Galmudug waxay ku guuleysatay dib u heshiisin muhiim u ah koboca iyo horumarka Dowlad goboleedka galmudug.
Waxaa sharaf iyo bogaadin mudan madaxweynaha galmudug mudane axmad ducaale geele Xaaf , madaxweyne ku xigeenka maxamed xaashi cabdi carabeey , Gudoonka baarlamaanka Galmudug Iyo Madaxa xukuumada Galmudug Mudane Dr Sh Shaakir cali xasan ,,, Madaxweyne farmaajo iyo cidkasta oo gacan ka geysatay
Dib u heshiisiintu waa furaha nabada , nabaduna waa furaha nolosha ...
Guuul iyo Gobanimo in sha allaah
Reconciliation Director Galmudug State Of Somalia
Waa pageka rasmiga ah ee xafiiska dib u heshisinta galmudug , laguna so bandhigo wax qabadka iyo wacyigalinta la xiriirta arimaha dib u heshisinta galmudug
06/10/2017
Wasaarada dastuurka iyo Dib u heshiisiinta galmudug waxay dhiiri galinaysaa dadaalada ay muujinayaan dhalinyarada, ardayda iyo aqoonyahana gobolka mudug gaar ahaan bulshada ree gaalkacyo oo ku aadan arimaha dib u heshiisinta iyo nabad kuwada noolaashiyaha dad weynaha ree gaalkacyo.
Wasaaradu waxay ku bogaadinaysa ardayda iyo dhalinyarada ree gaalkacyo inaysan ka daalin howsha muhimka ah oo ay bilaabeen ayna fahmaan in mustaqbalkooda iyo horumarkooda ay ku xirantahay howlaha nabadeed, dib u heshiisin, xasilooni iyo wada noolasho oo ay hadda ka wadaan degmada gaalkacyo.
Dhankeena , wasaarada dastuurka iyo dib u heshiisinta galmudug waxay si gooni ah ula shaqeyneysaa hiil iyo hoona la garab is taageysaa howlaha aad wadaan, waxaana u aqoonsanahay guul taariikhi ah oo baal dahabi ah ka gali doonto horumarka iyo wadajirka bulshada walalaha ah ee ree mudug.
Wabillahi towfiiq
Nabad iyo caano allaha na siiyo.
20/09/2017
Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisinta galmudug oo maanta kulan la qaatay madaxda interpeace u joogta soomalia.
Waxaa lagu balamay in la iska kaashado dhameystirka arinta gaalkacyo.
14/09/2017
Marmarka qaar in la kulmo oo la falaqeeyo qaabka ugu wanaagsan ee loo xalin karo khilaaf soo kala dhexgalay bulsho walaala ah oo wada dagan waxaad mooda in ay tahay arin aan laga maarmin.
Heshiisiintu waa arin bulshada horumar u ah una wanaagsan diin ahaana ajir laga helaayo sida ay sheegeyso aayada quraanka ah lagana soo wariyay axaadiista.
Deeganada galmudug waxaan jecelnahay in ay ka hana qaado dib u heshiisin waarta waxaana ku bixi doona waqti, dadaal iyo deeq intaba.
Ilaahow guulee dib u heshiisinta , bulshadana walaalnimadooda fahansii
09/09/2017
Nabada Magaalada gaalkacyo:
Dib u heshiisinta waxaa isla qaatay si wada jir ah
Madaxweyne ku xigeenada labada dowlad goboleed
Madaxda gobolka mudug labada dowlad goboleed
Madaxda dhaqanka labada bulsho oo wada daga.
Waa guul la taaban karo , waxaan ku dadaali doona in aan sii wadno sii laba jibaarno in sha allaah
08/09/2017
Dib u heshiisinta maalmahan nooga socotay magaalada gaalkacyo , anaga oo wakiil ka ah shacabka ree galmudug iyo walalaheen puntland waxaan dhihi karnaa waa dib u heshiisin guuleysatay, waxaana fhankeena balan qaadeynaa in aan dhowrno fulinta qodobada lagu heshiiyay.
Xafiiska Agaasinka dib u heshiisinta Galmudug ... Cadado
17/08/2017
Dib u heshiisiintu galmudug waxay muhiim ugu tahay si saa'id ah, maxaa yeelay waxaa halkaan wada daga qabaa'ilo waalala ah aadna ay colaado u dhexmareen xiliyadii burburka.
Waxay u baahantahay dadaal dheeri ah , iyo halgan adag si loo gaaro halka la higsanayo oo ah dadka wada daga oo si nabad ah kuwada nool.
Mudane: Cismaan Cali Maxamed
Wasiirka dastuurka & dib u heshiisiinta galmudug
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Adado
Opening Hours
| Monday | 08:00 - 17:00 |
| Tuesday | 08:00 - 17:00 |
| Wednesday | 08:00 - 17:00 |
| Thursday | 08:00 - 13:00 |
| Saturday | 08:00 - 17:00 |
| Sunday | 08:00 - 17:00 |
