7) Dowladnimo hufan oo muwaadiniintu la xisaabtami karaan. UJEEDOOYINKA XISBIGA NABADDA IYO HORUMARKA (PDP) WAA IN LA:
1) Dhiso maamul dowladadeed oo ka hana qaada dhamaan Soomaaliya, soona celiya midnimadii qaranka, kala danbeyntii, sharcigii, iskaashigii iyo walaaltinimadii Shacabka soomaaliyeed.
2) Siiyo muhimadda kowaad dib u dhiska nabadda iyo dib u heshiisiinta siyaasadda iyo bulshada guud ahaan.
3) Dhowraa xuquuqda muwaaddinka soomaaliyeed, sida diintiisa, noloshiisa, Sharaftiisa, maalkiisa, iyo caqligiisa si loo helo muwaadin guta waajibaadkiisa qaran.
4) Xoojiyaa lana dhiirigeliyaa baahinta dhaqanka nabadda, wadatashiga, maamul wanaagga, u hoggaansanka sharciga, Madaxbannaanida garsoorka, la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo kutagrifalidda awoodaha dowladnimadda.
5) Helo in dastuur joogto ah oo waafaqsan Shareecada Islaamka isla markaasna xaqiijinaya nidaamka Xisbiyada badan si talada dalka loola kala wareego si nabad ah.
6) Dhiirrigeliyo kobcinta dhaqaalaha, lana xaqiijiyo cadaalad ku qeybsiga kheyraadka dalka.