22/07/2025
Afmadow 22, July. 2025 -
Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Afmadow, Mudane Dalmar Caagane Shafat, oo ay weheliyaan Xoghayaha Dowladda Hoose ee degmada, Maxamed Xalane Bashiir, ayaa maanta daah-furay tababar muhiim ah oo diiradda lagu saarayo caawinta iyo badqabka dadka nugul ee ay saameeyeen abaaraha iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah.
Tababarkan oo ah mid kor loogu qaadayo wacyiga bulshada, isla markaana lagu xoojinayo fahamka ku aaddan u adeegidda dadka danyarta ah, ayaa waxaa ka soo qayb galay, Maamulka Degmada, Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka, dhalinyarada Haweenka iyo Wakiillo ka socday hay’adaha IOM, NRC iyo USAID.
Ujeeddada barnaamijkan ayaa ah in la dhiso xiriir iskaashi oo adag oo ka dhexeeya bulshada deegaanka iyo hay’adaha ka howlgala, si loo fududeeyo in si hufan loogu gurmado dadka nugul, loona xaqiijiyo in ay helaan adeegyada aasaasiga ah sida, Biyo nadiif ah, Cunto, Hoy ku meel gaar ah, Iyo taageero caafimaad.
Mashruucan oo ay iska kaashanayaan hay’adaha IOM, NRC iyo USAID, waxa uu qeyb ka yahay dadaallo ballaaran oo lagu yareynayo saboolnimada iyo gaajada, iyadoo xoogga la saarayo sidii bulshada inteeda nugul u heli lahayd nolol waarta iyo fursado horumarineed.
Intii lagu guda jiray furitaanka, mas’uuliyiinta goobta ka hadlay ayaa si isku mid ah u bogaadiyey dadaallada socda, iyagoo tilmaamay in tababarkani yahay mid fure u ah wax ka qabashada xaaladaha adag ee ay la daalaa dhacayaan dadka danyarta ah ee ku nool degmada.
Guddoomiye ku-xigeenka Dalmar Caagane Shafat ayaa sheegay in maamulka degmada Afmadow uu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo hay’adaha fulinaya mashruuca si loo xaqiijiyo in bulshada la gaarsiiyo adeegyada lagama maarmaanka u ah badbaado iyo horumar.
14/07/2025
Guddoomiyaha dagmada Afmadow ahna duqa magaalada Cabdiraxman Macallin Cali(Xaaji Maaji) oo ay weheliyaan xubna ka tirsan ururka hooyooyinka iyo dhallinyarada dagmada ayaa saaka bilaabay dhir beeris lagu sameynayo waddooyinki dib-u-dayactirka dhowaan u soo idlaaday - Dhir beeristan ayaa qayb ka ah dedaalada lagu horrumarinayo bilicda deegaanka iyo ka hortagga xaalufka.
Wajiga labaad ee Dib-u-dhiska Deeganka ayaa si dardar leh u socda iyadoo ay barbar socoto Dhir beeris lagu sameynayo waddada halbowlaha ee isku xirta Afmadow iyo Dhoobley.
Guddoomiya Cabdiraxmaan Macallin Cali(Xaaji Maaji) ayaa ugu baaqay dadka Deeganka inay ka qayb qaataan dib-u-dhiska deeganka iyo soo celinta bilicda magaalada -isagoona intaas raaciyay in isku duubni iyo wada shaqan qoto dheer ay tahay wadada kaliya ee lagu gaari deegaan nabdoon oo horrumarsan
05/07/2025
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa degmada Afmadow si habsami leh uga socday howlaha ballaarinta iyo dayactirka wadooyinka muhiimka ah ee magaalada, kuwaas oo isku xira xaafadaha kala duwan.
Howshan ayaa ah mid ay si wadajir ah uga shaqeynayaan maamulka degmada iyo bulshada degmada, taasoo muujinaysa isku duubni maamulka iyo Bulshada Afmadow ay ku doonayaan in ku hormariyaan degmada.
Guddoomiyaha Golaha deegaanka ahna Duqa Degmada Afmadow, Mudane Cabdiraxmaan Macallin Cali, oo ay wehliyeen Xoghayaha Dowladda Hoose iyo Agaasimaha Maaliyada ayaa maanta si rasmi ah u kormeeray islamarkaana u bilaabay dayactir lagu sameynayo wadada isku xirta Afmadow iyo Dhobley
26/06/2025
Gudoomiyaha golaha deganka ahna duqa degmada Afmadow mudane Abdirahamaan Macalin Ali ayaa maanta dhagax dhigay dugsiga hoose dhexe ee gabdhaha degmada Afmadow
Dhismahan waxaa maalgelinaya mashruuca GPE, waxaana fulinaya hay’adda CARE iyo Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland.
