04/04/2026
4-April-2026
Baraawe - Caasimada KGS
Guddoonka Waxbarashada Degmada Baraawe, Nur Abubakar Nur Nurshe ayaa kormeer ku sameeyey dugsiyada degmada, isagoo u kuurgalay xaaladda waxbarashada ardayda iyo heerka uu marayo manhajka.
Inta lagu guda jiray kormeerka, Guddoonka ayaa khudbad dhiirrigelin iyo baraarujin leh u jeediyey ardayda shahaadiga, isagoo ku boorriyey in ay si dhab ah ugu diyaar garoobaan imtixaanka shahaadiga ah, kana faa’iideystaan fursadaha waxbarasho ee ay haystaan, si ay uga gaaraan natiijooyin wanaagsan.
Sidoo kale, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray dabagalka manhajka waxbarashada, maadaama imtixaanaadka shahaadiga ahi soo dhow yihiin.
Waxbarasho waa furaha mustaqbalka – ku dadaala guusha!
14/03/2026
14-Maarso-2026
HAMBALYO HAMBALYO
Guddoonka Waxbarashada Degmada Baraawe Mne Nur Abubakar Nur ayaa wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa tartamayaasha Degmada Baraawe ee ka qeybgalay Tartanka Aqoon iyo Aqlaaq.
Tartamayaasha ayaa caawa si sharaf leh uga adkaaday dhigooda Deynuunaay heerka Semi-Finalka, isla markaana u gudbay Finalka tartanka, halkaas oo ay ku wajihi doonaan degmada Waajid.
Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaalka, kartida, aqoonta iyo akhlaaqda suuban ee ay muujiyeen macallimiintooda, taasoo sharaf u ah guud ahaan bulshada Baraawe.
Waxaana ugu mahadcelinaynaa dhamaan dadkii ka qeybqaatay, fududeeyay, taageeray ama dhiirrigeliyay tartankan oo ka mid ah macallimiinta, ardayda, aqoonyahanada iyo maamulka degmada.
Waxaan u rajaynaynaa tartamayaasha Baraawe guul weyn Finalka, iyo inay hanan doonaan kaalinta koowaad, Insha’Allah.
Baraawe waa hormuudka aqoonta iyo akhlaaqda.
13/03/2026
HAMBALYO IYO BOGAADIN
Guddoonka Waxbarashada Degmada Baraawe ayaa hambalyo iyo bogaadin u diraya dhammaan tartamayaasha Degmada Baraawe oo uu hoggaaminayey Agaasinka Waaxda Arrimaha Bulshada, kuwaas oo caawa guul weyn ka soo hooyey dhiggooda Degmada Afgooye, ee Tartanka Aqoon iyo Aqlaaq
Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaalka, kartida iyo wadajirka macallimiinta, aqoonyahanada iyo masuuliyiinta degmada.
Waxaan rajaynaynaa in ay sii wadaan guulaha iyo horumarka ay bulshada ku faani karto.
Hambalyo mar kale
17/02/2026
Guddoonka Waxbarashada Degmada Baraawe wuxuu ugu bishaaraynayaa dhammaan bulshada Koonfur Galbeed, gaar ahaan bulshada degmada Baraawe in maalinta beri ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakaysan ee Ramadaan.
Sidoo kale, waxaan u rajaynaynaa dhammaan maamulayaasha, macallimiinta iyo ardayda inay ku soomaan caafimaad qab, iimaan iyo cibaado suuban.
Waxaan Alle ka baryeynaa inuu bishan ka dhigo mid kheyr, barako, dambi dhaaf iyo naxariis leh oo inoo wada horseedda horumar iyo is-afgarad bulsho.
Ramadaan Kariim 🌙
17/02/2026
17-Febraayo-2026
Baraawe
Guddoonka Waxbarashada Degmada Baraawe Nur Abubakar Nur, ayaa Maanta ka qeyb galay kulan ciyaareed kubadda cagta ah oo heer final ah, kaasoo uu soo qabanqaabiyay dugsiga Al-Nuureyni, looguna talagalay ardayda dugsiga.
