Gudoomiyaha waxbarashada gobalka shabeelada hoose mudane Omer Ali Hasan Sahal
Mudane Gudoomiye Dadkaa kuu abaal gudi ๐
Regional Education Officer at Lower Shabelle
Xafiiska Guddoonka Waxbarashada Gobolka Shabeellaha Hoose ee W.W.H.T sare ee Koonfur Galbeed
04/04/2026
19/03/2026
Gudoomiyaha Waxbarashada Gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu hambalyo u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda, macallimiinta, waalidiinta, munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Fidri awgeed.
Ciid Mubaarak!
ูู ุนุงู
ูุฃูุชู
ุจุฎูุฑ
20/02/2026
๐๐ฎ: ๐๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐ค๐ ๐๐ก๐๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฌ๐
Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,
Waxaan idin ogeysiineynaa in la qabanayo olole talaal caafimaad oo loogu talagalay ardayda daโdoodu ka yar tahay 15 sano ee ku sugan guud ahaan Gobolka Shabeellada Hoose.
Ololahan waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka, Koonfurgalbeed iyo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare DowladdaKoonfur Galbeed, si loo xoojiyo ilaalinta iyo horumarinta caafimaadka ardayda ku nool deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ujeeddada ololahan waa ka hortagga cudurrada faafa iyo hubinta in ardaydu helaan adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah. Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah in dhammaan maamulayaasha dugsiyadu:
Wargeliyaan waalidiinta iyo ardayda waqtiga ku habboon
Diyaariyaan goob ku habboon bixinta talaalka
La shaqeeyaan kooxaha caafimaadka inta hawshu socoto
Wadashaqeyntiinnu waxay door muhiim ah ka qaadan doontaa badbaadinta iyo caafimaadka ardayda Gobolka Shabeellada Hoose.
Mahadsanidiin.
Wabilaahi Towfiiq,
Omar Ali Hassan
17/02/2026
๐ฅ๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ธ
Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Shabeellada Hoose ๐ข๐บ๐ฎ๐ฟ ๐๐น๐ถ ๐๐ฎ๐๐๐ฎ๐ป wuxuu hambalyo u dirayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda waxbarashada. Wuxuu bulshada ku boorinayaa in bishan la xoojiyo cibaadada, midnimada iyo is-garab istaagga.
Maadaama dalkeenna ay ka jirto abaar saameysay qoysas badan, Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka in ay garab istaagaan dadka duruufeysan oo ay muujiyaan walaaltinimo iyo damqasho.
Alle ha naga aqbalo soonka, hana ka dulqaado dalkeenna abaarta.
Ramadaan Mubaarak
08/02/2026
๐๐ฑ๐๐๐: ๐๐/๐๐/๐๐๐๐
๐๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐ก๐ ๐๐๐ฑ๐๐๐ซ๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐ค๐ ๐๐ก๐๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฌ๐, ๐๐ฎ๐ฆ๐๐ซ ๐๐๐ฅ๐ข ๐๐๐ฌ๐๐ง, ๐๐ฒ๐๐ ๐ค๐ ๐ช๐๐ฒ๐๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ฑ๐๐๐ซ๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐
oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta tayada waxbarashada dalka. Waxaa sidoo kale laga dooday caqabadaha ka jira adeegyada waxbarasho iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.
Guddoomiyuhu wuxuu muujiyay sida ay uga goโan tahay maamulka Gobolka Shabeellada Hoose hirgelinta goโaannada ka soo baxay shirkan, si loo xaqiijiyo waxbarasho loo siman yahay oo tayo sare leh
05/02/2026
ุฅูุง ููู ูุฅูุง ุงููู ุฑุงุฌุนูู
Allaha u naxriisto, maanta waxaa naga geeriyooday nin qiimo badan oo si weyn uga baxay bahda waxbarashada Gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan degmada Baraawe, Aasaasihii Iskuulka Al-Nuur (Baraawe), Marxuum Shariif Mohamed Nur bin Mohamed Said Omar.
Geeridiisu waa mid naxdin leh oo murugo ku reebtay dhammaan bulshada, gaar ahaan bahda waxbarashada. Marxuumku wuxuu door weyn ka qaatay horumarinta waxbarashada degmada Baraawe. Wuxuuna ahaa macallin aqoon, akhlaaq iyo hufnaan ku suntanaa,
Waxaan Alle uga baryayaa inuu jannatul Firdowsa ka waraabiyo, qoyskii, ehelkii, ardaydii iyo dhammaan bahda waxbarashadana samir iyo iimaan ka siiyo
Aamiin Aamiin Aamiin
27/01/2026
27-1-2026
Baraawe - Caasimadda Dowladda KGS
Maanta waxaa si guul leh u xirmay tababarka loogu talagalay maamulayaasha dugsiyada degmada Baraawe. Maamulayaasha ayaa waxay muujiyeen dareen aad u wanaagsan, iyagoo ku adkeysanaya in isbeddel dhab ah ay ku sameynayaan dugsiyadooda.
