Talo-samo Institute

Talo-samo Institute

Share

Talo-samo Research & Training Institute is a center for excellence in research, seminars, and capacity-building training.

We empower individuals and organizations through knowledge and skills development.

17/02/2026

Waxaan dhammaan umada Soomaaliyeed ugu hambalyeyneynaa curashada bisha barakaysan ee Ramadaan. Ilaahay ha inaga dhigo kuwii nabad ku sooma, nabadna ku afura, acmaashoodana la aqbalo.

.

.

28/01/2026

Talo-Samo Institute – Research Update

Talo-Samo Institute waxa ay si rasmi ah u bilowday wajiga xog-ururinta ee cilmi-baaris muhiim ah oo cinwaankeedu yahay:

“Public Perception of Governmental Services".

Cilmi-baaristan waxa ay ujeedkeedu yahay in la fahmo:

sida ay muwaadiniintu u arkaan tayada dahfurnanta iyo helitanka adeegyada dowlada,

Talo-Samo Institute waxay ugu baaqaysaa dhammaan muwaadiniinta ka qaybqaadanaya in ay si daacad ah u bixiyaan aragtidooda, maadaama natiijooyinka cilmi-baaristan lagu taageeri doono:

horumarinta adeegyada dowladeed,
talooyin siyaasadeed (policy recommendations),
iyo qorsheyaal wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo dawlad-wanaagga.

Waxaan idinla wadaagi doonnaa natiijooyinka iyo warbixinta dhamaystiran marka cilmi-baaristu soo gebogeboobo.

Talo-Samo Institute.
https://forms.gle/CpE6WUsAZSuQxwyeA.

.

.

02/12/2025

Talo-Samo Institute waxay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo bilowga daraasad cilmi-baaris ah .
oo lagu baarayo sida dad waynuhu u arkaan "tayada, hufnaanta, iyo helitaanka adeegyada dowliga ah".

Ujeedada daraasaddan waa in la fahmo aragtida bulshada, la aqoonsado caqabadaha jira, iyo in laga soo saaro talooyin ku saabsan horumarinta adeegyada dadweynaha.

🗓️ Bilowga Daraasadda:2 December 2025
🏢 Goobta: Talo-Samo Institute, Mogadishu

Ka qeybgalkaaga wuxuu naga caawinayaa in aan si sax ah u fahamno baahiyaha bulshada oo aan u horumarino adeegyada dowliga ah.

.

22/11/2025

Asalaamu Caleykum Macallimiinta Sharafta Leh.

Agaasimaha macadka Talo-samo Institute iyo Dhamaan Hoolwadenada waxey maalinta Farxada leh la qeebsanayaan Dhamaan macalimiinta gaar ahaan macalamiinta somaaliyed .

Mahadsanidiin dulqaadka aad u leedihiin safarkan dheer ee kobcinta jiilka.
Mahadsanidiin waqti-gelinta joogtada ah.
Mahadsanidiin inaad na siisaan wax ka badan cashar—waxaad na siisaan mustaqbal, hoggaan iyo iftiin.

Waxaan Eebe ka baryaynaa inuu barakeeyo shaqadiinna, idiin siyaadiyo caafimaad iyo xoog, oo uu ka dhigo camal khayr leh oo sii socda.

Hambalyo Hamblyo Maalinta Macallimiinta Soomaaliyeed!
Waxaad tihiin iftiinka aan ku socono.

Photos from Talo-samo Institute's post 29/10/2025

October 28, 2025.

Waxaa si habsami leh noogu soo dhammaaday tababarkeenii Research Capacity Building Program.
Tababarkan oo ahaa mid aad muhiim u ah ayaa waxaa ka faa’iideystay dhalinyaro kala duwan oo xiiseynayey sidii ay u horumarin lahaayeen xirfadahooda cilmi-baariseed.
Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan ka qeybgalayaasha, tababarayaasha, iyo cid kasta oo gacan ka geysatay guusha barnaamijkan.




Photos from Talo-samo Institute's post 27/10/2025

Day 2.

Maalintii labaad ee tababarkeennii Capacity Building Program ayaa si habsami leh inoogu qabsoomay.

Maanta tababarka waxaan diiradda lagu saarayey mowduuca “Mastering Survey Design and Data Collection”, iyadoo ka qaybgalayaashu ay si firfircoon uga wada hadleen hababka ugu waxtarka badan ee lagu sameeyo naqshadaynta iyo ururinta xogta.






27/10/2025

Kalmadda Agaasimaha Machadka Talo-samo Institute Mudane Ismaill Omar Yusuf Nadaara.

Photos from Talo-samo Institute's post 27/10/2025

Tababar: Capacity Building Program.

Shalay, taariikhduna ahayd 26 Oktoobar 2025, waxaa si guul leh noogu qabsoomay tababar ciwankiisu ahaa Capacity Building Program.