Waxaana si gaar ah hambalyo ugu diray fasalka 8aad (A) oo ku guuleystay ciyaarta, kuna soo bandhigay dadaal, xirfad iyo ciyaar wanaagsan.
Ciyaarahan noocan oo kale ah waa kuwo muhiim u ah horumarinta ardayda, maadaama ay ka qeyb qaataan dhisidda jirka, kobcinta maskaxda, iyo dhiirrigelinta tartanka wanaagsan ee ka dhex jira ardayda.
Waxaan ku bogaadinayaa maamulka iyo dhamaan macallimiinta dugsiga Al-Nuureyni dadaalka ay ku bixiyeen abaabulka barnaamijkan qiimaha leh.
05/02/2026
إنا لله وإنا اليه راجعون
Allaha u naxriisto, maanta waxaa naga geeriyooday nin qiimo badan oo si weyn uga baxay bahda waxbarashada degmada Baraawe, Aasaasihii Iskuulka Al-Nuur, Marxuum Shariif Mohamed Nur bin Mohamed Said Omar.
Geeridiisu waa mid naxdin leh oo murugo ku reebtay dhammaan bulshada, gaar ahaan bahda waxbarashada. Marxuumku wuxuu door weyn ka qaatay horumarinta waxbarashada degmada Baraawe. Wuxuuna ahaa macallin aqoon, akhlaaq iyo hufnaan ku suntanaa,
Waxaan Alle uga baryayaa inuu jannatul Firdowsa ka waraabiyo, qoyskii, ehelkii, ardaydii iyo dhammaan bahda waxbarashadana samir iyo iimaan ka siiyo
Aamiin Aamiin Aamiin
27/01/2026
27-1-2026
Baraawe - Caasimadda Dowladda KGS
Maanta waxaa si guul leh u xirmay tababarka loogu talagalay maamulayaasha dugsiyada degmada Baraawe. Maamulayaasha ayaa waxay muujiyeen dareen aad u wanaagsan, iyagoo ku adkeysanaya in isbeddel dhab ah ay ku sameynayaan dugsiyadooda.
Intii tababarka socday, maamulayaashu ayaa waxay soo jeediyeen in macallimiinta dugsiyada la tababaro lana dhiso siyaasado iyo xeerar adag oo cusub si loo horumariyo tayada waxbarashada. waxay xuseen in wacyigelin dheeri ah loo baahan yahay si ardayda loo siiyo fursadaha ugu fiican.
Guddoonka waxbarashada iyo Agaasinka arimaha bulshada ee degmada Baraawe ayaa la dardaarmay maamulayaasha inay dadaalkooda laba jibaaraan. Waxaana la isku afgartay in la hormariyo qorsheyaal waaweyn oo lagu hagaajinayo waxbarashada degmada.
Si wadajir ah ayaa waxaan ku gaari karnaa isbeddel dhab ah
25/01/2026
25-January-2026
Baraawe - Caasimadda Dowladda KGS
Guddoonka waxbarashada degmada Baraawe Nur Abubakar Nur, iyo agaasinka arrimaha bulshada degmada Baraawe Nur Abdulkadir Saciid, ayaa si rasmi ah u furay tababar muhiim ah oo loogu talagalay maamulayaasha dugsiyada degmada Baraawe.
Tababarkan, oo socon doona muddo 3 beri, waxaana soo qabanqaabiyey Bahda Waxbarashada degmada Baraawe. Waxaa diirada lagu saaraya tayaynta iyo horumarinta dugsiyada si ay uga qeyb qaataan horumarinta waxbarashada degmada.
Kahor tababarkan, dhammaan maamulayaasha ayaa muujiyey rabitaankooda ah in la horumariyo tayada waxbarashada ayna diyaar u yihiin inay ka qeybqaataan. Waxaan rajeynaynaa in tababarku uu keeni doono isbeddel dhab ah oo wax ku ool ah!
22/01/2026
22-Jan-2026
Baraawe - Caasimadda Dowladda KGS
Guddoonka Waxbarashada degmada Barawe, Nur Abubakar Nur, oo uu wehlinaye Agaasinka Waaxda Arrimaha Bulshada Degmada, Nur Abdulkadir Saciid, ayaa waxay maanta kulan muhiim ah la qaateen maamulayaasha dugsiyada.
