Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Share

This is the Official Facebook Account of Office of the Attorney General Southwest State of Somalia.

Photos from Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya's post 03/12/2025

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed Dr. Ali Said Fiqi, ayaa ka qeybgalay munaasabadda Dhaarinta Garsoorka Gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo lagu qabtay Aqalka Madadtooyada Magaalada Baydhabo.

Munaasabaddan ayaa lagu dhaariyey masuuliyiinta cusub ee Garsoorka Gobolka, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed, Gudoomiyaha Maxkamada Sare Mudane Ahmed Ali Muusa iyo Raisul Wasaare ku xigeenkii H**e ee Dalka Mdane Abduhaab Ugaas Khaliif.

Dr. Ali Said Fiqi ayaa ku bogaadiyey Garsoorka Gobolka Shabeelaha Hoose dadaalka ay ku bixinayaan xoojinta Cadaaladda, ilaalinta sharciga, iyo kor u qaadista kalsoonida Bulshada isaga oo xusay in Dowladda Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay horumarinta Garsoorka iyo dhismaha Hay’adaha muhiimka ah ee u adeega Shacabka.

ku-simaha Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey masuuliyiinta la dhaariyey in ay ugu adeegaan bulshada si hufan, kuna shaqeeyaan Caddaalad, daahfurnaan, iyo mas’uuliyad.

Photos from Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya's post 02/12/2025

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Koonfur Galbeed, Aadan Muqtaar Suuri, ayaa maanta magaalada Baraawe ka furay aqoon kororsi oo loo qabanayey qaar kamid ah Ciidanka Booliska degmada Baraawe. Aqoon kororsigan ayaa diiradda lagu saaray habraacyada sharci ee loo maro marka la soo qabanayo eedeysane, iyo sidoo kale shuruucda ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta inta uu socdo baarista.

Munaasabadda furitaanka waxay ka dhacday gudaha Saldhiga Booliska degmada Baraawe, waxaana kasoo qeyb galay Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan saldhigga, kuwaas oo ka faa’iideysanaya aqoon kororsi ku saabsan habraaca saxda ah ee sharciyeed.

Waxaa sidoo kale munaasabadda goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Baraawe, Muqtaar Aba Nuur Mayiike,

30/11/2025

Maxkamadda Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta fadhigii labaad u fariisatay kiis dil ah

Xafiiska Xeer-ilaaliyuhu wuxuu maxkamadda horgeeyay caddeymo i oo la xiriirta kiiska dilka ah,

Photos from Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya's post 29/11/2025

Maxkamadda G/Shabellada Hoose ayaa maanta u fadhiisatay dhagaysiga Kiis Dil ah oo loo heysto eedeysane Maxamed aadan isaaq.

Fadhiga maxkamadda oo ay goob joog ka ahaayeen garsoorayaasha, iyo Xeer ilaaliyaha Guud Dowladda Koofur Galbeed Somalia Mudane Adan Muqtaar Suuri iyo qareenada
iyo ehellada labada dhinac
ayaa si rasmi ah loogu bilaabay dhegeysiga 1 Kowaad Ee dacwadda

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa maxkamadda horgeeyey faahfaahinta kiiska, isagoo soo bandhigay caddeymo iyo markhaatiyo ku saabsan eedda loo haysto eedeysanaha. Dacwadda ayaa si habaysan loogu akhriyey maxkamadda, waxaana la isla gartay in marqaatiyo dheeri ah lagu soo bandhigo fadhiyada xiga.

Garsooraha maxkamadda ayaa caddeeyey in maxkamaddu sii wadi doonto dhagaysiga kiiska, isaga oo xusay in muhiim ay tahay in la soo gudbiyo dhammaan caddeymaha sharciyeed ee kiiska khuseeya si loo gaaro go’aan cadaalad ah.

Fadhiga maanta ayaa kusoo dhammaaday iyadoo maxkamaddu dib u dhigtay dhagaysiga, waxaana la qorsheeyey in beri mar kale la isugu soo laabto si loo sii wado dhageysiga kiiska iyo soo bandhigidda caddeymo kale oo muhiim ah.

Wabillahi Towfiiq

-

01/08/2025

Xeer ilaaliyaha Guud Ee Koonfur Galbeed ayaa Booqday Qaybaha kala Duwan ee Maxkamada KGS ay ka Koobantay.

