Hon Mohamed Ibrahim Barre

Hon Mohamed Ibrahim Barre

Share

Bogga rasmiga ah wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dowladda Koonfurgalbeed Soomaaliya mudane Mohamed Ibrahim Barre

09/05/2026
21/04/2026

Hambalyo walaalkeey taliye Maxamed Cali Maqane oo mar labaad loo magacaabay taliyaha Saldhiga degmada Afgooye.

Taliye Maxamed Cali wuxuu kasoo shaqeeyay meelo badan oo uu amnigeeda kasoo shaqeeyay sida degmada Afgooye, Kaxda, iyo deegaanka Gubta.

Taliye Ilaahay ha kuu fududeeyo masuuliyada culus ee laguu igmaday.

Photos from Hon Mohamed Ibrahim Barre's post 16/04/2026

Waxaan maanta ka qeybgalay shirka Golaha wasiirada Dowladda Koonfurgalbeed oo uu shir gudoomiyay Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.

Shirkaan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha amniga, doorashooyinka, xaaladaha bini’aadantinimo iyo dadaallada horumarineed ee ka socda deeganada koonfur galbeed.

Hogaamiye Jabriil iyo Golaha Wasiirada ayaa shirka Golaha Wasiirada kaso saaray Awaamiir ku saabsan xaalada guud ee deeganada koonfur Galbeed.

1-Buun-BuuninFalalka Guracan ee Khawaariijta.

Golahu waxa uu isku raacay In aan Afhayeen loo noqonnin khawaarijta ee la buun buunin Ficiladooda Guracan.

2- Xad gudubka Madaxa Qaranka

Golahu waxa uu isla gartay in madaxda qaranka aan la aflagaadayn karin Qiyamkooda, maadaama ay Xambaarsan yihiin Mas’uuliyad Qaran.

3-Xakamaynta Hubka Magaalada.

Golahu waxaa isku Raaceen in wax hub ah lagu dhexwadan karin Magaalada Dhexdeeda oo aan ka aheyn kuwa Lagu Sugayo Amniga Magaalada iyo kuwa lagu ilaaliyo Madaxda dowlada

4-Xisbiyada Tartamayo

Golahu waxee isla Fahmeen in Xisbiyada Tartamaya ay Sameysan karaan Olalahooda siyaasadeed, iyagoo wargelindoono Hay’addaha Amniga si looga wada Shaqeeyo Amniga iyo Nabad-gelyada Magaalada.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku adkeeyay xubnaha golaha wasiirada in la dardargeliyo shaqooyinka muhiimka ah ee u adeegaya shacabka, isla markaana la xoojiyo iskaashiga hay’adaha dowladda si loo gaaro xasillooni iyo horumar waara.

shirka ayaa ugu dambayn lagu soo gabagabeeyay go’aanno la xiriira kor u qaadista amniga iyo dardar gelinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

14/04/2026

إنا لله وإنا إليه راجعون

Ilaahay ha u naxariisto Ugaas Aadan Ugaas Cali (Damdamle) oo maanta geeridiisa isoo gaartay.

Ilaahay ha u naxariisto ugaaska wuxuu ahaa oday Soomaaliyeed oo kasoo shaqeeyay nabadda iyo wada noolaashada bulshada qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ilaahay ha u naxariisto jannadii firsowsa eheedna hala waraabiyo annagana samir iyo iimaan hay naga wada siiyo.
Waxaan si gooni ah ugu tacsiyeynayaa dhammaan ehelada oo uu ugu walaalkeey Ibrahim Ugaas Aadan, hogaamiyaha KGS Hon. Jibril Abdirashid Haji oo uu ahaa abtigiisa iyo xildhibaan Bishar Ugaas iyo dhammaan reer ugaas Cali Damdamle

12/04/2026

Waxaan hambalyo u dirayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, munaasabadda 12-ka Abriil, oo ku beegan sanad-guurada 66-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay CXDS.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa Halyeeyada iyo geesiyaasha Qaranka Soomaaliyeed, oo Xili-walba u taagan Ciribtirka Cadowga Ummada Soomaaliyeed.

Waxaan markale hambalyo u dirayaa saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Anigoo ku boggaadinayo Sida aan hagarta laheyn ee dalka iyo Dadkooda ugu adeegayaan.

01/04/2026

Maantoo kalana madaxaa na furan

Want your business to be the top-listed Government Service in Afgoye?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Afgoye Road
Afgoye
252