Abaal Charity

Abaal Charity

Share

Abaal Charity waa Hay'ad ka shaqaysa Caawinta Caruurta iyo Waxbarashadda

20/03/2026

Ciid Wanaagsan

Abaal Charity waxay farxada Ciida laqaybsanaysa dhamaan umada Soomaaliyeed.

Sido kale waxaan Ciid wanaagsan leenahay Caruurti Farxada ciida aan laqaybsanay ee ahaa Agoonta Barakacayaasha ah.

Dadki muxsiniinta ahaa ee Sadaqada labaxay Ajar allaha ka siiyo mantay caruurti way faraxsanyihin.

16/03/2026

Farxada Caruurta Danyarta.

Hay'adda Abaal Charity Ayaa 61 Caruurta Agoonta Barakacayaasha ah Dhar ciided ugu qaybisay magaaladda Cadaado.

Munaasabada waxa looga mahadceliyey Dadki muxsiniinta ahaa ee labaxay Lacagta Caruurta Agoonta Barakacayaasha ah dharka ciida loogu gaday.

15/03/2026

Mahadsanidiin Warbaahinta Diirshe Show

15/03/2026

Mahadsanidiin Warbaahinta Shabelle

Photos from Abaal Charity's post 15/03/2026

Ciidsiinta Agoonta Barakacayaasha ah.

Hay'ada Abaal Charity Ayaa 61 Caruur oo kamida Agoonta Barakacayaasha ah oo laga soo xulay Kaamamka Bari, Badbaado, Mudug iyo Ceymis uqaybisay Dharkii ay ku ciidi lahaayen.

Hay'ada ayaa lacag ay ka uruurisay dad muxsiniin ah si ay maalmaha Ciida Agoontu farxada ula qaybsadaan Caruurta kale ee waalidkod dharka ciida ugadaayo.

Munaasabada Caruurta Dharka loogu qaybinayey waxaa ka qaybgalay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Fedaral-ka iyo Dib uheshiisinta Galmudug Cumar Guureeye, Xoghahaya Dowladda Hoose Cadaado Cabdiraxmaan Axmed Xirsi, Iskuduwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Galmudug Degmada Cadaado Shiikh Maxamedqani, Iskuduwaha Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Macalin Xuseen Cali Sahal, Agaasimaha Guud Isbitaalka Degmada Cadaado Dr Cali iyo Agaasimaha Arimaha Bulshadda Degmada Cadaado Cali Shiikh madaxdas ayaa bogaadiyey Didaalka Hay'ada Abaal Charity.

Dhamaadka munasabada waxaa Dadki muxsininta ahaa iyo Madaxda umahadceliyey Ismaaciil Xirsi Xasan oo ah Aasaasaha Abaal Charity.

04/03/2026

Farxada Caruurta Danyarta

Fadlan ka qayb qaado Ciidsiinta Agoonta Barakacayaasha ah.

Dunida uga Farxi Daarta Aakhiro Aad Liibaantide

03/03/2026

Farxada Caruurta Danyarta.
Abaal Charity waxay sanadkan samaynaysa Ciidsiinta Agoonta Barakacayaasha ah fadlan wixi aad awoodo uga qayb qaado.

DUNIDA UGA FARXI DAARTA AAKHIRO AAD LIIBAANTIDE.

26/01/2026

Abaal Charity waa Hay'ad kheyriya waxaana aasaasay koox dhalinyaro ah waxayna ka shaqaysa Caawinta Caruurta iyo Waxbarashadda.

waxayna ku dhisantahay aragti wax isku darsi dadka soomaaliyeed si wax loogu qabto kuwa caawinta ubaahan markasta.

Abaal Charity waxa la aas-aasay sanadki 2024 waxayna shaqo bilowday sanadki 2025.

Sanadkan 2026 waxaan rajaynayna inan qabano Barnaamishyo waxtar uleh Caruurta iyo Bahda Waxbarashadda.

Want your business to be the top-listed Government Service in Adado?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

Adado Galmudug
Adado