30/07/2025
Photos from Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya's post 30/07/2025

Maanta oo ay tahay 30 Luulyo 2025, waxaa Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed soomaliya booqasho rasmi ah ku yimid wafdi ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNSOM.

Wafdigan ayaa kormeeray dhammaan xafiisyada xeer-ilaalinta xilli ay waajibaadkooda maalinlaha ah gudanaayeen.. Intii lagu guda jiray booqashada, Xeer Ilaaliyaha Guud ee DGKGS, Avv. Aadan Muqtaar Suuri, ayaa uga warbixiyey qaabka ay u shaqeeyaan xeer-ilaaliyaasha, howlaha ay bulshada u hayaan, iyo kaalinta ay kaga jiraan nidaamka cadaaladda ee dowlad goboleedka.

Ugu dambeyntii, madaxda ka socotay UNSOM ayaa si weyn ugu mahadceliyey shaqada qiimaha leh ee uu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud u hayo bulshada reer Koonfur Galbeed, iyagoo muujiyey taageeradooda joogtada ah ayna si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiska.

DHAMAAD.

Photos from Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya's post 23/07/2025

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Avv. Aadan Mukhtaar Suuri, ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii soo dhoweysay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Wasiir Xasan Macallin, oo safar shaqo ku imaaday magaalada Baydhabo.

Ujeeddada safarka wasiirka ayaa ahayd inuu ka qeyb galo daahfurka dhismaha cusub ee Wasaaradda Caddaaladda iyo arimaha garsoorka ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo xarig jaray Madaxweynaha Dowladda KGS Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lagtagareen.

23/07/2025
Photos from Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya's post 18/04/2025

Qaahira, Egypt: 18- Abriil 2025:

Wafdi ka socda Garsoorka dowlada KGS oo uu hogaaminaayo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Koonfur Galbeed Avv Adan Mukhtar Suuri , Ayaa Magaalaada Qaahira Ee dalka masar Kaga qayb-galay Kulan Aqoon isweydaarsi ah/Siminaar Ku saabsan Xukunada iyo Cadeeymaha Dacwadaha Ciqaabta.

Ujeeedada Kualnkan ayaa ahaa Sare u qaadista aqoonta Hey,adaha Cadaaladda Ee ka how-lgala Gudaha Dalkeyna Soomaaliya.
Intii uu socday Siminaar-kan Ayaa waxaa ka Qeyb-galay qaar ka mid ah Bahda Garsoorka Dalka oo isku jira Xubno ka socday Heer-fedral iyo Heer Dowlad Goboleed Gaar ahaan Xafiisyada Xeer-ilaalinta Dalka.

Waxa uuna Socday Siminaarka Mudoo 6 Cisho ah 13-illa 18-ka bishaan Abriil 2025-ka.

Garsoorka Dalka Ayaa maalmihii Danbe sare u qaaday Tababaro lasiiyo Xunaha Garsoorka dalka,
Tababaradaas oo ka qabsoomay Gudaha Dalka iyo Dibadiisa.

DHAMAAD
___________________________
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadweynaha Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Email: [email protected]

29/03/2025

CIID MUBAARAK.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee DKGS Mudane: Adan Mukhtar Suuri ayaa Hambaliyada Ciidul fidriga, u direy Dhamaan Ummadda Muslimiinta gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan

"Hambaliyo Hambaliyo Dhamaan Umada Muslimiinta ah Gaar ahaan Shacabka reer Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaan Allah ka baryaya inuu naga aqbalo Acmaashii aan gudanay intii lagu guda jiray bisha barakaysaneed ee Ramadaan.

waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka Koonfur Galbeed inaan gacmaha isqabsano si aan uga wada shqeyn laheyn Nabada, Hormarka iyo Cadaalad-Dhiska.

CIID MUBAARAK
#1446
#2025

24/02/2025

Isniin: 24 Febraayo 2025

Xeer ilaaliyaha Guud ee DKGS Avv. Adan Mukhtar Suuri ayaa qeyb ka ahaa fadhiga Maxkamada Degmada Baydhabo oo maanta u fariisatay Dhageysiga Dacwad Ciqaabeed loo haystay Eedaysanayaal ku eedeysan Ka ganacsiga iyo isticmaalka Waxyaabaha maanka dooriya.

Want your business to be the top-listed Government Service in Baydhabo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Baydhabo
N/A