13/05/2025
Al-Rijaalu Mawaaqif
Waxaan halkan uga hambalyaynayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa Shirwaynaha Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka uu u doortay inuu noqdo Guddoomiyaha ahna Musharraxa Ururka.
Waxaan u rajaynayaa Madaxwaynaha guul, aniga oo sidoo kale Xubnaha Ururka ku ammaanaya sida ay u guteen waajibaadkooda ku aaddan doorashada hoggaanka Ururka iyo ansixinta Dastuurka.
07/05/2025
Hassan Sheekh waxuu dadka ugu khudbeeyaa innuu dalka argagixisada ka bixinaayo, dhanka lakana qoyskiisa ayaa sababa inneey dhalinyarada xagjiroobaan
06/05/2025
Dalka looma af-Duubi karo Odayd iyo Qoyskiis
06/05/2025
Wargallin
Anigoo ah Safiir ku xiggeenka Safaaradda Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliyeed ee South Africa waxaan aqbalay cabashadda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Limpopo.
Haddaan nahay Danjirayaasha ka howlgalo Safaaradda Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliyeed waxaa naga go’an u shaqeynta Jaaliyadda, anagoo ilaalineyno Akhlaaqda Diblumaasiyadeed ee nagula soo carbiyay.
Safaaradda Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliyeed waxeey u furan tahay ama u adeegtaa muwaadin walbo oo Soomaaliyeed bilaa shuruud; sidaas darteed waxaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ka codsaneynaa inneey tabashadooda si toos ah noolla soo hor fariistaan ama ay si dadban noogu soo gudbiyaan
Safaaradda waa Safaaradiina waxaanna idinku boorineynaa innaad nalla soo xariirtiin
Mahadsanidiin
06/05/2025
Dowladnimada waxeey ku shaqeysaa hannaan loo jeexay, dadka dowladnimada ka shaqeeyana waxaa la soo baraa sida ay hannaankaas ugu dhex shaqeyn lahaayeen
Waxii ka soo haro waa ciyaar aan wax natiijo ah laheyn, daawadayaashanna macana uma sameeyneyso dadka, Xiisaha ciyaarta waxuu ku jiraa Xeeeyndaabka.
Inna Mari
05/05/2025
Wasaaradii Gaashaandhigga markuu Kabiirka tagay waa kaas Ameerika MINKA furtay!
30/04/2025
Aniga waxaan u soo joogay Caananuug oo iga orod badan, Labadiisa lugna leh haddana Xildhibaan ah
Caananuug ma ahan Jiis; Soomaaliyeey yaanan Qaranka iska caayin. Ninkaas waxaa naafeeyay Mooryaan Diimeedka Al-Shabaab.
Argagixisada calaamadaha ay dadka u sameysay ayaan isku caayneynaa, Qaran noocee ah ayaan nahay
29/04/2025
Intaan ku jiray Siyaasadda Soomaliya waxii iigu naxdinta badnaay ee aan maqlo waxeey ahey in Cali Balcad Iyo Ra’iisul Wasaraha dalka ay isku heystaan qofka loo magacaabi lahaay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada.
Xogtii ugu danbeysay ee aan helay waxeey aheyd in Cali Balcad looga adkaaday innu Wasiirka Arrimaha Dibadda geysto Nin YouTuber ah ee uu Mareykanka ka soo wariday, cida uu Cali Balcad uga adkaan rabay innuu Youtuber kaas kursiga ku fadhiisyo cid kale ma ahan Waa Ra’iisul Wasaare Xamze oo ah Wasiirka Koowaad
Waxaan jognaa Dal ay Wasiiru Dowle iyo Ra’iisul Wasaare isku qabsadaan calaameynta kursi.
Fasahaad