Wasaarada Warfaafinta & Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed

Wasaarada Warfaafinta & Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Wasaarada Warfaafinta & Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed, Government Official, Baydhabo.

31/01/2026

Wasiirka Warfaafinta Dr Mohamed ibraahim Bilaal ayaa ku boorriyey Dadka inay Ilaahay u toobad keenaan, lana joojiyo dhaqan-xumada iyo falalka diinta ka hor imanaya, si looga badbaado dhibaatooyinka ay ka mid tahay abaarta. Sidoo kale waxa uu ka Hadlay diyaargarawbaTarttanka Bisha ramadaan

31/01/2026

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Maxamed Ibraahim Bilaal, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasabad ballaaran oo lagu muujinayay taageerada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-garen). Munaasabaddaasi oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda, waxgarad, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirku waxa uu khudbaddiisa ku bogaadiyay hoggaanka Madaxweynaha, isagoo xusay doorka uu ka qaatay xasilinta, dib-u-dhiska iyo horumarinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, islamarkaana adkeeyay in la sii xoojiyo midnimada iyo wadajirka bulshada

07/01/2026

Wasiirka Warfaafinta Dr. Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa u mahadceliyey ka qeyb galayaasha, gaar ahaan wariyeyaasha doorka firfircoon ka qaatay wadatashiga, isagoo xusay in talooyinka la soo jeediyey ay muhiim u noqon doonaan dhammeystirka iyo tayeynta Xeerka Warbaahinta Dowladda Koonfur Galbeed.

Photos from Wasaarada Warfaafinta & Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed's post 07/01/2026

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Dr. Maxamed Ibraahim Bilaal, ayaa si rasmi ah u soo xiray kulanka wadatashiga Xeerka Warbaahinta Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo maalmahan ka socday magaalada Baydhabo.

Munaasabadda xiritaanka kulanka waxaa ka soo qeyb galay madax ka socotay Hay’adda Qaramada Midoobay (UN) gaar ahaan qeybta Xuquuqda Aadanaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda iyo hay’adaha kala duwan.

Intii uu socday kulanka, wariyeyaasha iyo bahda warbaahinta ayaa si qoto dheer uga doodday qodobada xeerka, iyagoo soo jeediyey aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo la xiriira horumarinta iyo dhowrista xorriyadda saxaafadda, mas’uuliyadda warbaahinta iyo ilaalinta xuquuqda wariyaha.

Wasiirka Warfaafinta Dr. Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa u mahadceliyey ka qeyb galayaasha, gaar ahaan wariyeyaasha doorka firfircoon ka qaatay wadatashiga, isagoo xusay in talooyinka la soo jeediyey ay muhiim u noqon doonaan dhammeystirka iyo tayeynta Xeerka Warbaahinta Dowladda Koonfur Galbeed.

05/01/2026

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada Dowlada KG mudane Mohamed Ibrahim Ali Bilal Oo maanta Daahfuray Kulanka wadatashi ku saabsan Xeerka Warbaahinta Koonfur Galbeed.

Photos from Wasaarada Warfaafinta & Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed's post 05/01/2026

Sawiro :- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Ibraahim Cali (Bilal), ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray kulanka wadatashiga ku saabsan Xeerka Warbaahinta Koonfur Galbeed.

Kulankan oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin dowladeed, suxufiyiin, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa diiradda lagu saarayaa aragti-ururin, talooyin, iyo sidii loo horumarin lahaa xeer warbaahineed oo waafaqsan duruufaha iyo baahiyaha Koonfur Galbeed.

Photos from Wasaarada Warfaafinta & Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed's post 25/12/2025

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Arrimaha Amniga, Horumarinta Adeegyada Bulshada, Xaaladaha Bini’aadannimo, iyo Dadaallada lagu xoojinayo Nabadda iyo wada-noolaanshaha bulshada ku dhaqan Deegaannada Koonfur Galbeed.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa sido kale lagu Ansaxiyey wax ka bedelka (Sharciyeedka Dowlada hoose Law No:10) oo ay soo diyaarisay Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa Golaha Wasiirrada ku Adkeeyey Muhiimadda ay leedahay Dardargelinta Hawlaha shaqo ee loo hayo Shacabka, kor u qaadista Amniga, iyo la shaqeynta Bulshada si loo xaqiijiyo Horumar waara iyo xasillooni guud.