Tababarkani oo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxay ujeeddadiisu tahay in lagu kordhiyo aqoonta iyo xirfadda cilmibaarista, si loo xoojiyo kartida iyo awoodda cilmi-baariseed ee dhalinyarada soomaaliyeed.

Photos from Talo-samo Institute's post 27/10/2025

Hordhac: Sawiro



24/10/2025

Fadliga maalinta jimco ay ledahay & wax

Yaalaha la Rabo in aan ugu faa,ideesano.

Kuwii Ka faa,ideesto allaha ha Naga dhigo .

جمعة مباركة

Photos from Talo-samo Institute's post 06/10/2025

Internship Program of Research

Talo-Samo waxa ay bilaabaysaa Internship Program of Research oo socon doona muddo sadaxbilood ilaa iyo afar Bil ( 3_4 months) ah.
Barnaamijkan waxa uu ujeedkiisu yahay in lagu kordhiyo xirfadaha iyo aqoonta cilmi-baariseed ee dhalinyarada Soomaaliyeed, si ay ugu qalmaan inay door muuqda ka qaataan cilmi-baarista iyo horumarinta bulshada.

Barnaamijkan internship-ka waxa uu fursad siineyaa dhalinyarada jaamacadaha iyo kuwa dhammaystay waxbarashada sare si ay u bartaan xirfadaha cilmi-baarista (research skills), u helaan qibrad shaqo, iyo inay si toos ah uga qayb qaataan mashaariic cilmi-baariseed oo ka socda Talo-Samo Institute.

Shuruudaha Xulashada (Eligibility Criteria)

Si aad ugu qaybqaadato internship-kan, waa in aad soo gudbisaa dukumiintiyada soo socda:

1. CV cusub.
2. Motivational Letter oo si kooban u sharxaysa sababta aad rabto internship-ka iyo sida aad u daneyneyso cilmi-baarista.
3. Academic Certificates ama University ID Card oo muujinaya heerkaaga waxbarasho.

Fiiro gaar ah: Dhammaan dukumiintiyada waa in lagu soo gudbiyaa qaab PDF ah .

Faa’iidooyinka Internship-ka (Benefits)

1. Qibrad Shaqo (Research Experience): Ka qaybgalayaasha waxay heli doonaan waayo-aragnimo toos ah oo ku saabsan cilmi-baarisyo dhab ah.
2. Aqoon Kororsi iyo Tababaro Cilmiyed: Waxaa la siin doonaa tababaro ku saabsan hababka cilmi-baarista, xog uruurinta, iyo falanqaynta xogta.
3. Shahaado Ka-qaybgal:
Ka dib marka internship-ku dhamaado, waxaa la siin doonaa Certificate of Participation.
4. Fursad Isxiriir:
Waxaa la heli doonaa fursad lagu dhiso xiriir shaqo (networking) lala yeesho cilmi-baarayaal iyo khubaro kale.
5. Suprise Gaar Ah:
Ka qaybgalayaasha ugu firfircoon ama waxqabadka ugu wanaagsan la yimaada waxay heli doonaan abaalmarin gaar ah.

Mudada Codsiga:
Codsiyada waxaa la aqbalayaa laga bilaabo 6 Oktoobar ilaa 12 Oktoobar.

Ujeedka Guud:
Barnaamijkan Internship-ka wuxuu qayb ka yahay dadaallada Talo-Samo Institute ee lagu horumarinayo aqoonta cilmi-baarista, tababarka dhalinyarada, iyo dhisidda awoodda cilmiyed ee bulshada Soomaaliyeed.

https://forms.gle/az8WeyQtJ2SXkouF9

Follow this link to join my WhatsApp group: https://chat.whatsapp.com/G7SxSAfPjaC8QxKrtJmPF4?mode=ems_wa_t

09/09/2025

Agaasimaha Guud ee Talo-samo Institute, Mudane Ismail Omar Yusuf Nadaara, isagoo kaashanaya Ku-xigeenkiisa, Marwo Muntaz Ibraahim Ma’ow ayaa maanta golaha fulinta ee machadka u magacaabay xubnaha hoos ku xusan:

Mariam Adan Isak_ Madaxa Tababarada iyo siminaarrada.

Khalid Abdi Dirie – Madaxa Warfaafinta (Media)

Sucdi Abdisamed Abdala – Madaxa Maaliyadda

Badri Mohamed Abdishir – Madaxa Cilmi-baarista

Magacaabistan waxay qeyb ka tahay dadaalka lagu xoojinaayo hufnaanta maamulka, tayeynta shaqada, iyo horumarinta qorshayaasha istiraatiijiga ah ee machadka.




Want your business to be the top-listed Government Service in Banadir?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Mogadishu
Banadir