10/03/2024
Madaxweynaha Maamulka Maakhir state waxa uu umadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Maamulka Maakhir usheegaya in Beri Oo isniin bisha march ay tahay 11 ay tahay soddonka bisha Shacbaan.
Madaxweynahu wuxuu shacabka Ogaysiinaya in Maalinta Talaadada Oo ku beegan 12-March ay tahay Maalinta kowaad Ee bisha Barakaysan Ee Ramadaan.
29/09/2023
MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY TALIYAHA SIRDOONKA NISA EE DOWLADDA MAAKHIR.
laasqoray: 29 september: Madaxweynaha Dowladda Maakhir, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 21 ee 14ka April2022 kuna saabsan dhismaha haayada sirdoonka ee Dowladda Maakhir.
Madaxweynaha Dowladda Maakhir
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Maakhir Qodobkiisa 67-aad
Marku arkay: Aqoontiisaa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la dhiso Haayada sirdoonka ee Dowladda Maakhir.
Markuu la tashtay : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Maakhir.
Wuxuu Xeeriyey:
Magacaabid
1. Waxaa Colaad tuke loo magcaabay taliyaha sirdoonka nisa Ee Dowlada Maakhir
Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA MAAKHIR.
29/09/2023
BAAFIN:
Dowlada MAAKHIR waxay Baafinaysa ninkan sawirkiisu idin Muuqdo Oo lagu Magcaabo Shaafici cirro kaas Oo mudooyinki u dambeeyey ka shaqeynayey Falal Amni daro Degaanada Maakhir. haddaba waxaa la faraaya dhamaan shacabka Maakhir inay meesha ay ku Arkaan xogtiisa la so wadagaan dowlada Maakhir
Wabilaaahi towfiiq
29.09.2023
28/05/2022
DIGNIIN: dhamaan waxaa la faraaya shacab weynaha reer Maakhir inaan ku kadsoomin ciwaanada fake ta ah ee looga been Abuuranayo Pageka Rasmiga Ah ee Dowlada Maakhir,
DHAMAAD
xafiiska warfaafinta Madaxtooyada Maakhir.
14/04/2022
UJEEDO:- MAGACAABID WASIIRKA ARRIMAHA GUDDAHA,FEDERALKA,IYO DIB-UHESHIISINTA DOWLADA MAAKHIR
Xeer madaxwayne LR:04 14 April 2022 Kuna saabsan magacaabid wasiirka Arrimaha guddaha,federalka,iyo dib uheshiisinta dowladda Maakhir.
Madaxwaynaha dowlad goboleedka soomaaliyeed Maakhir
Markuu arkay: Dastuurka dowladda Maakhir qodobka 76aad firqadiisa 2aaad
Markuu dhagaystay: tallo soojeedinta madaxwayne kuxigeenkiisa si waafaqsan sharciga Lr.20 qodobka 13aad firqadiisa 1aad
Markuu tixgaliyey: Aqoonta iyo waaya-aragnimada mudanaha jagada soosocota loo magacaabayo
WUXUU SOO SAARAY XEERKAN
*Qodobka 1aad*
Magacaabid wasiir
Laga bilaabo caawa oo ay taariikhdu tahay 13- April 2022 waxa uu madaxwaynuhu magaacabay mudane Abdirizak Osman Abdi in uu noqdo Wasiirka Arrimaha guddaha,federalka,iyo dib uheshiisinta dowladda Maakhir.
*Qodobka 9aad*
Dhaqan-galka xeerkan
Xeerkan waxa uu dhaqan-gal noqonayaa marka uu saxeexo madaxwaynaha dowladda Maakhir wuuna saxeexay.
DHAMAAD
ALLAA MAHAD LEH
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA MAAKHIR
14/04/2022
MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE EE DOWLADDA MAAKHIR.
laasqoray: 14 April 2022: Madaxweynaha Dowladda Maakhir, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 21 ee 14ka April2022 kuna saabsan dhismaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Maakhir.
Madaxweynaha Dowladda Maakhir
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Maakhir Qodobkiisa 90-aad
Marku arkay: Aqoontiisaa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Dowladda Maakhir.
Markuu la tashtay : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Maakhir.
Wuxuu Xeeriyey:
Magacaabid
1. Waxaa Mukhtaar salaad ciise loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dowladda Maakhir
Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA MAAKHIR.