24/11/2025

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigalinta Dowlada Bulshada Dowlada Koonfur Galbeed oo Madaxa Wararka Warbaahinta Dowlada Koonfur Galbeed u magacaabay Ilyaas Abdullaahi Hassan (Taange)

07/11/2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cumar Mustafa Nuur,ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababar muhiim ah oo lagu baranayey tabinta wararka la xiriira bini’aadantinimada iyo xuquuqul insaanka, kaas oo ay ka qeyb galeen suxufiyiin ka kala socday xarumaha warbaahineed ee magaalada Baydhabo.

Photos from Wasaarada Warfaafinta & Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed's post 07/11/2025

Baydhabo, 7 Nofeembar 2025
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cumar Mustafa Nuur, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababar muhiim ah oo lagu baranayey tabinta wararka la xiriira bini’aadantinimada iyo xuquuqul insaanka, kaas oo ay ka qeyb galeen suxufiyiin ka kala socday xarumaha warbaahineed ee magaalada Baydhabo.
Tababarkan oo socday dhowr maalmood ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista xirfadda iyo aqoonta suxufiyiinta, gaar ahaan fahamka ku saabsan sida masuuliyad leh oo hufan ee loo tabiyo wararka taabanaya dadka nugul, xaaladaha bini’aadantinimo, iyo ilaalinta karaamada muwaadiniinta.

Agaasime Cumar Mustafa Nuur ayaa sheegay in tababarkan uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Warfaafintu ku doonayso in lagu xoojiyo saxaafad masuul ah oo ilaalisa anshaxa warbaahinta, isla markaana door muuqda ka qaadata wacyigelinta bulshada iyo difaaca xuquuqda aadanaha.

Wuxuu carabka ku adkeeyay Agaasimaha in suxufiyiintu ay leeyihiin door muhiim ah oo ka mid ah ilaalinta runta, dheellitirka wararka, iyo gudbinta xogta saxda ah ee bulshada dani ugu jirto, isagoo ku booriyay in ay sii wadaan dadaallada ay ku hormarinayaan xirfadooda iyo daacadnimada shaqadooda.

Ugu dambeyn, tababarkan ayaa laga rajeynayaa inuu keeno isbeddel muuqda iyo faham qoto dheer oo ku saabsan sida wariyayaasha Koonfur Galbeed u maareeyaan wararka la xiriira bini’aadantinimada iyo xuquuqul insaanka, taas oo kor u qaadaysa tayada iyo mas’uuliyadda saxaafadda Koonfur Galbeed.
Wasaarada Warfaafinta & Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed

Photos from Wasaarada Warfaafinta & Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed's post 05/11/2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cumar Mustafa Nuur ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar muhiim ah oo looga hadlayo tabinta wararka bini’aadantinimada iyo xuquuqul insaanka, kaas oo ay ka qeybgalayaan suxufiyiinta ka howlgala xaruumaha Warbaahineed ee magaalada Baydhabo.

Tababarkan ayaa lagu saleeyay in lagu kordhiyo xirfadaha iyo aqoonta saxaafiyiinta, gaar ahaan fahamka ku saabsan sida hufan ee loo tabiyo wararka la xiriira xaaladaha bini’aadantinimo, ilaalinta karaamada dadka nugul, iyo wacyigelinta bulshada ee ku saabsan xuquuqda aadanaha.

Mudane Cumar Mustafe Nuur ayaa tilmaamay in tababarkan uu ka mid yahay dadaallada joogtada ah ee Wasaaraddu ku doonayso inay ku xoojiso saxaafadda masuulka ah, taas oo ilaalisa anshaxa warbaahinta isla markaana ka shaqeysa kobcinta wacyiga bulshada. Agaasime Cumar ayaa carabka ku adkeeyay in wariyayaasha ay leeyihiin door muhiim ah oo ka mid ah ilaalinta xaqiiqda, dheellitirka wararka, iyo difaaca xuquuqda muwaadiniinta.

Tababarkan oo muddo dhowr maalmood ah socon doona ayaa rajadiisu tahay in wariyaashu ka helaan faham qoto dheer iyo isbeddel muuqda oo ku saabsan habka ay wariyayaasha Koonfur Galbeed u maareeyaan wararka la xiriira bini’aadantinimada iyo xuquuqul insaanka, taas oo kor u qaadi doonta tayada iyo mas’uuliyadda Saxafiyiinta ka howlgala Koonfur Galbeed Soomaaliya.

12/09/2025

Wasiirka Wasaradda Warfaafinta Dowlada KGS Mudani Dr Mohamed Ibraahim Ali Bilaal ayaa Qeyb ka ah Bandhiga Dhaqaalaha iyo Hal-abuurka KGS 2025.

Want your business to be the top-listed Government Service in Baydhabo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Baydhabo