13/03/2026
Jumce Wanaagsan
-------------------------------
Ka faaidaysta fursadaha qaaliga ah iyo fadliga dheeraadka ah ee ayaamaha kooban ee Ramadaan ka hadhay.
Alle ha inaga yeelo kuwa uu u naxariistay, danbigoodana dhaafay, ee uu naar ka xoreeyay.
06/03/2026
Jumca Wanagaasan
_____________________
Nabigu -NNKHA- waxa uu yidhi:
"Qofka afuriya qof sooman, waxa uu leeyahay ajarka qofkaasi mid la mida iyadoon waxba laga dhimayn ajarka qofkii soomanaa"
22/02/2026
Alle ha inaga aqbalo Salaada Roob Doonta ee dhamaan Dalka laga oogay.
Alxamdulilah Degmada Arabsiyo oo uu hor kacayo Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo, ayaa si wanaagsan looga ooogay.
Madaxwaynaha Qaranka iyo Wasiirka Wasaarada Diinta & Awqaafta waan ku hambalyaynaynaa sida ay u garab istaageen dadka abaaruhu saameeyeen iyo dhamaanba bulshada ree Somaliland.
Alle ha inaga aqbalo soonka iyo cibaadada
17/02/2026
𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 iyo Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Jsl iyo dhamaan shaqaale waynaha WD&A, 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐮𝐠𝐮 𝐇𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐜𝐮𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐢𝐬𝐡𝐚 𝐑𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐚n, 𝐄𝐞𝐛𝐞 𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐈𝐧𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐫𝐚𝐣𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐢𝐧𝐮𝐮 𝐢𝐧𝐚 𝐰𝐚𝐟𝐚𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐤𝐡𝐞𝐲𝐫𝐤𝐚 𝐛𝐢𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐚𝐤𝐚𝐲𝐬𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐑𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐚𝐧.
15/02/2026
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Cabdullaahi Daahir Jaamac (Baashe) oo ku Dhawaaqay Gudida ilaalinta bilashada Bisha Ramadaan .