Intii tababarka socday, maamulayaashu ayaa waxay soo jeediyeen in macallimiinta dugsiyada la tababaro lana dhiso siyaasado iyo xeerar adag oo cusub si loo horumariyo tayada waxbarashada. waxay xuseen in wacyigelin dheeri ah loo baahan yahay si ardayda loo siiyo fursadaha ugu fiican.
Guddoonka waxbarashada iyo Agaasinka arimaha bulshada ee degmada Baraawe ayaa la dardaarmay maamulayaasha inay dadaalkooda laba jibaaraan. Waxaana la isku afgartay in la hormariyo qorsheyaal waaweyn oo lagu hagaajinayo waxbarashada degmada.
Si wadajir ah ayaa waxaan ku gaari karnaa isbeddel dhab ah
25/01/2026
25-January-2026
Baraawe - Caasimadda Dowladda KGS
Guddoonka waxbarashada degmada Baraawe Nur Abubakar Nur, iyo agaasinka arrimaha bulshada degmada Baraawe Nur Abdulkadir Saciid, ayaa si rasmi ah u furay tababar muhiim ah oo loogu talagalay maamulayaasha dugsiyada degmada Baraawe.
Tababarkan, oo socon doona muddo 3 beri, waxaana soo qabanqaabiyey Bahda Waxbarashada degmada Baraawe. Waxaa diirada lagu saaraya tayaynta iyo horumarinta dugsiyada si ay uga qeyb qaataan horumarinta waxbarashada degmada.
Kahor tababarkan, dhammaan maamulayaasha ayaa muujiyey rabitaankooda ah in la horumariyo tayada waxbarashada ayna diyaar u yihiin inay ka qeybqaataan. Waxaan rajeynaynaa in tababarku uu keeni doono isbeddel dhab ah oo wax ku ool ah!
22/01/2026
22-Jan-2026
Baraawe - Caasimadda Dowladda KGS
Guddoonka Waxbarashada degmada Barawe, Nur Abubakar Nur, oo uu wehlinaye Agaasinka Waaxda Arrimaha Bulshada Degmada, Nur Abdulkadir Saciid, ayaa waxay maanta kulan muhiim ah la qaateen maamulayaasha dugsiyada.
Kulankan waxaa si qoto dheer looga hadlay:
1. U diyaargarowga imtixaanka shahaadiga ah
2. Ka shaqeynta sare u qaadidda tayada
waxbarashada
3. Wacyigelinta waalidiinta iyo doorkooda
waxbarashada carruurta
4. Qabashada tababaro lagu horumarinayo
aqoonta iyo xirfadaha (Capacity Building)
5. In si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta
guud ee waxbarashada
Kulanka ayaa lagu adkeeyey muhiimada ay leedahay iskaashi, isla-xisaabtan, iyo qorshe mideysan si loo xaqiijiyo waxbarasho tayo leh oo mustaqbal ifaya u horseeda ardaydeena.
20/12/2025
ุฅููููุง ููููููู ููุฅููููุง ุฅููููููู ุฑูุงุฌูุนูููู
Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Shabeellada Hoose, Kormeeraha Waxbarashada Gobolka Shabeellada Hoose, Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Afgooye, Kormeeraha Waxbarashada Degmada Afgooye, iyo dhammaan Howlwadeennada Guddoonka Waxbarashada Gobolka Shabeellada Hoose waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelka, asxaabta, macallimiinta iyo ardayda uu ka baxay ๐๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ก๐ข๐ข ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐๐๐ง ๐๐
๐๐๐ ๐ฆ๐๐๐ ๐๐๐ ๐จ๐จ๐ฒ๐, ๐๐๐ซ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ฆ ๐๐๐ค๐๐ซ ๐๐ฎ๐ฅ๐๐ฒ๐ฆ๐๐๐ง ๐๐๐ ๐๐ง, oo maanta geeriyooday.
Waxaan Alle uga baryeynaa Marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, dambigiisana dhaafo, kana dhigo kuwa naxariistiisa ku raaxeysta. Qoyskii, ehelkii iyo dhammaan bahda waxbarashada ee uu ka baxayna waxaan leenahay Samir iyo Iimaan.
Marxuum Bakar Suleymaan Magan wuxuu ahaa halyeey waxbarasho oo si hagar laโaan ah ugu soo adeegay bulshada, gaar ahaan horumarinta waxbarashada ardayda Degmada Afgooye. Geeridiisu waa khasaare weyn oo soo gaaray waxbarashada iyo bulshada guud ahaan.
ุฅููููุง ููููููู ููุฅููููุง ุฅููููููู ุฑูุงุฌูุนูููู
Allaha u naxariisto Marxuumka, Samir iyo Iimaan Alle ha naga wada siiyo.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Afgoye
