedahay Qunsuliyaddaha dhigeeda ah ee ku sugan Boqortooyada Sucuudi Carabiya

Munaasabadda ayaa si rasmi ah u bilaabatay kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Syria uu xarigga ka jaray Qunsuliyadda cusub,

Intii ay socotay xafladda martida ayaa lagu soo dhaweeyay jawi saaxiibtinimo iyadoo la is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan horumarinta wada shaqeynta, xiriirka siyaasadeed iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshada.

Dhanka kale, Qunsulka Guud ayaa bogaadiyay tallaabadan, wuxuuna si diirran usoo dhaweeyay dhigiisa dalka Syria, isaga oo u rajeeyay shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Syria nabad, guul iyo horumar.

Photos from Somali Consulate General in Jeddah- Saudi Arabia's post 30/04/2026

Qunuslkas Guud Mudane Dr. Abdiwali Hersi Abdille ayaa xaruunta Qunsuliyada Guud jeedah waxa uu si diiran ugu soo dhoweeyay wafdi ka socday Qunsuliyadda Singapor wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Qunsulka guud Mudane Chandra Kumar, waxaana ku weheliyay Qunsulka Arrimaha Siyaasadda, Mudane Osman

Intii ay socotay booqashada, labada Qunsuliyadood waxay yeesheen wada-hadallo Muhiim ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo is-dhaafsiga khibradaha.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi is-afgarad iyadoo la isla gartay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta mustaqbalka, si loo gaaro danaha wadajirka ah ee labada dal.

19/03/2026

TAHNIYAD CIIDUL-FITR

Qunsulka Guud wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed, munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Fitr awgeed.

Wuxuuna Alle SWT ka baryeyaa in uu naga aqbalo Soonkii, Salaaddii iyo camalkii suubanaa, isla markaana uu nagu gaarsiiyo ciiddaan ciideeda caafimaad, nabad iyo barwaaqo

Ciid Mubaarak,🎊
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال 🎉

Photos from Somali Consulate General in Jeddah- Saudi Arabia's post 03/03/2026

Qunsulka Guud Dr.Abdiwali Hersi Abdile ayaa ka qaybgalay munaasabad afur ah oo ay soo qaban-qaabisay Rugta Ganacsiga Makkah taas oo ka qabsoontay magaalada Makkah Al-Mukarramah, isla markaana lagu casuumay qaar ka mid ah Madaxda Qunsuliyadaha Guud ee ku sugan Boqortooyada Sacuudiga.

Intii ay socotay munaasabadda, Qunsulka Guud wuxuu ka hadlay xoojinta iskaashiga ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga, isaga oo si gaar ah u iftiimiyay fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeenna Iyo sidii looga wada faaideysan lahaa .

22/02/2026

تتقدم القنصلية العامة لجمهورية الصومال الفيدرالية في جدة بأصدق التهاني والتبريكات إلى خادم الحرمين الشريفين الملك سلمان بن عبدالعزيز آل سعود، وإلى صاحب السمو الملكي الأمير محمد بن سلمان بن عبدالعزيز آل سعود حفظهما الله، وإلى حكومة وشعب المملكة العربية السعودية الشقيق، بمناسبة ذكرى يوم التأسيس.

نسأل الله أن يديم على المملكة أمنها واستقرارها وازدهارها، وكل عام وأنتم بخير.

19/02/2026

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan umada islaamka munaasabadda barakaysan ee bisha Ramadaan.

Ilaahay ha inaga dhigo kuwii ka faa’iideysta khayrkeeda, dembi dhaaf iyo naxariisna ku mutaysta, hana inagu gaarsiiyo ciiddeeda farxad iyo nabad. Aamiin. 🌙🤲

01/01/2026

أجرى وزير الشؤون الخارجية والتعاون الدولي، معالي السيد عبدالسلام عبدى علي، اليوم الأربعاء، اتصالًا هاتفيًا مع نظيره صاحب السمو الأمير فيصل بن فرحان بن عبدالله آل سعود، وزير خارجية المملكة العربية السعودية الشقيقة، جرى خلاله بحث التطورات المتعلقة بالصومال ومنطقة القرن الإفريقي على نطاق أوسع.

وخلال الاتصال، أعرب وزير الخارجية الصومالي عن تقدير الصومال للموقف المبدئي والدعم الثابت الذي تقدمه المملكة العربية السعودية الشقيقة لجهود الصومال الرامية إلى صون وحدته وسيادته وسلامة أراضيه. من جانبه، جدّد الأمير فيصل بن فرحان تأكيد دعم المملكة الراسخ لسيادة ووحدة أراضي جمهورية الصومال الفيدرالية، والتزامها بدعم الاستقرار في منطقة القرن الإفريقي.

Want your business to be the top-listed Government Service in Jeddah?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Jeddah