Dugsigan cusub ayaa la filayaa inuu wax ka beddelo xaaladda waxbarashado ee gabdhaha Jubbaland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan degmada Afmadow ee gobolka jubada hoose
14/06/2025
Gudoomiyaha Degmada Afmadow Abdirahman Macalim Ali (Xaaji Maaji) iyo masuuliyiin ka socday Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha, iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubbaland ayaa si rasmi ah degmada Afmadow oga daahfuray imtixaanka dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2024–2025.
Guddoomiyaha oo munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo tayada waxbarashada, isaga oo ardayda kula dardaarmay inay dedaalkooda laba jibaaraan si ay uga mid noqdaan hogaamiyeyaasha mustaqbalka ee Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya.
Sanadkaan, ardayda degmada Afmadow ayaa si buuxda u diyaarsan si ay u gutaan imtixaanka, iyada oo Wasaaradda Waxbarashadu ay hirgelisay nidaamyo cusub oo fududeynaya habsami u socodka imtixaannada, lagana hortagayo wax kasta oo carqalad ku keeni kara geeddi-socodka.
01/05/2025
Guddoomiye kuxigeenka Golaha Deegaanka dagmada Afmadow ahna ku simaha duqa magaalada Dalmar Caagane Shafat oo uu weheliyo xoghayaha Dowladda hoose ee dagmada Afmadow ayaa kulan la qaatay Gudiga dhaqaale ururinta iyo Hormarinta ee Dagmada Afmadow, gobolka Jubbada Hoose.
Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay xubnaha golaha deegaanka, odeyaasha dhaqanka, Haweenka iyo bulshada rayidka qaybaheeda kala duwan.
Ugu horrayn guddoomiyaha ayaa warbixinno kala duwan ka dhagaystay masuuliyiinti ka soo qayb gashay kulanka, waxaana inta badan diiradda lagu saarayay ahmiyadda ay u leedahay Hormarinta mashaariicda horumarineed Deeganka, iyadoona mudnaanta la siinayo wadda isku xirta Magaalooyinka Afmadow iyo Kismaayo.
Ujeedka kulankan ayaa ahaa xoojinta dhinacyada wada shaqaynta bulshada iyo Guddida loo xilsaaray horrumarinta deegaanka.
Gudiga ayaa soo bandhigay howlihii u qabsoomay sanadkii tagay iyo caqabadii aay la kulmeen intii aay shaqada wadeen ayaga oo sheegay inay akoonka ugu jirto lacag ka badan 70,000 oo dollar.
09/04/2025
Wafti ka socday hay'adaha qaramada midoobay ayaa manta soo gaaray degmada Afmadow.
Gudoomiye kuxigeenka degmada ahna kusimaha duqa degmada ayaa waftiga ku qaabilay xafiiska degmada isaga oo ooga warbixiyay xalada guud ee degmada.
Waftiga ayaa booqday xeryaha aay ku noolyihiin dadka kasoo barakacay Degmooyinka aay khawaarijta joogaan ayaga oo u kuurgalay xalada nololeed ee barakacyaasha.
Waftiga wuxuu kale oo uu booqday isbitaalka guud ee degmada. Waxaay sidokale kulan la qateen hay'adaha maxaliga ah ee ka howlgala degmada.
26/12/2024
December 26, 2024; Kulan balaaran oo looga soo horjeedo Faragalinta Qaawan ee eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud iyo Kooxdiisa ka wadaan deegaanada Jubbaland ayaa lagu qabtay degmada Afmadow
Maamulka Gollaha Deegaanka Degmada Afmadow Waxgaradka, Dhaqanka, Dhalinyarada, iyo Haweenka Degmada oo kulan iskugu yimid ayaa waxa ay si adag ooga soo horjeesteen Colaada iyo isku dirka Beelaha Walaalaha ah ee Wada dagan Jubaland ee uu ka dhex-abuuraayaan eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud iyo kooxdiisa.
26/11/2024
Dagmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose ayaa lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu taageerayo madaxwaynaha la doortay ee dowladda Jubbbaland Axmed Maxamed Islam oo shalay loo dhaariyay Jubbaland.
Munaasibadan ayaa waxa ka soo qayb galay maamulka dowlada hoose, Odeyaasha dhaqanka, Ururada Haweenka iyo dhammaan Ururada bulshada qaybahooda kala duwan.
Munaasabaddan ayaa daarnayd soo dhowayn hambalyo iyo bogaadin lagu taageerayo madaxwaynaha cusub ee dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islam.