Wax Aqri

Wax Aqri

Share

Fikirka iyo Aaminaada ayaa ka horeeya ficilka

21/07/2023

Ilmada ugu xanuunka badan ma aha ta ka timaada indhahaaga ee Wejigaaga daboosha. balse Waa ta ka timaada Qalbigaaga ee Ruuxdaada daboosha

page

20/07/2023

➡️Xushmee dareenka dadka xitaa hadii aysan wax macna leh kula aheyn iyaga ayee u tahay wax walbo.

Nagu soo biir oo page sood dheh .

09/04/2023

Hadii 5 ilbiriqsi oo dholacadeyntada ka mida ay sameeyn karaan sawir aad u qurux badan Hadaba bal qiyaas hadii aad joogteyso dholacadeyntaas, qurux ceynkee bey noloshaadu ahaan doontaa.

22/03/2023

Ramadaan mubarak
" wax ugu wanaagsan ee la aqriyo waa hadalka Allah "

21/03/2023

Muhiimada akhriska :-

➖️➖️➖️➖️➖️➖️➖️➖️

Ayadii koowaad ee lagu soo dajiyey NABIGA SALALAAHU CALAYHI WASALAM waxa ay ahayd IQRA oo macneheedu yahay AKHRI waana suurad dhan oo ka mid ah suuradaha qur’aanka.

Wax akhrisku waxaa uu kordhiyaa garaad qofka iyo waayo aragnimadaada, inta badan ee aad akhriso waa inta badan ee aad wax taqaan ama cilmigaagu uu kordhayo.(THE MORE YOU READ THE MORE YOU KNOW) .

Waxaa lagu ogaadaa waxyaabo badan oo aadan h**e u maqal ama aadan h**e u arag, waxaad baran kartaa meelo aadan waligaa tagin kaliya adiga oo akhrisanaya warbixino ku saabsan waxaad kale oo kala baran kartaa sida dunida loo kala d**o, DADKA IYO DHAQAMADOODA, waxyaabaha keeni kara isfahamiwaaga iyo sida loogu kala duwan yahay dhaqanka.

Aqoontu waxa ay ka koobantahay labo shey akhris iyo qoraal. Aqoonta oo la kasbadaa waxa ay ku xidhantahay akhriska.

BULSHOOYINKA AQOONTA LEH WAXA AY KA HORUMAR BADAN YIHIIN KU WA AAN AQOONTA LAHAYN. BULSHADA AQOONTA LEH WAXAA AY MAR WALBA KA FEEJIGANYIHIIN IN UU KHILAAF SOO KALA DHAX GALO, WAA KUWO OG DANAHOODA IYO HALKA AY HIIGSANYAAN. WAXAA AY ISKA KAASHADAAN DANAHA GUUD. TUSAALE AHAAN FAGAARAHA TAXRIIR , kacdoonkii dadka reer masar, waxaa la ogyahay in maalintii xilka laga qaaday kaligii taliskii mudada fog haystay ee xusni mubaarak ay dadka reer masar mar qudha hagaajiyeen FAGAARAHII taxriir kaas oo ay ku sugnaayeen malaayiin shacab ah oo ku dhixi jiray habeen iyo maalin. SIDA CILMI BAADHAYAAL MARAYKAN AH AY SOO SHEEGEEN akhriska sheekooyinka mala-awaalka ay yihiin kuwo bulshada u wanaagsan oo ay bulshadu noqoto mid isku duuban oo is walaalaysata. Akhristaha wanaagsani waa toosiyaha umada, sida ay sheegeen cilmi baadhayaal kala duwan akhrisku waxa uu ka qayb qaataa isku xidhnaasha bulsha iyo wada jir kooda.

Wax akhrisku wuxuu wanaajiyaa shakhsiyada qofka waayo qofka wax akhrintiisu badantahay waxa uu yeeshaa khibrad u diida in uu ku dhaco fal cawaaqibkiisu xun yahay.

Dhanka caruurta wax akhrisku wuxuu koriyaa caruurta qiyaastood, caqligooga iyo aqoontooda guud. Waxa ay ka helaan erayo cusub marka ay akhrinayaan buugaagta taas oo dhista aqoonta luuqadeed.

Ardayda wax akhriska badan waa ku wa kaalmaha koowaad kaga jira iskuulada iyo meelaha wax lagu barto. Waxaa ku dhisma aqoonta guud. Waxaa kale oo dhacda in ardayda Akhriskoodu badan yahay ay ka aqoon bataan macalimiintooda.

Wax akhriska waxaa uu dhisaa ereyada luuqada aad wax ku akhrinayso, waxaa kaloo uu dhisaa fahamka qofka.

Waxay yareeysaa wal wal ka. Taasi waa sababta adiga oo wal-walsan hadaad qaadato buug dabadeena aad akhriso uu wal-walkii kaaga tagayo waayo buuga sheekada ku qoran waxa ay ka sheekaynayaa waxyaabo kala duwan oo kaa saaraya badaha murugada ah ee kugu furan.

: Akademiyadda akhriska iyo qoraalka ee Himilo.



page ka Wax aqri si wax badan ula socoto .

21/03/2023

Dadka maskaxda badan waxa ay ka hadlaan fikrado cusub, halka kuwa dhexdhexaadkane ay ka hadlaan dhacdooyinka, kuwa maskaxda yarne waxa ay ka hadlaan dadka.

17/03/2023

Haddii aadan waligaa isku dayin, weligaa ma ogaan kartid.

14/03/2023

《《1》》
Xushmee dareenka dadka xitaa hadii aysan wax macna leh kula aheyn iyaga ayee u tahay wax walbo

12/03/2023

《《1》》

Mararka qaar ma dooran karno in aan ku faraxno hadal walbo laakiin waxaan dooran karnaa dhageysigooda

07/01/2023
01/01/2023

Marnaba ha u ogolaanin in qaladkaagu dhawaco qalbigaaga, hana sugin in ay guushu kuu timado ee dadaalkaga laba jibaar adoo qaladkaagi h**e cashar ka dhiganayo.

Hassan Ali Ahmed

Want your business to be the top-listed Government Service in Khartoum North?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Ubaid Khatim
Khartoum North