Kulankan waxaa si qoto dheer looga hadlay:
1. U diyaargarowga imtixaanka shahaadiga ah
2. Ka shaqeynta sare u qaadidda tayada
waxbarashada
3. Wacyigelinta waalidiinta iyo doorkooda
waxbarashada carruurta
4. Qabashada tababaro lagu horumarinayo
aqoonta iyo xirfadaha (Capacity Building)
5. In si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta
guud ee waxbarashada
Kulanka ayaa lagu adkeeyey muhiimada ay leedahay iskaashi, isla-xisaabtan, iyo qorshe mideysan si loo xaqiijiyo waxbarasho tayo leh oo mustaqbal ifaya u horseeda ardaydeena.
31/12/2025
31-12-2025
Baraawe - Caasimada Koonfur Galbeed Soomaaliya
Magaalada Baraawe ayaa maanta lagu qabtay banaanbax oo si weyn looga taageeray midnimada Soomaaliya! 🇸🇴
Ardayda iskuulaadka degmada ayaa si firfircoon uga dhex muuqday banaanbaxa, iyagoo muujiyay dareenkooda waddaninimo iyo rabitaankooda midnimo. Ardayda maanta waa iftiinka mustaqbalka berri! ✨
Maamulka degmada, Kormeeraha Waxbarashada, waaxda arrimaha bulshada iyo maamulayaasha dugsiyada ayaa door muuqda ka qaatay qabanqaabada, taasoo tusaale u ah wada shaqeyn iyo garab istaag bulshada dhexdeeda ah.
05/12/2025
Caasimada Dowlada Koonfurgalbeed Baraawe
5- December, 2025
Innaa Lillaahi WA Innaa Ilayhi Raajicuun.
Tacsi Tiiraanyo:
Guddonada Waxbarashada ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay halkaan ka dirayaan tacsi tiiraanyo leh oo ku aaddan geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alle ha u naxariistee Ibrahim Mohamed Garon, Guddoomihii Waxbarashada Degmada Qansaxdhere ee Gobolka Bay.
Waxaa naga geeriyooday shaqsi bulshada iyo waxbarashada ku lahaa kaalin muuqata oo aan la ilaawi doonin, gaar ahaan bahda waxbarashada, maamulka degmada Qansaxdhere iyo guud ahaan shacabka Koonfur Galbeed.
Marxuumku wuxuu ahaa shaqsi aad u adeeg badan bulshada, hawlkar ah, kuna suntanaa edeb, daacadnimo iyo hufnaan. Wuxuu bulshada u ahaa tiir muhiim ah oo laga wada marag kacay hawlkarnimo, karti iyo u-taagnaansho danta guud, isagoo door muuqda ka qaatay horumarinta waxbarashada Degmada Qansaxdhere.
Guddonada Waxbarashada KGS waxay ehelka, qaraabada iyo dhammaan bahweynta waxbarashada Qansaxdhere la wadaagayaan murugada, waxaana Ilaahay uga baryeynaa inuu marxuumka u naxariisto, jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaanteennaba samir iyo iimaan Ilaahay ha inaga siiyo.
Guddonada Waxbarashada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya
22/11/2025
22 - November-2025
Baraawe
Xuska Maalinta Macallinka Soomaaliyeed – 21 November 2025 🇸🇴
Waxaa magaalada Baraawe lagu qabtay munaasabad lagu xusayo Maalinta Macallinka Soomaaliyeed, taas oo uu si gaar ah u soo agaasimay Xafiiska Guddoonka Waxbarashada Degmada.
Munaasabadda waxaa ka soo qeybgalay Kormeeraha Waxbarashada Degmada Najib Mohamed Abu, Iskuduwaha Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta, Gudoomiyaha ururka Haweenka, maamulayasha dugsiyada, odeyasha dhaqanka, masuuliyiin kale, macallimiinta iyo ardayda, iyadoo si qiiro leh loo xusay doorka qiimaha badan ee uu macallinku ku leeyahay horumarka bulshadeena.
Macallinku waa tiirka iftiinka – Mahadsanidin dhamaan macallimiinta Soomaaliyeed