09/04/2026
MAGACAABIS RASMI AH
Waxaa si rasmi ah loo magacaabay Mudane Abdi Jabaar Hussein Abdisalam inuu noqdo Xoghayaha Howlaha Guud ee Xisbiga Cadaaladda iyo Midnimada (TIIR).
Magacaabistan ayaa muujinaysa kalsoonida lagu qabo kartidiisa, khibraddiisa, iyo doorkiisa ku aaddan horumarinta howlaha iyo himilooyinka xisbiga.
Waxaan u rajaynaynaa guul iyo hawl-karnaan xilka loo igmaday.
04/04/2026
Madaxweynaha Dowladda Shabeelle State ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhabo, kadib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Kumeelgaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Safarkan ayaa la filayaa inuu xoojiyo xiriirka iskaashi iyo wada-shaqeynta u dhexeysa labada dhinac.
30/03/2026
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Dooy Shabeelle State Soomaliya ayaa u mahadcelin ballaaran u jeediyey Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud, isagoo ku ammaanay doorkii uu ka qaatay xalinta xaaladda siyaasadeed iyo isbeddelkii ka dhacay magaalada Baidoa.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in guusha laga gaaray maamulkii uu hoggaaminayey Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen, oo lagu eedeeyay inuu si kelitalisnimo ah u maamulayey xaaladda magaalada, ay timid kadib dadaallo iyo taageero ka timid heerka dowladda federaalka.
Sidoo kale, wuxuu xusay in tallaabadan ay fursad u tahay xasillooni, wada-hadal iyo dib-u-habeyn siyaasadeed oo ka hanaqaada deegaannada, gaar ahaan magaalada Baydhabo iyo guud ahaan gobolka.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dooy Shabeelle State Soomaliya ayaa ku baaqay in dhammaan dhinacyadu ay ka shaqeeyaan midnimo, nabad iyo horumar, si shacabka loo gaarsiiyo dowladnimo iyo maamul hufan.
23/01/2026
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐-๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐๐๐๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฒ ๐๐ก๐๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐, ๐๐๐๐๐ข ๐๐๐ซ๐ข ๐๐๐๐๐ข๐ฌ๐๐ฅ๐๐๐ฆ, ๐๐ฒ๐๐ ๐ก๐๐๐ญ๐๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐ฎ๐ ๐๐ง ๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ข๐ซ๐จ๐๐ข ๐๐ ๐๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ง๐ฒ๐, ๐ก๐๐ฅ๐ค๐๐๐ฌ ๐จ๐จ ๐ฎ๐ฎ ๐ค๐ ๐๐ข๐ฅ๐๐๐๐๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ฆ๐จ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก ๐จ๐จ ๐ฎ๐ฎ ๐ฅ๐ ๐ฒ๐๐๐ฅ๐๐ง๐๐ฒ๐จ ๐ช๐๐ฒ๐๐๐ก๐ ๐ค๐๐ฅ๐ ๐๐ฎ๐ฐ๐๐ง ๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐ค๐ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฃ๐๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฒ ๐๐ก๐๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐ ๐๐ ๐ค๐ฎ ๐ง๐จ๐จ๐ฅ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ง๐ฒ๐.
Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta midnimada bulshada, ka qeyb-qaadashadooda horumarka Dowlad-Goboleedka, iyo ka faaโiideysiga doorka ay qurba-joogtu ku leeyihiin dib-u-dhiska iyo adkeynta hayโadaha maamulka Dooy Shabeelle.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa qorsheynaya kulamo gaar ah oo uu la yeelanayo hayโadaha Qaramada Midoobay ee xarumaha ku leh Nairobi, kuwaas oo looga wada hadli doono dardargelinta wada-shaqeynta, taageerada mashaariicda horumarineed, iyo xoojinta dadaallada lagu taageerayo nabadda, adeegyada bulshada iyo horumar waara oo laga hirgeliyo deegaanada Dooy Shabeelle.
Safarkan shaqo ee Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka caalamiga ah, laguna ballaarinayo fursadaha iskaashi ee u adeegaya danaha shacabka Dooy Shabeelle.
๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐ซ๐ค๐, ๐๐จ๐จ๐ฒ ๐๐ก๐๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐ ๐๐ญ๐๐ญ๐
20/01/2026
Ujeeddo: Magacaabista iyo Waajibaadka Guddiga Ka Shaqeynaya Xaaladaha Abaaraha ee Dooy Shabeelle Anagoo tixgelinayna xaaladaha abaareed ee saameynta ballaaran ku yeeshay nolosha, caafimaadka, iyo nolol-maalmeedka bulshada, gaar ahaan deegaanada Dooy Shabeelle, waxaa lagama maarmaan noqotay in la dhiso guddi rasmi ah oo u xilsaaran la-tacaalidda, ka hortagga, iyo maareynta saameynta abaarta. Sidaas darteed, waxaa la magacaabay Guddiga Ka Shaqeynaya Xaaladaha Abaarta, kaas oo leh mas'uuli-yadaha, waajibaadka, iyo awoodaha hoos ku xusan:
1. Ujeeddooyinka Guddiga
Qiimeynta heerka abaarta iyo saameynta ay ku yeelatay bulshada.
Isku-dubbaridka dadaallada gurmadka degdegga ah.
Qorsheynta xalal waara oo lagaga hortagayo saameynta abaarta mustaqbalka.
La-shaqeynta hay'adaha dowliga ah, kuwa gaarka loo leeyahay, iyo hay'adaha caalamiga ah.
2. Waajibaadka iyo Mas'uuliyadaha Guddiga
Ururinta iyo falanqeynta xogta la xiriirta xaaladaha abaarta.
Soo jeedinta talooyin iyo qorshayaal wax-ku-ool ah oo wax looga qabanayo abaarta.
Kormeerka iyo dabagalka howlaha gargaarka iyo mashaariicda la xiriira abaarta.
Hubinta in gargaarku si caddaalad ah oo hufan u gaaro dadka u baahan.
Diyaarinta warbixinno joogto ah oo la xiriira horumarka iyo caqabadaha jira.
Guddiga Loo Magacaabay
1.Maxamed Cabdiqadir Abuukar
2.Fartuun Maxamed Abdi
3. Xasan Nuur Hasan
4. Axmed Maxamud Xaji
5. Abdirisaq CumarSheegow
6. Shariif Maxamed Jeylani
7. Ibrahim Adan Abdulle
8. Cabdi Nuur Sheeq Cusman
9. Xaliimo Khaliif Abdi Nuur
13/01/2026
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐จ๐จ๐ฒ ๐๐ก๐๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐ ๐๐ญ๐๐ญ๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐๐จ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ฒ ๐๐๐ญ๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐ฒ๐๐๐ฅ ๐๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐.
Afgooye โ 13Janaayo 2026 Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Dooy Shabeelle State Soomaaliya, Mudane *Abdulbari Sheikh Abdisalam, ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay lataliyeyaal cusub oo ka tirsan Xafiiskiisa, kuwaas oo kaalin mug leh ka qaadan doona fulinta siyaasadda maamulka iyo dardargelinta howlaha dowladeed.
Magacaabistan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha uu la tashiyo kala duwan la yeeshay xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo hmaamulka, si loo helo dad aqoon iyo waayo-aragnimo u leh arrimaha muhiimka ah ee horyaalla dowlad-goboleedka.
28/12/2025
Warsaxaafadeed
Taariikh: 28 December, 2025
Xafiiska Madaxweynaha Dooy Shabeelle State โ Soomaaliya
Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Dooy Shabeelle State ee Soomaaliya, Mudane Abdulbari Sheikh Abdisalam ayaa fariin cad oo digniin leh u diray Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Abdiaziiz Maxamed Xasan, isagoo uga digay in uu joojiyo faragelinta iyo xaaladaha kacsan ee uu ka abuurayo gudaha Gobolka Dooy Shabeelle.
Madaxweyne Abdulbari ayaa sheegay in maamulka Dooy Shabeelle u taagan yahay difaaca danaha shacabka iyo ilaalinta xasilloonida deegaanka, isla markaana aan la aqbali doonin wax tallaabo ah oo lagu wiiqayo maamulka iyo midnimada shacabka deegaankaas.
Wuxuu hoosta ka xariiqay in wadajirka iyo iskaashiga dowlad-goboleedyada uu yahay furaha horumarka dalka, loona baahan yahay in laga fogaado ficillo horseedi kara iska horimaad iyo xasilooni darro.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku baaqay in la ixtiraamo nidaamka federaalka ah ee dalka u yaalla, ayna muhiim tahay in madaxda maamul-goboleedyadu ka shaqeeyaan nabadda, wadajirka iyo danaha guud ee Soomaaliya.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta โ Dooy Shabeelle State
Soomaaliya