13/04/2022
UJEEDO:- MAGACAABID WASIIRKA QORSHAYNTA IYO ISKAASHIGA CAALAMIGA AH
Xeer madaxwayne LR:01 13 April 2022 Kuna saabsan magacaabid wasiirka Qorshaynta iyo iskaashiga dowladda Maakhir
Madaxwaynaha dowlad goboleedka soomaaliyeed Maakhir
Markuu arkay: Dastuurka dowladda Maakhir qodobka 76aad firqadiisa 2aaad
Markuu dhagaystay: tallo soojeedinta madaxwayne kuxigeenkiisa si waafaqsan sharciga Lr.20 qodobka 13aad firqadiisa 1aad
Markuu tixgaliyey: Aqoonta iyo waaya-aragnimada mudanaha jagada soosocota loo magacaabayo
WUXUU SOO SAARAY XEERKAN
*Qodobka 1aad*
Magacaabid wasiir
Laga bilaabo caawa oo ay taariikhdu tahay 13- April 2022 waxa uu madaxwaynuhu magaacabay mudane Ahmed said Ahmed in uu noqdo Wasiirka Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Dowlada Maakhir
*Qodobka 9aad*
Dhaqan-galka xeerkan
Xeerkan waxa uu dhaqan-gal noqonayaa marka uu saxeexo madaxwaynaha dowladda Maakhir wuuna saxeexay.
DHAMAAD
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Wafaafinta Madaxtooyada Maakhir
05/04/2022
DOWLADDA MAAKHIR OO JOOJISAY WADASHAQEYNTA RW ROOBLE EE ARRIMAHA DOORASHOOYINKA
DHahar, 5ta Abriil, 2022: Dowlad Maakhir waxay caddeynaysaa in go’aanka kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha uu yahay mid sharci darro ah oo baal marsan go’aannadii iyo heshiisyadii wadar-ogolka ahaa ee ay dajisay Madasha Wadatashiga Qaranka.
Dowladda Maakhir marnaba ma aqbali doonto damaca shakhsiga ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble oo muddooyinkii u dambeeyay xadgudub joogta ah ku hayay madax bannaanida Guddiyada Doorashooyinka.
Dowladda Maakhir waxay si dhaw ula socotay in Ra’iisul Wasaaraha uu si sharci darro ah oo dano siyaasadeed ay ku jiraan uu u hor istaagay kuraas habraac sax lagu doortay, wuxuuna ka dhaga adaygay inuu joojiyo faragelinta qaawan ee uu ku hayay doorashooyinka Dalka.
Dowlada Maakhir waxay shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka la wadaagaysaa in laga bilaabo xilliga ay warqaddan soo baxday ay joojisay wadashaqeyntii kala dhaxaysay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee arrimaha taabbo-gelinta doorashooyinka, uuna lumiyay kalsoonidii hoggaaminta doorashada dalka oo haatan u baahan in laga samatabixiyo.
Dowladda Maakhir waxay qaadaysaa tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso sarreynta sharciga iyo nidaamka Federaalka ah ee ay Soomaali ku heshiisay, waxayna cod dheer ku sheegaysaa in carqalad kasta oo doorashada ku timaado uu masuul ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
DHAMMAAD
01/04/2022
MADAXWEYNE DOWLADDA MAAKHIR OO CURASHADA BISHA RAMADAAN AWGEED HAMBALYO U DIRAY UMADDA SOOMAALIYEED.
xingalol: 01, Abriil, 2022: Madaxweynaha Dowladda Maakhir ayaa hambalyo ku aaddan bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan u direy dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta ku nool Caalamka.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay is cafiyaan oo ay isu gargaaraan kana faaideystaan acmaasha bishaan barakeysan ee Ramadaan.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn u duceeyay shacabka Soomaaliyeed isagoo Ilaahay uga baryay inuu ka aqbalo soonka iyo cibaadada bishan barakeysan ee Ramadaan, kuwooda xanuunsana uu Ilaahay caafimaad deg deg ah siiyo.
-DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA MAAKHIR
31/03/2022
MADAXWEYNAHA DOWLADA MAAKHIR OO SAMEEYEY MAGCAABIS WASIIRKA AMNIGA MAAKHIR
Laasqoray: Xeer Madaxweyne Lr. 14 ee 31ka March 2022 kuna saabsan magacaabid wasiirka AMNIGA.
Madaxweynaha Dowladda Maakhir
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Maakhir Qodobkiisa 99aad faqradiisa 12aad.
Marku arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadisa shaqo.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo wasiirka Amniga Dowlada Maakhir.
Wuxuu Xeeriyey:
1. Waxaa xaaji Tuuje Tuuje loo magcaabay wasiirka Amniga Dowlada Maakhir.
Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA MAAKHIR